Anigoo ku hadlaya magaca Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley waxa aan tacsi u dirayaa Xasan Cabdi Madar oo Xaaskiisii marxuumad, Hinda Yuusuf Muxumed Caduur xalay oo ay taariikhdu ahayd 17/05/2009 ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

Waxaanu uga tacsiyeynaynaa walaalkeen Xasan, ubadkii, eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay marxuumad Hinda Yuusuf, samir iyo iimaan ha ka siiyo waxaananu ilaahay uga baryaynaa marxuumada inuu unaxariisto janadii fardawsana ka waraabiyo. Aamiin. Aamiin.
 

 


Guddoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley
Maxamuud Yuusuf X.Cabdi Camir
Gabiley