ANIGOO SUBEEHI AH, ADIGO SUBEEHI AH

Sida ku qeexan xeerka diiwaangelinta Ururada/Xisbiyada siyaasadeed, xeer Lam. 14/2000, wax cad in ururadu muddo seddex bilood gudahood isku diiwaangeliyeen markii loo diyaargaroobayey doorashadii Dowladaha Hoose ee dabayaaqadii sannadkii 2002.

Dib u dhaca doorashada madaxtooyadu ma aha mucjisad cirka laga soo tuuray oon horey inoo soo marin, arrinta qudha ee meesha ku jirtana waa in loo maareeyaa lana mara jidkii kuwii tan ka horeeyeyba loo xaliyey. Duruufaha keenay dib u dhaca doorashooyinka weynu wada ogsoonahay, umana baahnin in aynu halkan isku xusuusino.

Awooda muddo kordhinta la xidhiidha xilhaynta iyo negaasha hadba  xuku umadda talada heysa waxa iska leh Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Golaha wakiiladuna lama wadaago. Golaha Guurtida Somalilan dna sidii lagu yiqiin ayuu go’aankii arrinta ku haboona meel mariyey. Waxaan marnaba dhacayn Guurtidana ka suurtoobayn in dalku dowlad la’aan iyo is dhexyaac ku dhaco. Dowladda ha la bedelo hase ahaate xukuumaddii bedeleysey waa in ay diyaar ahaata. Waxa haboon wixii aan berito la hureyn in hor laga soo afjaro. Xal iyo talo lagu guuro midna noqon mayso ma ictrifaasanin sharciyadda xukuumad jirta oo doorasho ku timid. Xisbiga sidaa ku gorgortamayaa ha ogaado in keydkaad manta dhigato adna maalintaad talada dalka qabato tubteedii lagu marindoono. Haddii xukuumada xilgudasho la’aan xilka laga xayuubinayo waxa haboon in sifa distoorku u jideeyey xilkaxayuubinta (Normal Impeachment Process) loo maro.

Waxa is burinaya hadalada mucaaridka ka soo burqanaya ee mar leh wixii ka dambeeyey bisha Abril 6, 2009 xukuumadda hadda jirta sharciyadeedi wey dhammaatay, sii jiritaankeeda ma aqoonsanin. Miyaanay ahayn jiritaankii Somaliland ayaa laga noqday? Miyaanay la mid ahayn Distoorkii Somaliland ayaa la tirtiray? Go’aankii Guurtidana waxba nagama khuseeyaan weeye? Haddii Guurtidu is hortaagi lahayd muddo kordhinta sow Kulmiye gacamo furan kuma soo dhoweeyeen? Taa macneheedu waxa weeye haddii sidaan jecelahay la yeeliwaayo dal iyo dadtoona jirimaayaan? Intaa ayaa wax barbar socota waxanu ogolnahay wadal iyo dhexdhexaadin. Bal aynu isweydiino: Yaa la dhexdhexaadinayaa, ayaase wada hadlaya? Jawaabtu waxay isugu biyo shubanaysaa xaalku waa kasaa kasaa iyo iska yeelyeel.

Quruumihi inaga horeeyey waxay odhan jireen: “Bahal dhul isu ekeysiinbuu kugu dilaa; Wadaadna dad isu ekesiinbu kugu dilaa.” Sabankan aynu joognana mid seddexaad ayaa soo korodhay; bal iyana ha loo kitaab dayo: Xisbiyo iyo siyaaasiyiin ku xuurtoomay raadco madaxnimo, sow iyana wax kuma galaafteen, “Damac iyo Hunguri dabarkiyo xakamihii goostay oo loo maaro waayey.” Hoggaan iyo xil Qaran ninka u hanqaltaagayaa ha la yimaado anshaxii iyo xilkasninadii uu ku hanan lahaa kalsoonida ummadda, ka dibna dadweynuhu ha ku kala saaro xaashida codbixinta.

Hadiise durbaano jahawareer, xisilooni darro ama daramalkii suurta la afuufo, waxay isugu biyo shubandoontaa:KARIS XUN IYANA KU KADAB LA’. Bisha April 6, 2009 waa sideed iyo labaatan guuradii ka soo wareegtay maalintii lagu dhawaaqay ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomlaaliyeed (Somali National Movement); waa bilowgii halgankii dibu xoreynta Somaliland; waa maalin inaga mudan in la qaderiyo oo loo dabaaldego; waa maalin mudan in si gaar ah loo xasuusto; waa halgankii dhaliyey Calanka Tawxiidku ku xardhanyahay; waa maalin aan geyin isu soobax lagu burburiyo wixii sideed iyo tobanka sannadood lagusoo tabcay. Midhihii halgankii ummaduu u dhammayd koox yari xaq uma laha in ay gooni u sheegato oo shicibka ugu mano sheegato.


SAXALKIYO MARIIKHII WAXBUU SUBAXBA KEENAYE
SAAKAAN SIYAARUU WADAA AAN KA SAL AHAYN
Hadal iyo dhammantii wixii aan beri la hurayn waxa haboon in hore loogu hoggaansamo oon wakhti lagu lumin waxaan ummada dani ugu jirin. Mudaaharaad am isusoobax la sameeyaa waxba ma soo kordhinayo. Distoorka qaranku shakhsi iyo xisbiba wuu jideeyey in ay bannaanbax sameeyaan laakin waa in uu isusoobaxu ahaada mid waafaq san sharciga dalka. Xisbiga doonaya in uu mudaaharaado marka hore waa in uu haystaa ogolaanshihii Wasaaradda Arimaha Gudaha, isaga oo ka dammaanad qaadaya arrimaha soo socda:

In aan nabadgelyada iyo xasiloonida lagu xadgudbin.
Hantida qaranka iyo ta gaarka loo leeyahay in aan waxyeelo la gaadhsiin.
In haddii qodobka labaad buro xisbigu daanyo qaad ka noqdo wixii khasaare ah.
In mudaaharaadku ku ekaado goobta iyo saacadda loo cayimay.
In marka wakhtigii la cayimay dhammaado dadweynuhu si habsami u kala dareero.


In guddoomiyaha xisbiga isusoo baxayaa saxeexo ogolaanshaha.
“ANIGOO SUBEEHI AH, ADIGOO SUBEEHI, SAAXIIB ISKEEN SII”; “XUKUUMADDA XILIGEEDII DHAMMADAY TALADA HA DHIIBTO”; “LABADA GOLE QARAN XUKUUMAD KU MEEL GAADH AH HA SOO DHISEEN”; “6 ABRIL, 2009 XUKUUMADDA JIRTA MA AQOONSANIN!”; “5 MAY, 2009 INTA KA HOREYSA TALO HA LA ISUGU YIMAADO” IYO HADALO LA MID AH LOOGAMA FADHIYO SIYAASIYIINTA DALKA; BALSE TALO KALE OO LAGU GUURO HA LA YIMAADAAN.

HADDII SHARCIYADDII XILHAYNTA DOWLADA JIRTA KA DHAMMAATAY, JAWAABTU WAXAY TAHAY SHARCIYADDII JIRITAANKA AXSAABTA QARANKUNA WAY DHAMMAATAY SABATUNA WAXA WEEYE MAR HADDII DOWLADDII SHARCIYEYSEY AXSAABTA HILFAHA LOO LAABAY, WIXII XEERAR AHAA AY HIRGELISEYNA WAXAY NOQONAYAAN WAXBA KAMA JIRAANE, SIDAASI MA HABOONTAHAY OO DAL IYO DAD MIDNA MA KU DHIQI KARNA? JAWAABTU WAA MAYA, MAYA, MALYUUN JEER MAYA!



WA SALAAMU CALA MAN ITABAC AL-HUDAA,
 

 


AXMED CALI IBRAHIM SABEYSE

asabeyse@hotmail.com