Prof. Samater Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabay Su’aalo Ardayda Jaamacadda HargeysaKa Waydiiyeen MowqifkiisaMadaxbanaanida Somaliland.

 



"Anigu uma baahni, mana ogoli sidii waxaan
ILAAHAY hor joogo in kolba la yidhaaho is-xisa abi, annigu waxaan ahay waan ogohay, waxaan aaminsanahayna waan ogahay, qof aan uga baqayaana ma jiro,Xasan Sheekh Maxamuud Xaq-buu U Leeyahay nuu Waxa uu aaminsan yahay ka hadlo,"Prof Samater



Hargeysa (TNN):- Proff. Axmed Ismaaciil Samater oo shaley galinkii dambe khudbada u jeedi yey kumanaanka mid ah ardayda Jaamacadda Hargeysa, ayay ardaydu su'aalo ka waydiiy een mowqifkiisa ku aadan Madax-banaanida Somaliland

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo bishii hore markii uu Somaliland ku soo laabtay ayaa sheegay inuu dalka oo dhan ku soo wareegi doono, dadkana dhex mari doono, gabogabada wixii uu soo arkana uu jaamacada hargeysa ka sheegi doono. Haddaba, maanta ayuu Prof Samatar ardayda Jaamacadda Hargeysa ujeediyay khudbad dheer, waxaana markaa kadib la waydiiyay su’aalo la xidhiidha qadiyada Somaliland, balse su’aalahaasi oo uu ka cadhooday qaarkood ayuu uga jawaabay “Anigu uma baahni, mana ogoli sidii waxaan ILAAHAY horjoogo in kolba la yidhaaho is-xisaabi, annigu waxaan ahay waan ogohay, waxaan aaminsanahayna waan ogahay, qof aan uga baqayaana ma jiro” Waxaanu uu intaa ku darey “Uma baahni inaan kolba qof idhaahdo waatan xisaabtaydii, annigu in la hadlo waan hadlay maanta, in la hadlana waan ka soo hadlay Ceerigaabo, Gabilay iyo Booramaba”

Su’aalahaas la waydiiyey Prof. Axmed Ismaciil Samatar, wuu ka meermeeray su’aalihii khuseeyey midnimada Somaliweyn iyo wixii uu hore u aaminsanaa. Waxaana ka mid ahayd su’aal ahayd halka ay ku danbeysay fikirkiisii ahaa midnimada Somaliweyn iyo in uu ka hadlo hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya oo uu gooni isutaaga Somaliland ku sifeeyey caadifad, maadaama aad oo soo maray gobolo badan Somaliland ah, gooni Isutageedu ma kula muuqda caadifad. Waxaanu ku jawaabay “Annigu uma baahni mana ogoli in siddii Illaahay aan horjoogo kolba la i yidhaahdo is xisaabi, waxaan ahay waan ogahay, waxaan aaminsanahayna waa ogahay, qof aan uga baqayo waxaan aaminsanahayna ma jirto oo aan idhahado waatan xisaabtaydii. Xassan Sheekh Maxamuud hadalkiisu xaq ayuu u leeyahay in uu wuxuu aaminsan yahay ka hadlo oo qof waliba xor ayuu u yahay in uu ka hadlo wuxu aaminsan yahay, anniguna xaq baan u leeyahay inaan ku idhaahdo (Madaxwaynaha Somaliya) waxaani (Somaliland) xunbo maaha.

Hore baarlamaanka Xamar waxan uga hor idhi, dadka Somaliland waa dadkii qarankii Soomaaliyeed hadyadii ugu weynayd ee calankii Soomaaliyeed keenay, kuna adkaystay ee yidhi waxaannu rabna in aannu waddankii dhisno, haddii ay yidhaahdeen taasi way na khaarajin wayday oo ay la noqdaan xaq bay u leeyihiin. Hadyada aad keenaysaan iyo sida aad uga daba tegaysaan idinkay idiin talaa, marka uma haysto in Somaliland jibo iyo xamasaad tahay”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “halkan (Somaliland) waxaan ka tagayaa marka wakhtigaygu dhamaado, anniga oo ay dhabarka ii saaran tahay oo sita dayn qurux badan, laakiin culus” Waxaana uu intaa ku daray “sida aan daynkaas uga soo baxayana anniga ayay i jirtaa, abaalkay igu leeyihiin waalidkayga iyo dadkii halkan isoo gaadhsiiyey, waxa soo raacay dayn kale oo aad u culus, laakiin qurux badan”
Proff. Axmed Ismaaciil Samater, waxa kale oo uu ka sheekeeyay waxyaabaha uu kala soo kulmay safarkiisii Gobollada dalka “Waxaan soo arkay raad dawladeed oo meel walba yaala iyo dad is xukumaaya oo daabiyadaha yaryar dadka madaxda u ahi iyaga oo noo diyaar ah aanu u tagnay. Waxaan soo arkay in la doodi karo oo dadku codkooda dhiiban karaan oo warka la is waydaarsado, doodana na dhex mareen odayaal iyo dhallinyaraba. In ummaddani samaysatay dhaqan lagu wada doodo, oo warka la isku waydaarsado waan soo arkay iyana. Waxa kale oo aan soo arkay caqiido gundheer oo ku fadhida in la fahmay khayraadka yaala Jamhuuriyadda Somaliland ee mustaqbalka, dadka qudha ee goosan kara ee taladeeda lihi inay yihiin dadka u dhashay Somaliland ee muwaadiniinta ah, taana waan soo arkay. Markaa yeynaan ku sakhraamin guulahaynu helnay, haddii hore loo soconayo oo jiilba jiil u dhiibayo waxa la dhisi karaa waddan badhaadhe ah oo intan ka sii fog.

Isagoo ka Jawaabayay Su,aal laga waydiiyay qorshihiisa inuu Barre ka noqdo Jaamacaddaha Somaliland waxa uu yidhi "Maraykan waxaan ku noolaa afartan sanadood in ku dhaw, hawl iyo shaqo culus ayaan u hayaa wadankaa, markaa ma odhanayo intaan hawshii qabsada ku idhaahdo ayaan halkan ku soo noqonayaa, laakiinse taasi waxay u baahan tahay qorshe, waxaanan odhan karaa waxay ku xidhan tahay waxay Somaliland iigu bedelayso, shaqadii aan dalkaa ka hayay".
Dhinaca kale waxa kulankaasi ka hadlay, Wasiirka kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) iyo Madaxa Kulliyada sharciga ee Jaamacadda Hargeysa Prof Maxamuud Xuseen Faarax, kuwaasoo Aqoonyahanka uga mahad celiyay dareen celinta uu ka bixiyay Maxsuulka safarkiisii uu dalka ku soo wada maray.
Waxaan arkay in dadka Reer Somaliland ay yihiin kuwa Jaan-gooya Mustaqbalkooda ooaydoor ku leeyihiin ka talinta Mustaqbalka wadankooda?.
- "waxaan arkay dad Midaysan oo isjecel oo madax iyo Minjo is-ixtiraamaya, waxaanan leeyahay intaa markaan Arkay ee aan tegay Boorama, ilaa Ceerigaabo, Jamhuuriyada Somaliland Illaahay ha barakeeyo, anigoo qiraya in waxay qabsatay somalilandyihiin wax cad oosoojeedin:
-Waxa loo baahanyahay inay Somaliland samaysto Istaraatijiyada siyaasadeed oo cusub oo ay kula xidhiidhayso Beesha Caalamka, haday tahay Afrika iyo haday tahay wadamada kale ee Adduunka, waxaanan leeyahay Waddankani wuu u qalmaa inay aduunyadu timaado oo la arkowaxayqabsadeen".
-Waa in Dhaqaale la abuuro, oo la sameeyo waxa la yidhaahdo shaqo abuuris.
- Waxaana meelaha loo baahanyahay in dhaqaalaha laga kabo ka mid ah Dhismaha Wadooyinka, waayo, Waddanka meel kasta oo aan maray dadku waxay ka cabanayeen wado xumo, waxaana taasi ka markhaati ah Hargeysa oo qudha ayaa waddooyinka suuqa marayaa wada bur-bursanyihiin,meelaha rafkaa ee dhulkii aanu maraynayna meelaha qaarkood ayaanu Masaafo dhan 2 Mile ku soconay saacad, markaa waa in wadooyinka waddanka wax laga qabtaa , si qofka Beeralayd ahi wado uu Khudaarta ku soo Iib-geeyo u helo?
"waa in Cadaalada la horumariyo oo dadku Calaad wada helaan oo aan cidna qabyaalad iyo hayb-sooc lagu Takoorin,hadii Cadaalad la waayo Jamhuuriyada Somaliland waxay noqon doontaa mid gubata oo xataanacdashailaahaykusooDegto.
- Waxa loo baahanyahay in waxa aynu doonayno ee Mustaqbalkeenu ku xidhanyahay haday tahay siyaasada iyo haday tahay arimo kaleba, in dadku talo ku yeeshaan oo qof walba fursad loo siiyo inuu talo ka dhiibto.
-Waa in la kala saaro dawladnimada iyo qabyaaladda oo aan laysku salayn, waa in la horumariyo wax beerista, kobcinta Xoolaha Nool . dadkuna helaan biyo nadiif ah.



C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland