Afhayeenka Madaxtooyada Oo Sheegay In Madaxwey nu hu Kulan Xog-waraysi Ah La Yeelan-doono Golaha Wasiirada
 

 


Axmed Saleebaan Dhuxul Afhayeenka Madaxtooyada waxa kale oo uu sheegay in....


Hargeysa (TNN) - Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa in maalinta Sabtida ee Todobaadka soo socda ay uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo kulan saddex cisho ah la yeelan-doono Golihiisa Wasiirada, kaas oo lagaga hadali-doono waxya abihii u qabsoomay muddadii Xukuumadda Kulmiye talada haysay.


Afhayeenka Madaxtooyada oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa uu ku sheegay in shirkan lagu darsi doono qorsheyaasha xukuumadda iyo qiimaynta waxy aabihii u qabsoomay,

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaaan jecelahay inaan idiin siiyo warbixin kooban oo ku saabsan, Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), ayaa fadhigii maanta ee golaha wasiirrada waxa uu ku war-galiyey golaha wasiirrada in todobaadka soo socda golohu yeelan doono kulamo socon doona sadex maalmood,”

Axmed Saleebaan Dhuxul Afhayeenka Madaxtooyada waxa kale oo uu sheegay in kulanka asi lagaga wada hadli-doono waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda, waxaanu yidhi “Kula madaasi oo lagu qiimeynayo dibna loogu eegi doono wax qabadkii xukuumada u fuley mud adii ay jirtey iyo kuwa aan la fulin. waxa kale oo kulamadaasi bilaabi doona maalinta Sabti da lagaga hadli doonaa qorshaha ku tallo-gal ee dhinaca wax qabadka iyo horumarinta qaranka ee sanadka soo socda.”

Dhinaca kale Afhayeenka madaxtooyada Somaliland waxa uu sheegay in dalka la keeni meydka ALLE ha u naxariistee Marxuum Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo si heer qaran dalka loogu aassi doono Caasimada Hargeysa.


 

 



Khalid Ibraahim
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland