Agaasimaha tviiga qaranku wuu ka soo baxay xilkiisii ha laga daayo afgaadada





Asww warabaahinta sida fiican warka noogu kala tabinaysa waxaanan leeyahay waa mahadsan tihiin.
Waxaan jecel ahay in aan in yar ka idhaahdo tviiga qaran oo runtii ah halbowlaha qarankeenan somaliland oo haddii aanu jiri lahayn wax badani inagu seeganaan lahaa dhinaca war baahinta gudo iyo dibadaba.

Hadaba maalmahan u danbeeyey ayaan waxaan ku arkaayey warbaahinta xubno eedaynayaa agaasimaha kuwaasi oo aan wax macnoleh aan sheegayn ama aan sababaynayn taasi oo aan anigu u arkaayey iska shakhsi nacayb iyo ficiltan yarqiimo badan lahayn.

Marka hore waxaan jeclahay in aan dadka u sheego in tviiga qaranku aad iyo aad u wanaagsan yahay dhinaca maamulka iyo shaqaalaha ka shaqeeya dhamaantood rag iyo dumar,kuwaasi oo aan anigu ku hambalyeynayo shaqada wanaagsan ee ay u qabtaan qarankan somaliland gaar ahaan muqaalka wanaagsan ee ay soo daayaan iyo barnaamijyada tayda leh ee ay dadka u soo tebiyaan iyaga oo hantida yar ee ay qaataan iyo shaqada ay hayaan kala badan tahay,isla markaana ay shaqeeyaan goortii loo baahdo iyaga oo aan aax odhan.
Ta labaad waxaan iyadan halkan ka hamblyeynayaa agaasimaha tviiga qaranka oo run ahaantii ah nin aad u firinfircoon hawl karna ah ilaa intii uu xilka qabtayna wax dhibaato ah oo tviiga ku yimid jirin isla markaana ku soo kordhiyey qalab fara badan oo aan hore u jirijirin sida kamaradaha,xafiisyada,iyo waliba dhaqaalihii ku bixi jiray satalaatyada oo uu ka dhex saaray lacag badan oo la lunsan jiray kuna soo celiyey khasnadda dawlada,waxaa kale oo uu runtii ku soo kordhiyey muuqaalka tviiga oo aad u sareeya barnaamujyo tayo leh oo badan oo aan hore u jiri jirin. Run ahaantii aniga oo ka mid ah daawadayaasha tviiga qaranka waxaan aad u bogaadinayaa hawlwadeenada tviiga qaranka rag iyo dumarba sida wanaagsan ee ay qaranka iyo daweynahaba ugu shaqaynayaa iyaga oo aan marnaba daalayn.

Agaasimaha tviiga qaranka waxaan leeyahay waxaad tahay hawl kar qof walibana waa og yahay ha dhegaysanin war xuma tashiilka laga yaabo in dan uu lahaa aad u diiday dabadeedna warbaahinta kuu marinaya wax aanad kugu haboonayan.

Guntii iyo gabagabada waxaan ummad reer somaliland u soo jeedin lahaa in aanay dhegaysan war xumo tashiilka iyada oo aan og nahay dadaalka faraha badan ee xukuumadan Axmed M.M siiraanyo wado haday arimaha dibada tahay,haday madaarada dalka tahay,haday wasaaradaha oo dhismayaal badni ku socdaan tahay.
Tviiga qarankuna wuxuu ka mid yahay meelaha hawsha wanaagsani ka socoto waxaana ku amaanan oo hawshaasi fulineeda agaasimaha iyo hawl wadeenada kale ee la shaqaynaya noolaada ayaan idin leeyahay sida aad noogu shaqaysaan dhegna ha u dhigina xaasidka websaydayada ku qoraya hadalda qabyaalada iyo qudhunku ku jiro.
Abaal marinta aad leedihiina waa heli doontaa haddii alla idmo.qarankana.
Cabdi.D. camuud.