Al-Jaabiri Oo La Sheegay Inuu Xoolihii ka dejiyay Ereteriya
 

Afhayeenka guddiga ganacsatada xoolaha nool ee Somaliland oo ka soo horjeeday heshiiskii ay xukuumadda Somaliland la gashay ganacasade Saleban Al-Jaabiri, ayaa sheegay in Ganacsade Al-jaabiri uu xoolihii uu ka qaaday Berbera ka dejiyay dalka Ereteriya.

Afhayeenka guddiga ganacsatada Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, oo xalay u waramay Geeska Afrika, ayaa sheegay in Saleban Al-jaabiri ay ujeedadiisu ahayd inuu xoolaha Somaliland ku haysto kooto, “Wuxuu bilaabay in Xoolihii uu ka qaatay Berbera uu geeyo Eleteriya. Eleteriya oo sida aynu ognahay cilaaqaadka xaga dawladda iyo xaga shacabkaba ay shaki ka qabaan oo xataa arrimahan Soomaaliya iyada loo tiriyo dhibaatooyinkeeda, Maantana nasiib darro labaad ayaa xoolihii Somaliland ku dhacday oo Ereteriya ay ku sheegatay xoolihii Berbera laga raray in ay iyadu leedahay oo lagu caafimaadinayo Maxjar Eleteriya ku yaala, oo iyadoo xoolihii lagu qoray in ay Eleteriya leedahay uu Sucuudiga u dhoofinayo, oo Al-jaabiri labadii markab ee u dambeeyay oo midna Al-iimaan la yidhaahdo midna Jaarlo la yidhaahdo wuxuu geeyay Eleteriya, arrintaas oo run ahaantii aanu aad uga xumaanay oo wixii xukuumaddu sheegaysay iyo wixii uu isagu sheegayayba ay noqonayso in ummaddana la majaro habaabinayay, isna been uu sheegayay wax uu ugu maqan yahayna aanay jirin.” Ayuu yidhi Afhayeenkani, waxaanu intaas raaciyay, “Markaa iminka waxaa nagu maqaalo ah in markab dambe oo iminka Al-jaabiri rarayay oo Al-barako la yidhaahdo ay xoolihiisii taagan yihiin oo Madaxwaynuhu xanibay, arrintaas oo Madaxwaynuhu ka cadhooday arrintaa qarsoodiga ah ee ninkii warka laga sugayay uu noqday nin Ereteriya u galay, in kasta oo aanaan la xidhiidhin, wararka na soo gaadhayaana waxay sheegayaan in arrintaa xukuumaddu aad ugu kacsan tahay.”

Ugu dambayn, waxa uu Afhayeenku yidhi, “Markaa anagu ummadda reer Somaliland waxaanu u sheegaynaa siddeed kun oo qof oo xoolaha ka ganacsanayay iyo intii dhaqaale ku qabtay dalkaba, dee waa la ogyahay in laba nin uun loo xidhay, ujeedo been ah oo aan sal iyo raad lahayna loogu xidhay oo Sucuudi baan soo furayaa ku andacoonayay tiina la waayay, in ay been ahayd uun bay arrintaasi markhaati ka tahay.”

 

 
 

 


Source: Wargeyska Geeska Afrika