Agaasimihii Guud ee Wasaarada Ganacsiga
oo Geeriyooday

 


Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta dhambaal tacsi ah u diray Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Marxuum C/raxmaan Maxamed Cajab oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

 


Madaxweynuhu, waxa uu ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo , qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo