Akademiga Horumarka Iyo Waxbarashada Dadka Laga Tirada Badan Yahay Oo Bilad Sharaf Ku Maamustey Maayirka Degmeda Gabiley

 


Biladan ayaa ka danbeysay ka dib markii Maayirku door fir fircoon ka qaatey horumarinta dhan ka Waxbarashada, Shaqada  iyo waliba kor u qaadista dareenka dadkaas..... Daawo Sawirrada


Gabiley (TNN):- Akademiga Horumarka Iyo Waxbarashada Dadka Laga Tirada Badan Yahay Ama Gabooye Ayaa Maanta Magaalada Gabiley Ku Gudoonsiisay Bilad aad u qiimo iyo qaayo badan,Ma ayirka Degmeda Gabiley, Mudane Shuceyb Maxamed Muuse.

Biladan Ayaa Ka Danbeysay Kadib Markii Maayirku Door Fir Fircoon Ka Qaatey Horumarinta Dhan ka Waxbarashada, Shaqada, Iyo Waliba Kor U Qaadista Dareenka Dadkaas Taas Oo Uu Maay irku Sanadkan Ugu Deeqay 2 Ardey Waxbarashada Jaamacadaha Wadanka Kuwaas Oo Ka Soo Jeeda Bulshadaas Isla Markaana Ay Bixineyso Dawlada Hoose Ee Gabiley, Dhanka Uu Sidoo Kale 1 Mac alin Ka Kafaalo Qaadey Dugsiga Hoose/Dhexe Ee Shube Magaalada Hargeisa Kaas Oo In Ka Bad an 400 Ardey Oo Gabooye Ahi Wax Ku Barato.

Biladan Ayaa Waxaa Gudoonsiiyey Gudoomiyaha Akademigaas Mudane, Liban Ismael Mahamud Iyo Agaasimaha Guud Ee Akadmeigaas Iyadoo Uu Ku Wehelineyey Lataliyaha Madaxweynaha Arimaha Bulshadaasi Mudane Barkhad Jama Hirsi Batuun.

Gudoomiyaha Akademigaas Mudane, Liban Isamel Max,Ud Oo Madashaasi Ka Hadlay Ayaa Ku Dh eeraaday Wax Qabadka Maayirka Waxaanu Yidhi “Maayir Shuceyb Oo Ah Nin Dhalinyaro Ah Oo Mashaariic Badan Ka Fuliyey Gobolkiisa Gabiley Waxaa Uu Sidoo Kale Wax Muuqda U Qabtey Bul shada Gabooye Waxaanu Naga Mudan Yahay Sharaf Iyo Amaan” Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Akad emigaas Mudane, Liban Isamel Max,Ud.

Dhanka Kale Mudane, Maayir Shuceyb Ayaa Aad Ugu Mahadceliyey Akademigaas Isagoo Ku Am aaney Iney Yihiin Dad Isku Xilsaaray Horumarinta Bulshada Gabooye Oo Nabaro Badan Tirsane ysay Waxaanu Maayirku Balan Qaaday Iney Isaga Shaqsiyadiisa Ka Go,An Tahay Horumarinta Bulshadaasi.

Ugu Daneyntiii Waxaa Madasha Ka Hadlay Lataliyaha Madaxwyenaha Ee Dadka Laga Tirada Ba danyahay Mudane, Haldoor Barkhad Jama Hirsi Waxaanu Aad Uga Sheekeeyey Isbadalkii Ku Im id Bulshadan Sanadadii U Danbeeyey Isagoo Ku Bogaadiyey Dhalinyarada Bulshadan Ka Soo Je eda Doorkooda Aqoonta Ee Ay Ku Halgamayaan Waxaanu Lataliyuhu Yidhi “Sharaf Ayey Ii Tah ay In Gobolka Gabiley Oo Ka mid Ah Buqcoonyinka Aan Dunida Ugu Jeclahay Inaan Maanta Imaado Man a Ahaa Markii 1-Aad Ee Wiik Kasta Waan Imaada Waayo Waa Gobol Alle Ku Galaday Saxo Iyo Soo r Wacan, Waxaanan Ugu Horeyn Inta Reer Gabiley Ee Wax Haysta Iyo Qurba joogt aba Leeyahay Soo Maal Gashada Waa Dhul Hodan Ah Oo Alle Scw Qani Ka Dhigee Waxaan Aad Iyo Aad Ugu Mah adc elinyaa Maayirka Gabiley Sidoo Kale Guud Ahaan Bulshada Gabiley Oo Xor Ka Ah Cunsuriyada Inta Badan Bulshada Gabooye Tirsato, Sidoo Kalena Maayirka Ayaan Leey ahay Waxaad Tahay Xubinta Kaliya Ee Ugu Jirta Bulshada Gabooye Goolayaasha Deegaanada Wadanka Oo Dhan Waa yo Nin Sinaanta Iyo Wallaaltinimada Somaliland Jecel Ayaad Tahay Ayuu Ydihi Lataliyaha Madax weynaha Ee Arimaha Dadka Laga Tiro Badanyahay.

 

 


Eng. Guuleed Yare
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland