Afar Suldaan Jawaab kulul ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Salaadiin iyo siyaasiyiin


 



Hargeysa (TNN)-Afar suldaan oo ka mid ah salaadiinta beelaha Sacad-muuse ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay jawaab kulul ka bixiyeen hadallo ka soo yeedhay Salaadiin, siyaasiyiin iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida, kuwaasi oo ay dhaliileen qaabkii ay uga hadleen dilalkii todobaadkii hore ka dhacay deegaanka Seemaal oo u dhaxeeya degmooyinka Baki iyo Gabiley ee lagu khaarajiyay sadexda qof.

Salaadiintan waxa kale oo ay difaaceen eedaymo loo soo jeediyay Taliyaha Ciidanka Qaran ka Gen. Nuux Ismaaciil Taani.

Suldaan Xiis Barre Yuusuf oo ugu horayn ka hadlay shirkaasi jaraa’id waxa uu dhambaal ta csi ah u diray qoysaskii sadexdii qof ee lagu dilay deegaanka Saameel, waxaanu falkaasi ku tilmaamay mid waxshinimo ah.


“Waxaan doonayaa inaan ka hadlo shaqaaqadaasi ka dhacday Seemaal, walaalayaal balaa yo waligeed ayay dhici jirtay laakiin rag uun baa dawayn jiray, balaayo hurudana lama kaa kiciyo ee waa la dejiyaa balaayadda. Waxaanu Tacsi u diraynaa eheladii sadexdii qof ee lag u dilay Saameel waxaanu ILAAHAY uga baryaynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo, iyagana ILAAHAY naxariistii jano ka waraabiyo. Wixii falkaasi foosha xun geystayna waxaan ILAAH AY ka baryaynaa inuu inoo bixiyo oo aynu qabano oo sharciga la mariyo,”ayuu yidhi Sulda an Xiis Barre.

Suldaan Xiis oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan baaq u jeedinayaa dadka walaal aha ah ee deegaankaasi degan waxaan leeyahay ILAAHAY wuu inoo bixin doonaa dadkaas falka xun geystay ee idinku wada dhalashadiina iyo walaaltinimadiina adkaysta.”

Suldaanku waxa uu naqdiyay hadalo ka soo yeedhay Salaadiin waxaanu yidhi “Dadka mad axda ah ee Salaadiinta ah ee nabadda laga eegayay inay nabadda u kacaan oo gurmadaan ee ku hadlaya hadaladda foosha xun ee madaxda qaranka aflagaadeynaya waxaanu leen ahay saldanaddu sidaasi ma aha ee saldannaddu waa nabad iyo caano, waxaanan leenah ay fidmadda aad ummadda kula dhex wareegaysaan joojiya.”

Suldaankaasi waxa uu xukuuamadda ugu baaqay inay xoriyadiisii u soo celiso nin suldaan ah oo uu sheegay in laga soo xidhay Gabilay, waxaanu ku dooday inaanu suldaankaasi wax ba galabsan isla markaana uu xanuunsanayo.

Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si adag u cambaareeyay dilkii ka dhacay Saameel waxaanu ku sifeeyay dilkii ugu foosha xumaa ee ka dhacay wadan ka Somaliland, waxaanu soo jeediyay in sharciga la horkeeno dhagar qabeyaashii dilkaasi fuliyay.

“Waxaan leeyahay Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir, saldanadda aad haysaa waa mid da’a weyn, da’a weyniduna waxay u baahan tahay inaad wanaag ka taliso, reer Somaliland tallada way kuu daba fadhiisanayaan markaad wanaag tallinayso laakiin markaad xumaan tallinayso Suldaanimadiina waad dishay, cidi ku daba fadhiisan lahaydna kaama qaadanay so dulmigaas. Kaama aanaan eegayn hadalkan oo kale saldanadda aad ka soo jeedaana ma geydo arrintaasi,”ayuu yidhi Suldan Ismaaciil.

Suldaan Xuseen Ismaaciil waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay suldaan Saleebaan oo ka soo jeeda deegaanka degmada Dilla waxaanu yidhi “Suldaan Saleebaan-na waxaan leeyahay suldaan laba nin oo walaalo ah ka weyn ayaa walaal og ayaa la yidhi, ma alinba reer ay balaayaddu ku dhici, halkii aad wanaag ka tallin lahayd ayaad tidhi madaxdii qaranka oo dhan dambiga dilka ayay wax ku leeyihiinne ha la soo xidh xidho. Waxaanu ku leenahay hadalkaas xun ka istaaq furulayso hadallo xun xun oo hore oo laguu tirinayaana way jiraan ragga dhintay waa la iloobaa laakiin hadalka xun lama ilaawo wax hubso ayanu ku leenahay.”

“Ninka xubin sharafeedka ka ah Golaha Guurtida ee Xildhibaan Garaad, waxaan leeyahay ni n baa laba riyood lahaa waxa mid magaan ahayd oo Garo la odhan jiray xubin sharaf baad tahaye’e Xildhibaan ha ismoodin,”ayuu yidhi Suldaan Xuseen Ismaaciil. Waxa kale oo uu she egay in Taliyaha Ciidanka qaranku aanu ku lug lahayn dilkii ka dhacay Saameel, waxaana uu tilmaamay in dad dano gaar ah lihi ay magac dilayaan..

Suldaan Maxamuud Siciid Maxamed oo ka hadlay shirkaasi wuxuu yidhi “Xukuumaddu ma ah a inay iyaddu is xidh xidho, ama ay nin jaban oo xanuunsanaya Gabiley ka soo xidho, waa inay raadsato oo soo qabato dadkii wax sameeyay ee laayay dadka aan waxba galabsan. Suldaan Cirday waa nin weyn oo sideetan jir ah oo xanuunsanaya inta Gabiley laga soo qaa day ayaa saldhiga Koodbuur ee Hargeysa lagu xidhay.

“Abiib Diiriye oo la Taliyihii Madaxweynaha ah in la xidho oo la yidhaahdo falkaasi ayuu ka d ambeeyay taas lafteedu waa khalade’e, waxaan leeyahay xukuumaddu iyadu ha isku fiirsa to,”ayuu yidhi Suldaan Maxamuud Siciid Maxamed, isagoo hadalkiisa sii watayna wuxuu yid hi “Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir wuxuu ka soo jeedaa saldanad fac weyn oo aanan garanayn Somaliland salnad ka da’a weyn, waxaana iskaga soo dambeeyay rag mudakar ah oo fiican aakhirkii waxay dul fadhiisatay Suldaan Maxamed C/Qaadir, waa inuu sidii awo wyaashii u taliyo weeye. Ma aha inuu yidhaahdo Taliyaha Ciidanka Qaranka Gen. Nuux Ism aaciil Taani oo kaalin weyn ugu jira, ma aha nin aayar uun la yidhaahdo hala soo xidho dhacdadii ayuu ku jiraye’e waxaanu ku leenahay shacbiga arrintaasi xaal ka sii.”

“Suldaan Saleebaanka reer Awdal-na waxaan leeyahay nin weyn oo da’a ah ayaad taha ye’e waxaad afka u kala qaaday rag mudakar ah oo dalkani leeyahay oo uu ka mid yahay Nuux Taani, Abiib Diiriye Nuur iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE arrintaasi waa aflagaado cad,”ayuu yidhi Suldaan Maxamuud.
Waxa kale, oo halkaasi ka hadlay Suldaan Jaamac Cismaan Aadan, waxaanu cambaareeyay dilkii ka dhacay Saameel waxaanu labada beelood ee walaalaha ah u soo jeediyay inay wada hadal ku dhamaystaan wixii u dhaxeeya.

Suldaan Jaamac Cismaan Aadan waxa sheegay inaan loo baahnayn in la aflagaadeeyo Taliyaha ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo uu xusay inuu yahay masuul qaran oo aan geyin in la hafro.

Source: Somaliland.Org