Danjire Baashe Cawil Oo Ka Waramay Mashaariic Dawladda Imaaraadku Ka Saaciday Somaliland


 


“Ma jiro kaalin aan ku leeyahay qorshe Imaaraadka loogu wareejinayo Maal-gashiga Dekada Berbera” Danjire Baashe CawilBaashe Cawil

Hargeysa (TNN):- Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin masaali x wadanka Imaaraadka Carabtu ku doonayo bedelka mashaariicaha taageerada uu Somalila nd ka fuliyo, balse yihiin dedaalo ku yimi siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilany o hogaaminayo.

Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil oo mudadii uu xil ka hayey isbedel weyn ku yimi taageerada dalkaasi siiyo Somaliland ayaa sheegay inay waaj ib ku tahay xisbiyada mucaaridku taageerada waxtar kasta oo dalka iyo dadka u soo kordhiy o masuul xil qaranka u hayaa ay taageereaan.

Danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka oo maanta u baxaya dalka isku taga imaaraadka carabta, ayaa shalay waraysi dhinacyo kala duwan la xidhiidha siiyay Weriye Maxamuud Wal aaleeye oo ka tirsan DAWAN, waxaanu u dhacay waraysigaasi sidan:-

Maxaad nooga sheegi kartaa wax-qabadkii kuu suurtoobay mudadii aad haysay xilka iyo xidh iidhka ka dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta?

“Mudadii aan safiirka cusub ee Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta (UAE) xilkee da qabtay, mashaariic muhiim u ah dalka iyo dadka Somaliland ayaan ku guulaysanay inaan soo dhammeyno, Ilaahay mahadii, dhinacyo kala duwana way leeyihiin oo ay ugu muhiimsan yihiin dhinacyada Biyaha, sida dhuumaha balaadhinta biyaha caasimada Hargeysa oo dhawa an bilaabmaya, dhaamka Waaheen oo dhismihiisii socdo, horena Madaxweynuhu u soo dhaga x-dhigay iyo dhaam laga fulinayo magaalada Laascaanood, oo bilaabmi doona, marka dhaamk a Waaheen dhammaado. Dhismaha warshada qaliinka xoolaha ee Berbera ayaa dhismaheedu socdaa haddii ALLE yidhaahdo bisha August dhammaanaya.

Dhinaca kale, xidhiidh wada shaqeyn dhow ayaan leenahay guud ahaan madaxda iyo masuuli yiinta kala duwan ee dalka Imaaraadka carabta, oo masuuliyadayda ugu horeysa ah,waana sababaha noo fududeeyey inaan ka helo taageerada kala duwan. Waxa jira arrimo badan oo dhinaca sare loogu qaadayo xidhiidhada dhinaca dublamaasiyada labada wadan u dhexeeya, xilliganse aan ku habboonayn in warbaahinta laga sheego oo socda.
Taageerada dhinaca abaaraha dalka Imaaraadku markii saddexaad ayey keeneen deeq raas hin ay ugu tallo-galeen deegaamada gobollada Somaliland ee abaarahu saameeyeen. Weftig ii ka socday dalka Imaaraadka ee booqashada ku yimi Somaliland wuxuu tusaale u yahay had afkooda inay mashaariic kala duwan oo wax u tara dalka iyo dadka ka fulin doonaan gobolla da dalka ay ka mid yihiin masaajido, goobaha adeegyada caafimaadka, waxbarashada, biyah a, iyo agoomaha.”

Maxay ka qabanayaan kor u qaadida aqoonta sare ee dalka oo ah baabiyaha ugu waaweyn ee Somaliland?

“Taageerada Imaaraadku ka fulinayaan Somaliland waxa ku jirta deeqo waxbarasho gudaha dalka iyo dibediisa ay siinayaan ardayda reer Somaliland ah, sida 100 ardayda danyarta oo waxbarashada jaamacada Hargeysa ka bixinayaan, halka 40 arday kale deeq waxbarasho dibadeed wadamada Masar iyo Imaaraadka loo dirayo.

Sidoo kale tiro ka mid ah culimada dalka ayaa kulamo aqoon-isweydaarsi culimada caalamku yeelan doonaan ugu diri doonaan wadamada caalamka dhowaan.
Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo idaacada Qur’aanka taageero ayey ka geysan doonaan qalabayn iyo dhismayaal cusub iyo tababarro shaqaalaheeda u fulin doonaan, halka, saddex wasaaradood oo tamarta ugu badan isticmaala, (Warfaafinta, Duulista iyo Macdanta) waxay u sameeyeen qalabka soolar-ka cadceeda ku shaqeeya ee tamarta laydhka dhaliya.”

Dawladda Imaaraadku ciidammadda Somaliland qalabeyntooda taageero ma ka geysanayaan sida ay Soomaaliyaba wax ula qabtaan?

“Haa, way jiraan mashaariic dhinaca ciidamada oo Imaaraadku ka fulinayo dalka, sida dhismaha kuliyad ciidamada oo laga dhisayo dalka iyo tababarro la siin doono ciidamada Somaliland.”

Imaaraadku waxa uu noqday mid si toos ah iyo si dadbanba uga jawaababa baahiyaha Somaliland markaa ma jirtaa wax masaaliix ah oo uu doonayo inuu innaga bedasho kaalmadiisan?

“Xaqiiqdii maya, waa waxtar iyo taageero ku yimi dedaal iyo juhdi masuuliyiinta qaabilsan ee annigu u horeeyo kaga midho dhaliyeen siyaasadda Madaxweynaha JSL iyo xukuumadda So maliland u dejisay hirgelinteeda. Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan! Waa waajib saaran masuul kastoo haya xilka ummada Somaliland inuu ka shaqeeyo horumarka dalka iyo dadka, anniguna ka soo baxay, laakiin, in dadka wanaaga neceb ama kuwa belaayadda jecel sidaa u fasirtaan? Ta kale, caqliga saliimka ah ma diidayo, xitaa berri haddii uu yimaado dalab dalka Imaaraadku ku codsanayo helitaanka goobo ka tirsan dalka oo maalgashiyo kala duwan uu ka sameeyo in loo ogolaado, illayn abaalka iyo waxtarka dhinacyada kala duwan ee dalka Imaaraadka Carabtu u gallay shacabka Somaliland mid la dafiri karo ma ahee.”

Md. Baashe, maxaa sababay in joogsadaan dhaliilo badan oo wakhtiyadii hore dad kala duw an kuu jeedin jireen, inkastoo ay weli jiraan eedo lagaaga jeediyo inaad dabada ka riixayso qorshe maalgashiga dekeda Berbera lagu siinayo Imaaraadka, ma jiraan wax aad ku darayso arrintan?

“Runtii, waxaan filayaa in dhaliilo aan jirin oo hore xukuumadda iyo masuuliyiin aan ka mid ah ay looga sheegi jiray inay iska dhammaadeen, markii bulshadu wax-qabad waxaan ahayn ka arki waayeen, taa bedelkeediina, waxaa bilaabmay in bulsho kala duwan ka mahad-celinaya an kana markhaati kacaan wax-qabadka masuuliyiinta xukuumaddu wada jir u gaadhsiiyeen, ama shaqsi walba ku soo kordhiyey. Waad arkaysay dhambaalka mahadnaqa Madaxweynah a JSL, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ugu dirayey madaxda iyo shacabka dalka Imaaraadka Carabta, waxaanay ka turjumaysaa qiimaha in qof kasta ka abaal-celiyo waxtarka cid kale u geysato, waan ku bogaadinayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadeenna oo si muu qata iyo si dadban-ba u taageeraya wax-qabadka wadanka Imaaraadku ka fulinayo Somalil and, oo natiijadeedu noqon doonto mid dadkii bixiyeyna u arkaan in looga mahad-celiyey, be rri-na ku dhiirinaysa inay kuwo ka sii badan fuliyaan.

Dhinaca kale, kaalin aan ku leeyahay qorshe Imaaraadka loogu wareejiyo maalgashiga deke da Berbera, waxba kama jiraan, mana iman karo go’aan ii gaar ah oo ku saabsan arrintan, balse waa mid ku xidhnaanaya mowqifka Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo iyo xukuumadu ku qaataan shirkada horumarka danta dadka iyo dalka Somaliland laga dhex arko inay buuxin karto.

Waan soo dhoweynayaa dhaliil kasta oo ka muuqata gudashada xilkayga, oo dariiqii saxda loo maro, sidoo kale waxaan ka filayaa xisbiyada mucaaridka inay ka garaabaan wax-qabad kasta oo dalka iyo dadka ay ku soo kordhiyaan guud ahaan xukuumaddu, iyo gaar ahaan shaqsiyaadka xilka ummada u haya.”
 


Source: Dawan