Aniga Oo Ah Gudoomiyaha KULMIYE Ee UK, Waxa aan ka Jawabayaa Qoraalkii Maxamed Aar

 

Markaad akhrisato waxyaaba ku qoran waxa u qoray ninka la yidha Maxamad Aar kuna magacaabay warmurtiyeed aanay laqabin wasaarada Arimaha dibada iyo Xukuumada Somaliland waxaad arkaysaa in dad indho iyo dhagala lala hadlaayo.Oo maweelada caruurta lo qaadayo.Dadka reer Somaliland maweelada caruurta, durmaan beneedka iyo heesaha walwaaleed waa dad ka koray oo ka aragti fog meesha hadalka u dhigay Maxamad Aar . Dadka reer Somaliland waa “ Libaax nin kanay iyo nin kaladay kala og”.

Su’aashu waxa tahay Jamhuuriyada Somaliland Axsaabta qaranku miyaanay ka mid ahayn Jamhuriyada Somaliland?

Xaqiqadu waxay tahay in Qaranka Somaliland Qaab dhismeedkiisa siyasaadeed ka kooban yahay saddex xisbi qaran oo ku tartama hoogaanka dalka gudo iyo dibadba
Axsaabta qaranka mucaaridka Somaliland waxay xaq u leyihiin distuuri ah inay ka qayb qataan tala soo jeedin iyo ficilba waxkasta oo waxtar u leh horamarka dhaqaaalaha ,cafimaadka ,waxbarahada ,arimaha bulshada ,dublamasiyada iyo hawlaha aqoon raadiska.

Xukumada Somaliland waxay gaar u tahay maamulka dalka somaliland inta xilka lo idmaday waqtigu ku eeg yahay, ee kama xigto bulsha waynta Somaliland iyo axsaabta qaranka horamaka iyo waxtaka dalka dibad iyo gudaba..

Arinta horamarka dublamasiyada aqoonsi raadiska uma furna oo kaliya xukuumada Somaliland ee waxay kalo u furan tahay axsaabta mucaaridka waana arin distuuri ah iyo ururada madaniga ah dalka dibadiisa ka jira in ay ka qaybqataan talaabo kasta oo aqoonsi keeni karta iyo una keeni karta horamar guud oo wax ku ool ah

Xilligan oo xisbiga Kulmiye madaxdiisu ay ka soo hoysay guullo waawayn gaadhsiinta qaddiyadda Somaliland meelo badan oo adduunka ka mid ah, waxaanu u aragnaa cayda iyo aflagaadada ka soo baxaday Maxamned aar wax kaloo lagu micneeyo la garan maayo, oo aan ahayn ka xumaasho guulahan Kulmiye soo hooyaya.

Qofka kastoo akhristaa warqadaa uu qoray Maxamed Aar ee ay Qaran-News iyo Hadhwanaag-News , laguna so dabacay websa’idka iyo raadiyoka waaheen waxaa lagu macnayn karaa oo kaliya waxa weeye : ka qiirood u ka hinaasay waxa qabada hawlaha wax ku oolka ah ee Kulmiye iyo masuuliyiintiis ay ku talaabsadeen. Iyo Horumarka ay ku talabsadeen xagga Siyaasadda arrimaha dibadda ee Kulmiye waa arrimaha ay dhammaan reer Somaliland oo dhani dareemeen oo aan cidi qarin karin, gaar ahaan intii uu jagada la wareegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar.

Waxay arintaas u tahay guul uso hoyatay shacabka iyo hay’adaha qaranka Somaliland iyo bulshaweynta ummada reer Somaliland meelkast oo ay joogaan

Guul iyo Gubanimo Somaliland

 

 




Ibrahim Hussein

Gudoomiyaha UK, Kulmiye