Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta oo xadhiga ka jaray xarunta Telefiishanka Qaranka ee UK

 

 

 


Munaasabad kooban oo xadhiga lagaga jarayay xarunta telefiishanka qaranka ee UK aya a lagu qabtay xafiiska telefiishanka ee London(Daawo Sawiro)


London,29 October 2011 (TNN)-Munaasabad kooban oo xadhiga lagaga jarayay xarunta telefiishanka qaranka ee UK ayaa lagu qabtay xafiiska telefiishanka ee London. Xafladan oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kale duwan ee bulshada reer Somaliland, ayaa waxa ugu horeyntiiba xadhiga lagaga jaray xafiiska telefiishanku ku yeelan doono UK. Xafiiska oo noqon doona kii ugu horeeyay ee teleiishanka Qaranka JSL ku yeesho dalka mid ah wa ddamada Yurub waxa uu ka danbeeyay dedaal badan oo xukuumadu ugu jirto tayaynta iyo balaadhinta warbaahinta dalka.


Agaasimaha wasaarada warfaafinta Md Faysal Cali Sheekh oo halkaasi ereyo kooban ka jeediyaya, ayaa waxa uu ka waramay marxaladihii kale duwanaa ee uu soo maray telefiis hanka qaranka iyo inuu telefiishanka qaranku yahay mid ummadda reer Somaliland leeda hay oo aan cid gooni ahi lahayn, loona baahan yahay in si buuxda dadka reer Somaliland gacan uga wada geystaan horumarintiisa.


Waxa lagu wadaa in maanta ay magaalada London ka dhacdo xaflad balaadhan oo lagu soo dhaweynayo furitaanka telefiishanka qaranka xaruntiisa Yurub.

 



Nabad iyo Caano
Muhamed Hassan Ali
London (UK)