ALLOW  TIRTIR BAA HELEE ALLOW TAFIIRTOODA BADI

 

 


1. Tolkay Somaliland allow taariikhday galeen allow taabo qaad ka yeel

2.Allow tamar xoogga iyo tiir adag oon aan la jabin allow taladaada sii

3.Tubtii bay ku taagan tee allow toosi oo gargaar

4.Allow tirtirbaa helee allow tafiirtooda badi

5.Allow tuug dhaca agoomaha mid aan taladooda rabin ayuu tusmadooda iman

6.Allow taabo geli adigu tashi bay nabad dhiseen turxaantii baybaxsheene

7.Allow taahii shalay allow tumashadii cadaawaha allow tacwiidoodii sii

8.Allow taakulee dalkaygii adaa tamarloo xaqee

9.Allow tiiraanyo iyo turxaan abidkaa ka dhawr

10.Allow cadaw tiigsadiyo turaanturo aanay helin

11.Allow tabacay wadaan tubtii xumo aannu marin

12.Allow tamar xoogga sii cadawga ha tumaatiyeen

13.Allow way tisqaadee allow abid hogo tusslee

 

 

Cabdiraxmaan Ibraahim Bouh