Afhayeenka Madaxtooyada Oo Ka Hadlay Dareenka Ka Dhashay Socdaalka Gaboose Ee Bariga Dalka
 


Dubai (TNN)- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka had lay dareenka ka dhashay socdaalka wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ku marayo gobolada bariga Somaliland, kaasi oo ay ka dhasheen dareeno sheegaya in wasiirku u gogol xaadhayo sidii uu dib ugu furi lahaa urur siyaasadeedkii Qaran ee uu ka tanaasulay markii sharciyaddii sa la deedafeeyay.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland waxa kale oo uu faah-faahin ka bixiyay nuxurka kulamada wefti ga Madaxweynaha Somaliland la yeeshay madaxda dalka Imaaraadka Carabta.

Cabdillaahi Cukuse waxa uu sheegay in weftiga Somaliland ay kala xaajoodeen madaxda dalka  Imaaraa dka Carabta arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii ay Somaliland uga caawin lahaayeen dhinaca adeegy ada nolosha asaasiga ah, sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.

“Dalkayaga Somaliland waa dal baahi wayn u qabay in uu caalamka xidhiidh la yeesho, Caalamka Islaam ka, Caalamka Galbeedka iyo kuwa Afrikaba baahi wayn u qaba. Wadanka Imaaraadka Carabtuna waa  wadan dadka reer Somaliland uu xidhiidh badan oo taariikhi ahi shacbi ahaan ka dhexeeyay, markaa s ababaha aanu u nimi waxa weeye dhinaca dhaqaalaha, wax wada qabsiga iyo aqoonsiga intaba.

Tusaale ahaan dalka Somaliland waxa wakhtigan ka jiraa abaar, waxa ay soo noqnoqotaa sannad wal b a,waxa weeye in wadanka loo helo wax uu kaga haqab baxo biyaha, dadkii naga caawin lahaana  waxaa nu u doorbidnay in ay ugu horayso Imaaraadka Carabtu,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Soma liland Cabdillaahi Maxamed Daahir oo caawa u waramayay Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Sooma aliga.

Afhayeenka Madaxtooyada oo la waydiiyay in ujeedada socdaalkoodu uu yahay mid la xidhiidho oo ka liya sidii ay caawimo uga heli lahaayeen dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu ku jawaabay “Waa waxa ugu horeeya ee aanu hadda isha ku hayno, waxaa laga wada hadlaa baahiyuhu sida ay u kala  horeey aan ayaa loo kala hormariyaa, wadanka Imaaraadka Carabta dawladdiisu in ay wax nagala qabtaan dhinaca nolosha asaasiga ah, sida Caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo wixii la mid ah. Waxaanu la kulanay madaxda ugu waawayn dalka Imaaraadka Carabta, Shirkado, Ganacsato waawayn iyo dad awood u leh in ay maalgashi ku sameeyaan Somaliland. Sheekhuna waxa uu madaxweynahayaga u sheegay in uu dhinaciisa diyaar u yahay in uu wax wayn la qabto Somaliland. Waxaanu la kulmi doonaa Madaxweynaha dalkaas, Shiyuukhda Raasul Khiimaya iyo kuwo kale. Intaa kabacdina waxaanu u amba bixi doonaa dalka Kuwayd.”

Cabdilaahi Maxamed Daahir oo la waydiiyay in weftigoodu ka qayb galayo shir lagaga hadlayo arrimaha budhcad badeeda oo ka soconaya dalka Imaaraadka Carabta, oo ay ka qayb qaadanayaan wadamo badan oo dunida ah iyo dalka Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay “Shirkaas waxa ka qayb galay wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waanu ku maqan yahay shirkaas oo ka socda magaalada Dubai, shirkaasi waxa oo uu xidhiidh la leeyahay shirar noociisa ah oo dalal kale lagu soo qabtay, waxaana lagaga hadlayaa arrimaha budhcad badeeda, meelaha nabadda looga baahan  ya hay ayay badda lafteedu ka mid tahay, markaa khasab ayay tahay in aanu ka warhayno shirarka  nooc aas ah oo aanu ka qayb galno, wasiirka arrimaha dibadda ayaana ka qayb galay.”


Afhayeenka oo wax laga waydiiyay arrinta furashada ururada siyaasadda iyo ujeedada socdaalka  wa siirka arrimaha guduhu ku marayo gobolada bariga Somaliland waxa uu ku jawaabay “Maxamed Cabdi Gaboose waa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, had iyo jeerna inta aanu ka warhayno  safaradiisa asi waxay xidhiidh la leeyihiin uun dhinaca amniga iyo bulshada uu wasiirka u yahay. Wakhtigan xukuu maddu kuma hawlana ururo cusub oo la furayo iyo ururo hore oo la xidhayo, waayo waxaa la diray gud di, gudidaas ayuu madaxweynuhu ka sugayaa in ay talo ka keenaan, laakiiin xaqiiqada meesha ka jirtaa waxa weeye xukuumaddani waxay leedahay madax, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siila anyo ayaa hogaamiye ka ah, xubin kasta oo xubin ka ah xukuumaddu waxa ay ku khasban tahay in ay talada hogaamiyaha xukuumadda raacdo.”

Source:Somaliland.Org