Marxuum Maxamuud  Qalinle

 

Anigoo ku hadlaaya magaca Odayaasha Soomaliland ee Wales waxaan tacsi u dirayaa  eh elka, qaraabada, xigaalka, asxaabta, iyo dhammaan Jaalidda Soomaliland ee Wales iyo  Soo malida uu dhammaan ku lahaa magaca iyo maamuuska Marxuum MAXAMUUD QALINLE oo ku geeriyooday Jimci 21//05/2010 magaaladan Cardiff laguna aasaayo Isniinta 24/05/2010 isla Cardiff.


MAXAMUUD QALINLE Alle ha u naxariistee waxuu ahaa NINKA UGU DA' WEYN Wales  qurba hana soo galay 1940naadkii ahaa Qusul dhab ah oo Soomalilda u fadhiya Wales iyo  Guddo omiye Jaaliyadeed muddo dheer, Hogaamiye dadku u sinaa, Soomalinimo ayna waxba uga hoyseyn, jeclaa sharafta iyo wanaaga dalkiisa, in badana la shaqeeyey Safiiradii Soomalida dalkan u fadhiyey. Waxaa ku adkaatay inuu rumeysto dilkii iyo dhacii loo geystay dadkiisa ooy geeysatay dawladoodu, aad ayey u niyad jabisay, isagoo in badan ka dhowrsaday inuu aqoonsado xumaanta ay geysatay, markuu xaqiiqsadayna ay ku noqotay nabar qalbiga kaga dhaca. Nin wanaagsan, qalbi nadiif ah leh oo wanaagiisu wax badan oo xumaan ah ka indo-xidhay.

Waxa kale ee uu ahaa nin magac iyo maamuus ku leh dalkan UK, isagoo bilado badan ku  qa atay dagaalkii labaad ee adduunka, iyo bilado maamus oo ay ku sharfeen dawladihii dalkan xukumay iyo maamulka Walesba. Maxamuud Alle ha u naxariistee waxuu hormood ka ahaa haddaanu keliba ku ahayn dhismaha Masaajidka Alnoor oo isaga ay u xilsaareen kormeerka dhismihiisa Safaaraddii Sacuudiga ee maal galisay, masjidka oo uu Guddoomiye ka ahaa ilaa intii uu xanuunku fadhiisiyey, ayaa ah masjid ku yaala goobtii kii ugu horreeyey ee UK laga dhiso, maamulkiisana ay gacanta ku hayaan culumada iyo Jaaliyaddu.

Nin geesi ah, aftahan ah, dad-wadeen ah, mabda' adag, qabiil aan aqoon, cibaado badan  o on laga waayin masjidka salaad kasta oo soo gasha, ILLAAHAY naxariista ha siiyee  Marxu um Maxamuud Qalinle waxuu ahaa nin aan Jaaliyaddani iloobi doonin, sidoo kale ayaan  dal alka Soomaliyeed si gaar ah Soomaliland iyo Jabuuti ayna u iloobi karin.

MAXAMUUD QALINLE waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal  fardo ws ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.
 

 


Ahmed Arwo

samotalis@gmail.com