Al-shabaab oo Sheegatay Masuuliyadda Qaraxyadii Dadka Badan
ku Dhinteen ee La Beegsaday Somaliland
Kooxda Al-shabaab ee ka
dagaallanta koonfurta Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen
weeraradii argagixiso ee Arbacadii lala beegsaday xurmo muhiim ah oo
ku yaal caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxayna sidaa ku sheegeen
cajalad fiidow 30 daqiiqo socotay oo ay ku baahiyeen boggaga ay ku
leeyihiin internet-ka.
Sida ay goor dambe oo xalay ah baahiyeen telefiishannada Al-jazeera,
Al-arabiya iyo SBC waxay kooxda Al-shabaab ku sheegeen cajalada in
kooxda weerarkaa fulisay uu hoggaaminayey nin lagu magacaabo
Cabdicasiis, looguna yeedho Sacad, isla markaana ay ka koobnaayeen
toddoba qof oo dhallinyaro ah.
Iyada oo cajalada fiidowga ah laga arkayey muuqaalo dhallinyaro
baabuur iyo qoryo ku tababaraysa, kuwaas oo ku dhawaaqayey erayo
diini ah, isla markaana u digay waxay ugu yeedheen daba-dhilifka
cadow islaamka ee gaalada, iyaga oo ku hanjabay inay weeraro is
qarxin ah si isdaba joog ah ku qaadi doonaan waxay ugu yeedheen
gaalada.
Canjaladan oo laga maqlayey codka qaar ka mid ah dadka is qarxiyey
oo ku dhawaaqaya erayo dardaaran iyo guubaabo isugu jira oo ay u
jeedinayaan muslimiinta. Waxa si gaar ah codkiisa loo maqlayey ninka
ka muuqday muuqaalka cajalada ay Al-shabaab soo bandhigtay oo lagu
magacaabo Cabdicaasiis (Sacad), kaas oo erayadiisa ka mid ahaayeen;
“Magacaygu waa Sacad, waxaan ahay argagixiso, maxaad iga qaadi
kartaa? Waxaannu doonaynaa in aannu u tagno oo aannu weeraro ku soo
qaadno dad gaalo ah.”
Waxaannu ninkani ugu dambeyntii eraygiisii ugu dambeeyey ku jeediyey
af Ingiriisi, isaga oo si guud uu cambaareeyey ciidammada Itoobiya
iyo kuwa nabad-illaalinta ee ku sugan Soomaaliya iyo waxay ku
sheegeen daba-dhilifyada la socda, waxaannu digay in ay weeraro is
qarxin doonaan ilaa iyo inta cadowgu ka baxayo dhulka islaamka.
Cajaladan fiidiyowga ah ee Al-shabaab soo bandhigtay ayaa ka
dambeeyey qaraxyo dad badani ku dhinteen oo ka dhacay oo Arbacadii
Madaxtooyada Somaliland, safaaradda Itoobiya iyo xarunta hay’adda
UNDP.
Jamhuuriya
|