Afhayeenka KULMIYEY oo Shaaciyey Amar Ray aale ku Bixiyey in Xoog Lagu Horjoogsado Isu-soo-baxyada Mucaaradku ku Baaqeen

 


“Madaxweynuhu amar buu ku bixiyey in xoog lagu horjoogsado isu-soo-baxyada labada xisbi mucaarad ugu baaqeen dadweynaha; cidda ugu horreysa ee xabbadda lala beegsanayaa waa annaga”

Muj. Maxamed Kaahin Axmed


Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Afhayeenka xisbiga mucaaradka ee KULMIYE Mr. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa daboolka ka qaaday in  Mada xweyne Daahir Rayaale Kaahin amar buuxa ku bixiyey in ciidammada  amm aanku xoog kaga hortagaan isu-soo-baxyada dadweyne ee labada xisbi mucaarad ugu baaqeen taageerayaashooda Salaasadda berri.

Mujahaahid Kaahin oo ka hadlayey xaflad ballaadhan oo xisbiga KULMIYE ugu sameeyey huteelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa  taageer ayaal ka soo wareegay xisbul-xaakimka UDUB, waxa uu sharraxaad ka bixiyey murugga siyaasadeed ee xilligan Somaliland madaxa la gashay iyo xalka keliya ee lagaga gudbi karo oo uu ku tilmaamay wadahal, wadatashi, isu-tanaasul iyo shuruucda dalka oo la ixtiraamo.

“Waxaan idiin sheegayaa Madaxweynuhu amar buu ku bixiyey in xoog lagu horjoogsado isu-soo-baxyada labada xisbi mucaarad ugu baaqeen  dadw eynaha; cidda ugu horreysa ee xabbadda lala beegsanayaa waa annaga [madaxda axsaabta], laakiin hanjabaad, cagajuglayn iyo cabudhin toona uga joogsan mayno hadafkayaga, taageerayaasha labada xisbina waxaan leeyahay waa inoo Salaasada, waxaanan leeyahay hashaan geedda weynoow libaax uga gabboon waayey, inaan gorayo-cawl uga tagaa waa hal soo gudhay,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Ugu horreyn, Afhayeenka KULMIYE oo faahfaahin ka bixinayey xaaladda waqtigan dalka ka aloosan iyo mowqifka xisbigoodu ka taagan yahay  fur daaminteeda waxa uu yidhi; “Dalkan Somaliland 1991-kii burburkii dawladdii kalitaliska ahayd markii ay dhacday halgankii SNM sabab u ahaayeen waa waxa aynu kaga duwan nahay Soomaaliya intii kale oo aynu isku dhaqan nahay, kamana sharaf badnin ee aasaaskii nabaddii SNM hormuud ka ahayd ayaa dhalisay dawladnimadaas oo kaga badbaaday masiibooyinka dalka Soomaaliya halakeeyay.

Madaxwayne Daahir Rayaale iyo xukuumadiisu waxay ka tallaabsatay axdi-qarameedkii lagu soo sameeyay Boorama iyo Burco ayaa maanta la  burbu rinayaa, taasna sidiqi mayno oo dhaqankeena ayay inan gumeednimo ku tahay.

Maalintii dhoweyd ee Madaxweyne Rayaale hadlayey wuxuu yidhi, ‘Gudd oomiyayaasha Baarlamaanku waxba maaha, golayaasha iyo nimanka mucaaridka sheegaynaa riyadoodu waa been, aniga ayaa taliyihii ciidanka ah, anigaa Madaxwayne ah intaas ayuu isdaba-dhigay.’

Haddaba, maanta waxa la burburinayaa distoorkii iyo shuruucdii dalkani lahaa. Waxa kale oo la burburinayaa nidaamkii dawladnimo ee aynu distoorka u samaynay. Madaxwaynuhu waxa uu madax ka yahay hay’adda fulinta, Guurtida iyo Wakiilladuna waa sharci-dejin iyo hay’adda garsoorka. Dawladdeenu saddexdaa dhadhaar ayey ka kooban oo mid walba ka kale ka

madaxbanaan yahay; sharci-dejintu waxay soo saarto ayuu ku khasban yahay inuu fuliyo Madaxwaynuhu.

Shalay [Sabtidii] waad ogtihiin waxa Baarlamaanka ka dhacay taagiyo  ay uun baan la keenin; taliyihii Bilayska, taliyihii qaybta iyo gaadhigii  maxaa biista lagu qaadaayey ayaa la horkeenay. Xasaanadda dawladda  Madax waynaha ayaa u sarreeya, waxana ku xiga Guddoomiyaha Golaha Guurtida.”

Mar uu ka hadlayey arrimaha doorashooyinka iyo muranka diiwaangelinta codbixiyeyaasha waxa uu yidhi; “Arrinka tirokoobka layskuma diidana, diiwaangelintana qoladii lagu khasbayey KULMIYE ayey ahayd, laakiin Madaxwayne Rayaale iyo xukuumaddiisu waxay ka boodeen nidaamkii Somaliland, waxayna u guureen meel aynaan garanayn oo malaha uu tago oo aan lahayn xisbiyo, dimoqraadiyad oo aan jaraa’id laga aqoon. Arrinka aan idin sheegayaa waxa weeye maanta laga hadli maayo xisbiyo tartama oo doorasho gala.

Waxaan hadalkayga ku soo ururinayaa 18 sanno waxaynu u soo soconay ee adduunyadu innaga caawinaysay oo doorashooyinka iyo tirokoobka gacanta innaga siin jiray ayaa la leeyahay waa tuug. Bal waxaad daawataan idaacadda Radio Hargeysa iyo TV-ga UDUB waxa ka socotay gaalo ayaa na qabsatay. Madaxwayne Rayaale iyo xukuumaddiisu waxay afkooda ka yidhaahdeen ajnebiga iska celiya.

Maalintii dhawayd oo ay garnaqsadeen qaadhaan-bixiyayaaashu labadii sanno ee u dambeeyay waxay Somaliland ku caawiyeen lacag gaadhaysa 170 milyan oo Euro (boqol iyo toddobaatan milyan), una dhiganta $ 250 milyan oo dollar (laba boqol iyo konton milyan). Miisaaniyadda Madaxwaynuhu dalka u soo saaro waa boqol iyo lixdan malyan oo doollar, inta kale isaga iyo wasiiradiisa ayaa jeebada ku shubta.”

Mujaahid Maxamed Kaahin waxa uu dhaliil kulul u xambaariyey  Madaxw eyne Rayaale iyo xukuumaddiisa oo uu sheegay in ay ka weecatay  hann aankii Somaliland ku soo dhisantay, “Sidaa awgeed, waxaan leeyahay sheekadu tirokoob maaha oo waa taa Baarlamaanada ciidanka la gaynayo ciyaar maaha, talo-wadaagii xukuumaddu diiday ciyaar maaha. Rayaale iyo xukuumaddiisu waxay ka digarogatay nidaamkii iyo dastuurkii Somaliland, colaad baa dalka laga abuurayaa; wasiiro la shiro oo kolba la yidhaahdo Saleebaan-gaal hala iga khaarajiyo. Faysal Cali-waraabe inankii yaraa ee xabbadda dhafoorka ka saaray markii uu taliyihii qabtay Gabilay qabsaday waa la beddelay, ciidankii rasaasta ku riday KULMIYE waa la garanayaa,” ayuu yidhi Afhayeenka KULMIYE.




Source: Jamhuuriya Online