ALLAYBADAY KAALIN INTEE LEEG AYAY KAGA JIRTAA WAXSOOSAARKA DALKA JSL?
 

Allaybaday (Longlivesomaliland News)-Degmada Allaybaday waxa ay ka mid tahay Degmooyinka ku teedsan Xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya, Islamarkaana ka tirsan Gobolka Gabiley sidoo kale waxa ay ka mid tahay Degmooyinkii ugu danbeeyay ee xukumada Somaliland u aqoonsato heer Degmo waxaana hoos yimaada tuulooyin badan oo dhamaantood ah beeralay iyo xoolo dhaqato.


Hadaba wixii ka danbeeyay intii degmo loo aqoonsaday waxa ay dadwaynaha reer Allaybaday ka hawlgaleen siddii ay u abuuran lahaayeen Istaraajiyad balaadhan oo dhaqaale iyaga oo  dadwayn aha reer Allaybaday bilaabay barnaamij waxsoosaar oo wax ku ool ah, taasi oo ay usahashay yoolkoodana ay ka dhigteen dhaamamka waawayn ee ay Allaybaday leedahay oo qiyaas ahaan taxan dhul gaadhaya 20km, dhaamamkaasi oo kuwooda waawayni aanay dhamaan gu’ iyo  jiilaal toona balse awal hore loo isticmaali jiray kaliya waraabka xoolaha ee xiliga jiilaalka.Dhaamamkaasi ayaa ay iska leeyihiin dad gaar ah oo iyagu iskood u qotay iyada oo aanay cidina ka caawin samaysashada harahaasi.


Intaasi wixii ka danbeeyay dadwaynaha reer Allaybaday waxa ay biyahaasi kaydka ah uga  faa’id aysteen dhinac waxsoosaarka beeraha gaar ahaan khudaarta kala duwan ee joogtada ah oo ay ka mid yihiin basasha, tamaadhada, barandhada, saladhka, toonta iwm, kuwaasi oo awal hore ku koobnaan jiray kaliya dhulka waqooyiga ee ceelasha leh balse sanadadan u danbeeyay ay  Degma da Allaybaday caan ku noqotay beerista khudaartaasi iyada oo marka ay soo godo aad looga dareemo guud ahaan sayladaha khudaarta ee Magaalooyinka Hargaysa, Borama, Burco,ilaa bariga shishee Ceerigaabo iyo wadamada aynu jaarka nahay sidda Itoobiya iyo Jabuuti sobobtoo ah khudaarta Allaybaday way ka fara badan tahay tii kasoo gu’i jirtay dhulka waqooyiga oo beerta kaliya waxa tusaale ahaan laga guraan tamaad gaadhaysa 200 saxaradood maalintii khudarada Allaybaday waxa ay soo godaa bilaha July, August, September, October taasi oo ay maalinkasta ka baxaan Baabuur tiro badan oo tusaale ahaan maalintii qaada khudaar gaadhaysa 4000  saxara dood oo tamaad ah halkaasina waxa ka muuqda dadaal iyo tacab fara badan oo ay sameeyeen reer Allaybaday oo aanay cidina waxa gacan ah kagaysan waxsoosaarkaasi xadiga badan ee ay iskood isku abaabuleen iyada oo ay ahayd in laga caawiyo dhinacyada siinta qalabka loo  adeegs ado waxsoosaarka, tababaro laga siiyo xaga waraabka iyo la dagaalanka cayayaanka balse iyada oo waxaasi oo taakulayn ahi ka maqan yihiin hadana Reer Allaybaday waxa ay ka gaadheen xaga waxsoosaarka horumar lataaban karo taas oo lafdhabar culus u noqotay miisaanka dhaqaale ee Degmada Allaybaday islamarkaana mar kaliya kor usoo qaaday dakhli ay yeelato Degmada Allaybaday oo kasoo gala cashuuraha ay D/Hoose ka qaado noocayada khudaarta kala duwan, dhanka kale waxa uu dakhli fiicani kasoo galaa beeralayda leh beerahaasi khudaarta ah iyaga oo tusaale ahaan halka saxarada tamaada ah ay beerdu ku iibiyaan qiima dhan 60000 s/l sh ah oo u dhiganta $9.2 taasina waxa ay kor u qaaday in ay ku dhiiradaan in ay laba jibaaraan waxsoosaarkooda beeraha,dhanka kale waxa xiliyada qaarkooda dhacda in uu hoos u dhaco ku yimaado qiimaaha khudaartaasi taasi oo ay ugu wacan tahay khudaarta Allaybaday oo xadi badan iyo beeralayda Allaybaday oo iyaga loftoodu u tartanta suuqyada dalka maadaama oo ay khudaradu tahay cash corps oo aanay sii oolin karin iyo khudaarta mararka qaarka ka timaada dalalka jaarka oo iyana sobob u noqda in uu hoos u dhac ku yimaado khudaartaasi Allaybaday,

Beeralayda Allaybaday kuma koobna oo kaliya beerista khudaarta joogtada ah balse waxa kale oo ay iyana beeraan hadhuudhka, galayda, digirta, iyo khudaarta loo yaqaano Geedwaynta sida Liin Macaanta, Saytuunka, Rumaanka, iyo Bunka oo isna si fiican uga baxa Allaybaday.

Hadaba waxa aan odhan karnaa Dadawaynaha Degmada Allaybaday waxa ay ku dadaalayaan siddii ay kor ugu qaadi lahaayeen wax-soosaarka beeraha loogana midho dhalinlahaa riyada ah in Somaliland ay mustaqbalka cunto ahaan ay isku filaato oo ay ka kaaftoonto raashiinka dibadeed ee ay ku tiirsan tahay, iyada oo ay dadwaynaha Degmada Allaybaday ay Maankooda ka  dhexguu xayso goorma ayay Xukumada Somaliland ka hirgalin doontaa Warshad ah Ta khudaarta oo ay kaga badbaadaan khasaaraha ay xiliyada qaar kala kulmaan waxsoosaarkooda dhinaca khudaarta kala duwan.


Wariye: Ismaaciil Cabdi Muxumed( Hilqad)
Allaybaday Somaliland