In ka badan 100 baabuur oo lagu Xidhay Degmada Tog-wajaale

 

waxaa muddo laba maalmood ah ku xidhan degmada Wajaale in ka badan boqol baabuur oo isugu jira Gaadiidka ukala goosha Hargeisa iyo Wajaale kuwaasi oo la sheegay in hawlaha amniga dartood loo xidhay mar aanu wax ka waydiinay Gudoomiyaha Degmada Wajaale Mudane Cumar aadan qaasaali waxaa uu noo sheegay Inay jirto arintaasi ilaa imikana ay gacanta ku hayaan hawshaasi waxaanu intaasi ku daray Gudoomiyaha Degmada wajaale inay maamul iyo Nidaam usamaynayaan baabuurta Maadaama ay Degmadani tahay meel xuduud ah oo cidwalib ka soo galayso .

Gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi “waxaa batay mukhaadaraadka iyo khataraha ka iman kara baabuurta si hadaba looga hortago arintaasi ayaa loo samaynayaa nidaam iyo Maamul lagala xisaabtamo arimahaasi si loo wada ilaaliyo Amniga loogana saaro meesha Cadawga inagu soo dhex dhuumanaya” waxaa kale oo uu sheegay inay sii daynayaan baabuurtaasi sida ugu dhakhsiyaha badan.

Dhinaca kale mar aanu wax ka waydiinay dirawalada baabuurta waxaa ay noo sheegeen inay jirto arintaasi laakiin aanay iyagu garanayn sababta loo xidhay iyo waxa lagu haysto toona mid ka mid ah Dirawaladii baabuurtii halkaasi ka soo baxsatay oo khadka telephone-ka noogu waramay ayaa noo xaqiijiyay in baabuurta meesha lagu xidhxidhay laakiin aanay garanayn iyagu ujeedada xukuumadu sidan usamaynayso.

Taliyaha bilayska ee Degmada Wajaale oo aanu isna la xidhiidh way noo suuro gali wayday xaga isgaadhsiinta awgeed inaanu wax ka waydiino arintaasi.

 

 


 


Mustafe Future
Gabiley News Desk
mccfuture@yahoo.co.uk
wajaale Somaliland