WAR-SAXAAFADEED

 



AnIga oo ah guddoomiyaha saxaafada xisbiga wadani UK waxaan idin hogo tusaaleynayaa da dwaynaha Somaliland ku baraarujinayaa in xukuumada Somaaliland ay si cad u baal martay ku dhaqanka dastuurka somaaliland una badheedhay inay ku dhaqanto xeerkii ciqaabta somaaliy eed iyo xeerkii Geele ee badbaadada ee ku salysnaa xasuuqa shacabka Somaaliland. Waxaa xaqiiq ah in xukuumada kulmiye ay baal martay fulinta Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliland. Qodobada la jebiyey ee Dastuurka waxaa ka mid ah;

Qododobka 29aad XARUNTA HOYGA

HOYGA IYO MEELAHA KALE EE LA DEGAN YAHAY WAXAY LEEYIHIIN XURMAYNTOODA, MANA B ANAANA BASAASIDOODA, BAADHIDOODA, IYO GALIDOODA, HADAANU JIRIN AMAR GARSOORE OO SABABAYSAN. WAXAA WAAJIB AH IN SI TOOS AH LOOGU AKHRIYO AMARKA GARSOORAHA MULKIILAHA AMA DEGANAHA HOYGA INTA AAN LA GALIN.BAADHAHA WAXAA KA REEBAN KU XAD GUDUBKA AMARKA GARSOORAHA.

Xukuumada kulmiye qodobkan dastuuriga ah waxay u baal martay si badheedha, Muwaadiniin ta Somaaliland ee guryahooda loogu dhacay ee ciidamada RRU si argagixiso ku jirto ula soo baxeen iyagoon wadan ogolaasho garsoore soo qoray way tiro beeshay. waxaana waajiba in maxkamad la hor keeno isla markaa golaha xildhibaanaduna la xisaabtamaan. Hadaba Xisbiga WADANI waxaa ka go’an inuu ilaaliyo xaquuqda muwaadinka iyo ku dhaqanka Dastuurka Soma liland.

Dhanka kale hadaan soo qaato Xeerka takaaliifta Horuumarinta Wadooyinka (Xeer LR 64/20 13) kaas oo maanta dhibtiisa ummada Somaliland si xoog ah u taabtay dhaawac iyo dhimash ana sababay waxaa lagama maarmaan ah in xeerkaa la joojiyo ku dhaqankiisa. Xisbiga WADD ANI waxaa ka go’an wax kasta oo muwaadinka dhib gaadhsiinaya ama wax u dhimaaya shara ftooda, noloshooda, horuumarkooda iyo amaankooda inuu ku soo celin doono golaha kaabis iyo wax ka bedelna ku samayn doono.

Dhanka kale hadaan soo qaato Golaha Wasiirada iyo Tayadooda. Waxaa xukuumada Kulmiye ka soo ifbaxay inay jiraan wasiiro aan aqoon badan u lahayn ku dhaqanka Dastuurka. Waxaan tusaale u soo qaadanayaa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta markii goluhu waydiiyey qodobka 53 ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland AWOODA IYO WAAJIBAADKA GOLAHA WAKIILADA farqadiisa 3aad GOLAHA WAKIILADU WAXA UU ANSIXINAYAA HESHIISYADA DAWLIGA AH EE AY KA MID YIHIIN KUWA SIYAASADEED, DHAQAALE, IYO NABADGELYO AMA KUWA KEENAYA CULAYSA MAALIYADEED OO CUSUB OO AAN KU SOO AROORIN MIISAANIYADDA, AMA KEENAYA SOO SAARID AMA WAX KA BEDELID QAANUUN.

Wasiirku isaga oo ku jawaabaya mala awaal wuxuu yidhi xeerka waxaa ka taagan muran hesh iisna laguma wada aha. Arintani waxay ka marag kacaysaa halka aqoontiisa Dastuurku taaga n tahay, taas oo sababi karta in wasiirku khayraadka ummada Somaliland qow dheer ka tuuro eelna u dhigo jiilka soo koraya. Hadii uu yahay muwaadin xaq ku shaqaynaaya waxaa haboon in xilka uu iska casilo waxbarashana u galo barashada dastuurka dalka.



Waxaan hadalka ku soo gunaanadayaa ku tumashada shuruucda dalka Somaliland ee kulmiye fuliyey ma aha mid qalin lagu koobi karo, waxaan shacabka Somaliland leeyahay indhaha fura oo ilaashada Dastuurka iyo qawaaniinta dalka u dejisan.



LA SOCO QAYBAHA DAMBE OO KAGA HADLI DOONO SIYAASADA ARIMAHA DIBADA IYO QORSH AHA AFTI CUSU OO KULMIYE SOO WADO OO KU SAABSAN GOONI ISKU TAAGA SOOMAALI LAND.

 



ALAA MAHAD LEH

MAHDI JAMA

GUDOOMIYAHA SAXAAFADA WADANI UK