Afhayeenkii Hore Ee Madaxtooyada Oo Sheegay Inuu Dalacay
Musharakiina U Kordhay
Wasiir Cukuse waxa kale oo uu sheegay in Wasaarada Warfaafintu
u.........
Hargeysa (TNN) – Afhayeenkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland ee
dhawaan Madaxweyne Siil aantyo u magacaabay Wasiir ku xigeenka
Wasaarada Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa
sheegay in uu dalacay Wasiirnimo, isla-markaana uu u kordhay
Mushaharku.
Wasiir Cukuse waxa kale oo uu sheegay in Wasaarada Warfaafintu u
baahan-tahay cilaaj, wax aanu tilmaamay inuu la yaabay buuqa mar
walba ka taagan Wasaaradaasi, waxaanu sidaas ku sheegay hadal uu
maanta ka jeediyey Xil wareejintii Wasaarada Warfaafinta.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Anigu meeshan waxaan ka tagay
iyadoo Cawaaale iyo khad ar Maxamed Cakule ugu yar-yar yihiin dadka
waxaanan ku soo noqday iyagoo ugu waaweyn. Maalintii idaacadu taalay
garoonka Timacade Cabdi Yuusuf Ducaale iyo anigu makhsin ayaanu wada
seexan jirnay laba nin oo saaxiiba ayaanu aheyn maqsinka nagu xigana
istuudiyaha Idaac ada ayuu ahaa.”
Isaga oo hadalkiisii sii wata, waxa uu yidhi “Markii dambena anigoo
Maayar ku xigeena ayaan halkan ka rarney 729 qoys oo dhex deganaa
xeydaabka wasaaradan. Maanta labada Wasiir ee xilka wasaarada la
kala wareegaya waanu u duceyneynaa. waxaynu leenahay intaas oo dhan
weynu soo taagnayn,”
Wasiir . Cukuse waxa uu sheegay in uu dalacay, isla-markaana uu
Mushaharkii u kordhay, waxa anu yidhi “Aniga dad baa igu yidhi
miyaad dalacday mise waad soo dhacdey way kala yara gar an waayeen,
waan dalacay musharkiina wuu ii kordhey, golaha wasiirrada inkasta
oo aan fadhiyi jirey cod maan lahayn hadeerna cod ayaan leeyahay.”
Wasiir Ku xigeenku waxa uu intaas ku daray “Wasaaradda Warfaafinta
barigii hore waxay aha an jirtey meel laga yaaco oo wasaaradaha
maaliyada iyo Daakhiliga ayaa lagu yaaci jirey. ILAAHAY ayaab buu ii
keenay oo meeshii oo Wasiiradiiba aanay ku hakanayn oo afar Wasiir
ma rayso. Waxaan arkay iyadoo markiiba Wasiirada la bedalayo oo buuq
ka taagan yahay afar iyo labaatanka saacadoodba. waxaan idhi
wasaaradii ma jin ayaa galay. Cilaaj ayay u baahan tah ay waynu
ducaysanaynaa intaynu ducaysano ayaynu shaqada bilaabaynaa. Sidii uu
Boobe inagula dar-daarmay ayaynu samaynaynaa oo cadaalad waynu u
sinaaneynaa shaqaaluhuna way sinaanayaan.”
Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland
|