“Guddidu Mar Hadii Ay Soo Jeediyeen In La Furo Ururadda, Anigu
Waxaan Maanta Ku Dhawaaqayaa Urur Cusub Oo La Yidhaahdo Xisbul
Shabaabul Islaami”
“Bal Ka Waran Muuse Biixi Oo 5 Urur Oo Reer Samatar Leeyihiin Laga
Ag-furto, Ciidagale Oo 20 Furta Iyo Awal Oo 29 Furta?”
Suldaan
Maxamed C/Qaadir
Hargeysa, June 10, 2011 (TNN) – Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir
ayaa shalay ku dhawaaqay urur cusub oo uu Magaciisa ku sheegay
Xisbul Shabaabul Islaami, isla markaana tilmaamay in ururkaas uu
Guddoomiye ka yahay nin uu ku magacaabay Maxamed Cabdi C/laahi, isla
markaana uu isagu afhaye en u yahay.
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa si weyn u naqdiyey Talo
bixintii guddida ururadu ay ku soo talo bixiyeen in la furo ururada,
kaas oo sheegay in aan Shacabka Somaliland lagaga qiyaas qaadan
Karin 1700 Qof oo lagu yeeshay in rayi ururin lagu sameeyey, taas oo
uu ku tilmaamay in Somaliland ka balaadhan tahay tirade yar ee ay
soo qaadeen oo boqolkiiba Bulshada ka noqonaysa 0.003%.
Sidoo kale Suldaanku waxa uu ka hadlay golayaasha deegaanka oo la
sheegay inay gudida talobixintu soo jeedisay in la kala diro, isla
markaana lagu soo reebo maayiro kaliya oo madaxwaynuhu magacaa bo,
waxaanu tibaaxay inaanay shaqadaasi ahayn tii loo dirtay.
Suldaanka ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay qaar
saxaafada ka mid ugu waramayey Ma cradka Good ee magaalada Hargeysa,
isla markaana ka hadlay mawqifkiisa furista ururadda siyaasa da ee ay
soo jeediyeen gudida talo-bixintu, waxaanu sheegay inaanu
taageersanayn arintaas, isla m arkaana uu ka digayo in madaxwaynuhu
ku dhawaaqo furista ururadda siyaasada.
Suldaan Maxamed Suldaan C/Qadir ayaa isaga oo ugu horayn ka hadlaya
ururka cusub ee uu ku dhaw aaqay, waxa uu yidhi “Gudida talo-bixintu
mar hadii ay soo jeediyeen in la furo ururadda, anigu waxa an maanta
ku dhawaaqayaa urur cusub, xisbigaas oo uu ka madaxnoqon doono nin
la yidhaahdo Maxa med Cabdi C/laahi, xisbigana waxa la yidhaa Xisbul
Shabaabul Islaami ninkii doonaya iyo ninkii diida-yo ow al-baabadiisu
wuu idiin furan yihiin, anigaana xisbigaa afhayeen u ah waxaanan
filayaa inuu noqon doono xisbiga Somaliland ugu shacbiyadda badan
waanan diwaan galinayaa. Madaxwaynahana waxa an leeyahay taladda ay
gudidu ku dhawaaqday inkasta oo aanaan raali ka ahayn in sadexdii
xisbi qar an ee hore u jiray dib u habayn lagu sameeyo, dadkuna ay ku
soo biiraan kuwaas ayaan qabiil kala lahayne umadduna ha ku kala
biirto kuwaas hore u jiray. Laakiin hadii aad axsaabta badan
ogolaato xabaashii Somaliland ayaad ogolaatay, wax Somaliland la
yidhaahdo oo danbena inaanay jirayn indhi hiinoo shan ah anagaa idin
tusi. Xisbiga ugu tayada iyo tirada badani kaa maanta aan ku
dhawaaqay ayuu noqon doonaa ee aan Afhayeenka u ahay ee
Guddoomiyiisu yahay Maxamed Cabdi C/laahi”.
Mar uu ka hadlayey Suldaan Maxamed gudida talo-bixinta ururadda
siyaasada iyo go’aanadda ay soo saareen, waxa uu yidhi “Gudidii talo
bixinta axsaabta loo diray waxaad moodaa oo ay ku go’aan qaat een
markay leeyihiin intaas oo qof ayaanu waraysanay 1,700 qof
Somaliland way ka balaadhan tahay in lagu qiimeeyo 1,700, markaa
waxay Somaliland ka noqonaysaa inta ay waraysteen 0.003%, arint aasi
maaha wax lagu go’aan qaadan karo oo ummadani ilaa sadex Malyan ayay
caga-cagaynaysaa, taas waxaan leeyahay marka hore madaxwayne ka
fiirso. Gudidan qaabdhismeedkii iyo soo xulkeedii marka horeba wuu
khaldanaa, talooyinkay soo jeediyeena way khaldan yihiin saaka
xabaashii Somalila nd ayey qodeen. Kol haday beel-beel u kala qaadeen
ummadii, waxaan u arkaa inaynu ku noqonay halkii 1968-kii, markaas
waxa dhacay in reer walba Jilib-Jilib u kala baxeen oo halkaas ay ka
dhacdo fool-xumo wayni”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray “Gudidani
cadaalad kamay sheegin mar hadii wax aan loo dirin ay galeen oo ay
faro galiyeena iyagay ceeb ku tahay. Waxaan leeyahay ummadda ka
xi shooda oo wixii aad soo qabateen ku noqda ummadda Somaliland 1,700
qof laguma qiimayn karee. sababta oo ah waa ummad ka tira badan oo
ka tayo badan, Laakiin haday leeyihiin intii tayada lahayd ummadda
ayaanu ka qaadanay macquul ayey noqon lahayd laakiin hadii ay
leeyihiin cid walba waanu waydiinay wax macquul ah maaha. Waxaan
leeyahay dalkan wakhtigan axsaab badan loogama baah na, xisbigii ku
guulaystay ummaddan waa inuu horumarin u keenaa”. “Waxaan is-lahaa
mushaharka ayey kordhiyeen 1% ayaa cashuurta nalooga jari jiray
mushaharkayaga, saakana 10% ayaa la iga jaree mushaharkayga la
goostay halka lagu kordhinayo ha la ii sheego mise mushaharka la
kordhiyey ayaa lagu kordhiyey 10% la iga jaray”.
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir mar uu ka hadlayey wararka sheegaya
in la kala dirayo golayaa sha deegaanka dalka, waxa uu yidhi “Tan ay
leeyihiin golaha deegaanka ha la kala diro haday sidaa noqoto golaha
deegaanka oo kaliya la kala diri maayee Guurtida iyo Wakiiladda-na
waa la kala diraya a, waayo intaba shacbigaa doortay marka laga reebo
guurtida oo aan anagu keenay, laakiin gudidan ka soo talo-bixinta
madaxwaynuhu u magacaabay golaha deegaanku ma axsaab-ba oo iyagana
way ka soo talo bixinayaan, shaqo aan loo diran marka ay galaan waxa
ay doonayaan iyaga ha la waydiiyo malaha iyagaa doonaya inay
badalaan golaha deegaanka gudidaniye dhawr iyo labaatankoodaasi
malaha iyaga ayaa u tartamaya maayarada la magacaabayee. Waxaan
leeyahay arinkaasi wax talo madaxwayne loogu soo jeediyo maaha wax
suurtagal ahna maaha. Maayaradan iyo golayaashan deegaanka ee ay
leeyihiin ha la kala diro waxa iska dhexdoortay xildhibaanada
shacbigu doortay”.
Suldaan Maxamed isaga oo ka hadlaya mushaharooyinka ay qaataan
cuqaasha Somaliland, waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay wasiirka
maaliyadda inta yar ee aanu mushaharka u qaadano markaad 10% goosato
waa 9.5, markii horena waxa nalaga goyn jiray 1%. Markaa lacagtii
nalaga gooyey ma waxa laga samaynayaaa 10 askari mushaharkooda,
ragna waxay qaadan doonaan $ 2.000 ama $3,000, ma alin dhawayd waatii
laga hadlayey baarlamaanka iyo mushaharka ay qaataan waxa jira rag
wakiilad da iyo guurtidaba ka hawl badan oo wali beelaha dhexdooda ka
shaqeeya. Ninka caaqilka ah waxa la siiyaa 120,000 S/shillings ah,
markuu caaqilku intaa qaato marka laga jaro 10%.
S: Waxay sheegeen xisbiyadda Kulmiye iyo UCID inay taageersan yihiin
go’aanka gudida, halka xisbiga Udub uu ka deedefeeyey, arintaadu
miyaanay u muuqan mid kugu kaligaa ah?
J: Anigu xisbina ma ihi laakiin waxaan ka hadlayaa aragtidayda iyo
ta shacbiga, laakiin axsaabta ha la furo waxaan u arkaa burburkii
Somaliland waayo sadexdii xisbi ayeynu ka lugbixi laanahaye ka waran
hadii 10 xisbi midiba mar makarafoon nala dul yimaado ummaddaba asqo
ayaa lagu ridayaa oo ku dhacaysa.
S: Go’aanka gudida talo bixinta ururada siyaasadda dad badan oo reer
Somaliland ahi maadaama oo ay soo dhaweeyeen adigu suldaan maxaad ku
diiday go’aankaas?
J: Sababta aan anigu ku diidanahay in la furo ururadda siyaasada
waxa weeyi waxa inagu soo bixi do ona dad aan ehel u ahayn
siyaasadda. Axsaabta faraha cida fangaraynaysa ma garanayno, markaas
wax dalka dhibaato u keenaya ayaan anigu u arkaa. Anigu markaan ku
dhawaaqo ururka in Al-Qa’ida I fangarayso iyo Al-Shabaab u
fangarayso cid ogi ma jirto markaa sidaas ayey khatar ku yihiin
furitaa nkoodu. Aniga waajibka I saarani wuxuu noqonayaa in aan
raadsado dhaqaale aan xisbigayga ugu sameeyo madaxwayne Islaami ah.
S: In maanta la furo ururadda siyaasada miyaan la odhan karayn waxa
ka masuul ah madaxda daw ladda oo hore u balanqaaday, isla markaana
oofinaya balantoodii wakhtigii ololaha, sidaas isna waxa sheegay
guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, arintaas maxaad ka odhan lahayd?
J: Marka aad xisbi siyaasi ah tahay waxa jira waxyaabo aanay dani
kuugu jirin inaad samayso laakiin aad siyaasadaada ku hirgalinayso.
Bal adigu ka waran Muuse Biixi oo 5 Xisbi oo reer Samatar leeyihiin
laga agfuro, Ciidagale oo 20 Xisbi furta, Awal oo 29 xisbi furta
Habar Jeclo iyada hadalkeeda daa, Sam aroon iyo Dhulbahante anigu ma
sheegi waligood xisbi ayuun bay ahaan jireen oo waxay ahaayeen
xisbigii USP ayuun bay isku ahaan jireen. Markaa dadku waxba yaanay
u riyaaqin asxaabtan faraha badan ciladda ay soo wadaan ayaa ka
badane.
Source: Haatuf
|