Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismeyaal ay Hirgalisay Dawlada Hoose ee Wajaale
 

 


Taliyaha Madaxtooyada Gen.Faysal Kaamil Ciise isagoo mahad naq balaadhan u soo jeediyey G udoomiyaha Degmada Wajaale .................   Daawo Sawiradda

 

Tog-wajaale (TNN) Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo ay dawlada hoose ay ka hir galisay Degmada Tog wajaale waxaana xaflad bal adhan oo xadhiga lagaga jarayo dhismayaal lagu kordhiyey Saldhiga booliska iyo Xarunta Dawla da Hoose lagu qabtay hoolka shirarka ee Dawlada hoose waxaana ka soo qayb galay Agaasim aha Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Xuseen Cige (C/laahi Black) Taliyaha Madaxtooyada General Faysal Kaamil Ciise , Taliyaha Qaybta ee Gobolka gabiley, Cuqaal , iyo Ganacsato

Waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Xuss een Cige isagoo mahad naq balaadhan u soo jeediyey maamulka D/hoose ee hirgaliyey dhism ahan oo magaalada u ah mihiim sidoo kale wuxuu sheegay in balan qaadkii uu madaxwaynuhu u balan qaaday magaalada wajaale la fulin doono bilawga sanadkan waxaana hadalkiisii ka mid ah aa “Maanta munaasibadan aynu iskugu nimid waa munaasibad taariikhi ah gudoomiyaha laftiisa na sharaf ayey u tahay oo dayn faro badan oo ay maamuladii ka horeeyay ay kaga tageen uu la rafanaayey wax qabadkan uu qabtay aniga wax wayn ayey ii tahay sadex rug bilays ah oo laba qol oo lagu kordhiyey saldhiga iyo sadex xafiis oo dawlada hoose lagu kordhiyey dawladan ahmed siilaanyo waa dawladii wax qabad ka ee maaha dawladii rubac qaadka ah qaadaysay waa dawladii horu marka ka shaqaynaysay lana dagaalamaysay musuq maasuqa dakhligan imika ay dawlada hoose hesho awalba wuu yaalay “

Waxa kale oo isaguna ka hadlay Taliyaha Madaxtooyada faysal Kaamil Ciise isagoo mahad naq balaadhan u soo jeediyey Gudoomiyaha Degmada Wajaale oo hirgaliyey dhismayaashan faraha badan ee maanta xadhiga laga jarayo sidoo kale wuxuu dadwaynaha iyo ganacsatada wajaale u soo jeediyey inay gacmaha is qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan sidii ay u horu marin lahaayee n magaalada wuxuuna yidhi “ aduunwaynaha horumaray waxay wax ku qabsadaan iskaa wax u qabso guud ahaan dalka waxaa ka socda hurumar, cashuurka dawlada hoose hadii la ilaaliyo adeegyada bulshada waa laga dhamays tiri karaa oo dariiqa isku xidha wajaale iyo kalabaydh ayaa hadii la xafido dakhliga la samayn karaa waxaanan bulshada reer wajaale ku boorinayaa inay gacmaha is qabsadaan oo ay dhan uga soo wada jeestaan sidii loo hurumarin lahaa magaa lada .

Waxa kale oo isaguna ka hadlay Taliyaha qaybta Gobolka Gabiley Ismaciil Rashiid wuxuuna mahad naq balaadhan u soo jeediyey gudoomiyaha Degmada wajaale oo hir galiyay dhismahan uu ku kordhiyey xafiiska D/hoose iyo Saldhiga oo uu ku kordhiyey laba qol iyo sadex goobood oo uu booliska rugo uga sameeyay sidoo kale wuxuu sheegay in baahi wayn saldhigu u qabay guryahan oo ayna markii hore jirin meel lagu xidho haweenka isla markaana ay askartu dhibaato ku qabeen .

Gudoomiyaha Degmada Tog wajaale Xaashi Maxamuud Cab di ayaa sheegay in uu u mahad naq ayo Dadwaynaha wajaale iyo shaqaalaha D/hoose oo hadii ayna la shaqayn ayna u suurta ga sheen in ay hir galiyaan mashaaricad horumarineed isla markaana ayna baahiyaadka degmadu ahayn intan oo kaliya ayna ku da,adaali doonaan intii karankooda ah inay dhamays tiraan.

Mustafe sh.abibakar Xuseen oo ka mid ah dhalinyarta wajaale ayaa sheegay in maamuladii hore ay da,ayn lacag ah lakala wareegi jireen lakiin Maamulkan hada jiraa ayna wax dayn ah inagu wareejinayn isagoo sheegay in maamulkan mudadii hore ay la tacaalayeen sidii danyntii ay maa mulkii ka horeeyey ay kaga tageen u bixin lahaayeen isagoo maamulkani uu soo celiyey dhul da n guud ahaa oo ay maamulkii hore u siiyeen dad lacag ku lahaa dawlada hoose oo ay maamul kani lacagtii bixiyeen dhulkiina soo celiyeen sidoo kale wuxu sheegay in lacagta daynta ah ee uu maamulkani dhaxlay ay ahayd jaad iyo raashin hotelada laga qaba , ay guul iyo sumcad u tahay maanta mashaariicadan maamulka hada jooga.

Waxa kale oo iyaguna ka hadlay odoyaal iyo ganacsato oo dhamaantood mahad naq balaadhan u soo jeediyey maamulka dawlada hoose oo hirgaliyey dhismayaal fara badan oo lagu kordhiyey xarunta dawlada hoose, saldhiga ,kawaanka Xoolaha , iyo sariimada iyagoo sheegay in intii ay ku noolaayeen abid ay tahay markii ugu horaysay ee ay dawlada hoose ka hirgalisay magaalada mashaariic noocan oo kale ah
 

 



Crisaaq Muxumed Aw Daahir
Timacade News Desk
Wajaale Office