Anagaa La Wareegayna Hagida Hawada Somaliland Lix Biloodna Waanu Soo Wadnay by,Warancadde

 


Wasiirka Duulista Hawada Somaliland mudane Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in Guddi ka garnaqaysa muran ka dhashay Dhaqaalaha ka soo baxa Gaadiidka isticmaala hawadda Somaliland oo dhexmaray Wasaaradiisa iyo Hayada ICOA iyo Urur lagu magacaabo Cacas oo uga masuul ahaa madaarada Dalka Somaliland, horena xukuumada Somaliland dalka uga saartay uu todobaadyadan fooda inagu soo haya dalka u iman doono, sidii uu labada dhinac ugu garnaqi lahaa. Loona xisaabtami lahaa.

Wasiirka duulistu oo xog-waraysi ay arrintan kala yeesheen shalay wariyayaal ka tirsan Wargeyska Ogaal iyo TV-ga madaxa-banaan ee SSPCTV, waxa uu iftiimiyay in Ururka CACAS iyo ICOA dhinacooda ay ka iman doonaan masuuliyiin, Wadahadaladan arrintanina ka danbeeyeen dacwaddo ay u qoreen hayadaha UN-ka, “Sidaadad u ogaydeen qoladaas (ICOA/CACAS) waanagii is af-garan weynay markaa anaga ayaa la wareegnay hagitaankii ay hagi jireen Diyaaradaha muddo lix bilood ah ayaanu wadnay si wanaagsana waanu uga soo baxnay.

Markaa ashkatooyin baanu qornay annaga oo doonayna in lacagtii ay qaadi jireen Somaliland qaybteedii hesho. Lacagtaas oo dhawr qolo marta sida UNDP, ICOA iyo qolooyin kale, markaa way noo soo jawaabeen waxaanay noo balan-qaadeen dhawaan haddii Illaahay yidhaahdo in Guddi qiimayn ah ay soo dirayaan iyo Odhad, iyagana markaa waa loo yeedhay, markaa waxaanu rajaynaynaa in halkan lagu wada-hadlo.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.

Waxana uu intaa ku daray oo uu sheegay in ay dhex-dhexaadintan ku jirto Hay’ada UNDP. “Waxa na dhex-dhexaadinaya. UNDP oo markii hore lacagta haysay.” Ayuu yidhi Wasiirku, su’aal laga sii weydiiyay qiimaha lacagta muranku ka dhashay ee ka soo baxda Hawada Somaliland waxaa uu sheegay inay ka badantahay 4-milyan oo Doolar sanadkii.

Cali Warancade, waxa la weydiiyay faah-faahin inuu ka bixiyo dhaqaalahaasi sida uu uga maqan-yahay Somaliland iyo meesha uu maro waxaanu ku jawaabay “Lacagtaasi waa lacag illaa Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa socon jirtay oo UNDP u qaabilsanayd, laakiin intii dambe si khaldan ayaa loo is ticmaalay. markaa imika waxaanu rajaynaynaa in ay Somaliland qaybteeda hesho.”

“Iyaga, UNDP iyo ICOA waxaanu filaynay in ay yimaadaan bishan aakhirkeedii, markaa dib ayay u yara dhaceen, waxaananu filaynaa in ay todobaad iyo laba mid-kood ku yimaadaan dalka.” Ayuu intaa ku daray Wasiir Waran-cadde.

Dhinaca kale, dadka ka soo degaya madaarada Somaliland gaar ahaan Hargeysa, waxa jiray cabashooyin ay ka muujin jireen dhinaca hawl-wadeenada badhkood. Sidaa daraadeed, su’aal wasiirka arrintaas laga weydiiyay waxa uu ku sheegay oo uu yidhi.
“Arrintaasi waa arrinta iigu adag markii hore dadku meel ayuu mari jiray markaa niman soo dhaweeya oo lacagta yar iyo waxa ay sarifanayaan dhex carara ayaa jiray, waanu ka saarnay, welina dhinaca shaqaalaha cabashooyin way ka jiraan, wax aanu meesha ka saarnay iyo wax aanu imika wadnaba way leedahay, waananu rajaynaynaa in aanu ku guulaysano haddii illaahay yidhaahdo.”

Sidoo kale waxa wax laga weydiiyay, hawl-gal wasaaradiisu wax kaga qabanaysay dhabaha diyaaradaha Madaarka Hargeysa. “Hawshii Ran-way-gu waxa ay maraysaa meel wanaagsan. Runtii waxay ahayd arrin aanu rabnay in aanu dadwaynaha iyo dawladaba ka qaybgalino, waxaananu imika haynaa daamurkii, waxaana naga dhiman waxoogaa yar oo xaal-xaal ah iyo inaanu 600-Mt doorkan ku kordhino dhabaha, waanad ogaydeen oo wadanka abaaro ayaa ka dhacay, markii hore ku talagalkayagu waxa uu ahaa in aanu dadka dibadaha wax weydiino, laakiin abaarihii dhacay ayaa baajiyay. Dhabaha diyaaradaha Hargeysa meelo ka mid ah waanu samaynay oo ay nagala taliyeen khuburo dalka Yemen u dhashay. Markaa wuu wanaagsan yahay, laakiin 600 ayaa noo dhiman si dhakhso ah in aanu u dhamayno ayaananu rajaynaynaa haddii Illaahay yidhaahdo.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.

Cali Waran-cadde waxa uu sheegay oo kale in wadda xaajood u socdo shirkad laga leeyahay Kiinaya, mar uu ka hadlayay dhinaca xidhiidhka shirkadaha diyaaradaha oo aan ilaa haatan Dal kale soo labayn shirkada diyaaradaha Itobiya. “Waxa imika arrinteedu socotaa Kiiniya Airways in ay timaado, oo diyaaradahan yar-yar ee UN-tu ay imika isticmaalaan inay meesha ka baxaan oo qolooyinka Nayroobi joogaa ay isticmaalaan Kiiniya Airways. Markaa, arrintaa dhawaan ayaanu filaynaa in ay soo dhamaato qolooyinkan UN-tana waanu ka wada-hadalay, waxaanay nagu xidheen in aanu samayno xayndaabkii Madaarka., kiina waxaanu ka wadahadalay UNDP-da oo in ay dhawaan samayso ayaanu ku heshiinay, waanay samaynayaan. Garoonka Berbera ayaa dayuurad Jad ahi dhawaan bilowday, Isagana waxaanu ku dedaalaynaa in ay habeen iyo maalin diyaaraduhu soo fadhiistaan.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka duulistu.

Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cali Maxamed Waran-cade waa nin had iyo jeer ka dhex muuqda, wadda xaajood-yada xukuumadu la gasho qaybaha bulshada, marka ay yimaadaan khilaafaadyadu. Waxana ugu danbeysay khilaafkii ka dhashay Dhoofka Xoolaha oo uu wada-hadaladii dhex marayay xukuumada iyo Ganacsatada Kooto diidka ah ka qayb-qaatay, tSidaasi darteed, mar arrimahaa iyo sababta had iyo jeer uu u dhex-gallo arrimo ka baxsan wasaaradiisa la weydiiyay Cali Waran-cadde waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi. “Kolay dee qofka Masuulka ahi in uu qaranka u shaqeeyo weeye, Wasiirna Wasaarad uma dhaarto ee dalka ayuu u dhaartaa. markaa mar hadaad dalkaaga u dhaarato hawshii aad is tidhaahdo wax baad ka qaban karaysaa in aad gashaa waa xil dhamaanteen ina saaran.”

 



Source:Wargeyska Ogal