Allaylehe hambalyo loo meel dayin dheh!

 




Waxa aan ficil kadis ah igu noqon HAMBALYADA madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland (JSL), xukuumaddiisa iyo madaxda xisbiyada qaarkood u direen madaxwaynaha cusub ee dal ka Somalia.

Waxa muhiim ah in la fahmo cidda uu yahay iyo dalka uu kasoo jeedo madaxwaynahan mada xdeenu hambalyaynayso.

Sidaynu la wada socono dalka Somalia ee madaxwaynahan aynu hambalyaynayno doortay wuxu dhawaan samaystay waxay ugu yeedheen Dastuur. Sidoo kale waxay soo xusheen xu bno Baarlaman oo ka kooban bay yidhahdeen 275 xildhibaan.

Dastuurka dalkaasi samaysteen wuxu si cad u qeexayaa oo uu tilmaamayaa in dhammaan dh ulka JSL ka koobantay uu qayb ka yahay dalkooda Somalia. Intaas oo qudha kumay joogin e e waxay xaqireen dhammaan hay’yadaha Qaranka JSL ee sida dastuurigaa u matalaya dadk ooda oo waxay dad calooshooda u shaqaystayaal ah ku tilmaameen inay matalaan dadkee na.

Mida kale madaxwaynahan cusub iyo dhammaan raggii u tartamayay jagadan uu ku guulays tay midna muusan shaacin amma balan qaadin innuu ixtiraamayo go’aanka iyo rabitaanka sh icibka JSL ee waxay ku ololaynayeen mawqifkooduna yahay inay Somaliland ku qancinayaan inay qayb ka ahaato dalkooda Somalia.

Siday anni ila tahay hambalyadani waxay ka mid tahay oo ay ku biiraysa ficiladii hore la inoo ga bartay, adduunka iyo Somalia-na u fasirtaan in dib usoo noolaynta dalkii Somali Republic (Jamhuuriyadii Soomaaliyeed) la odhan jiray walli suuragal tahay.

Waxa hubaal ah in Somaliland dunida kusoo biirisay dhaqan diplomaasiyeed oo ugub caalam ka ku ah ee su’aashu waxay tahay dhaqankani ma ka midha dhalin doonaa himilada umadda JSL mise saan-saanta uu leeyahay ayaa dhaboobi oo gumaysigii Somalia ayeey Somaliland dib u hoos galli? Wakhtiga ayaa ka jawaabi doonee digniin kaloo diwaanka iga gashay dheh!



Wa bilaahi tawfiiq,



Iid Xasan Aw Muuse,
Somaliland Activist,
London
iidsl@hotmasil.com