Aqalka Odayaasha
Ingiriiska oo Kulan la Tashi ah ugu Yeedhay
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE
London (Jam)- Aqalka Odayaasha ee
Baarlamanka dalka Ingiriiska, ayaa shalay ugu yeedhay Xoghayaha
Arrimaha Dibadda ee xisbiga xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Dr.
Maxamed Cabdillaahi Cumar kulan xog-warran iyo la-tashi ah oo ku
saabsan xogogaal u noqoshada xaaladda Somaliland iyo xiisadaha
siiyasadeed iyo kuwa colaadeed ee haatan ka aloosan mandaqadda
Geeska Afrika.
Kulankan oo uu guddoominayey Lord Eric Avebury oo ka tiran Aqalka
Odayaasha, ayaa ujeeddadiisu ahayd in xoghayha Arrimha Dibadda ee
KULMIYE uga xog-warramo mudanayaasha hawlaha diyaargarowga
doorashooyinka, aragtida Somaliland ee ku jahaysan siyaasadaha iyo
degenaasho la’aanta wakhtigan xaadirka ah ee gobolka Geeska Afrika
iyo weerarkii dhawaan ay argagixisadu ku qaaday Somaliland.
La tashigani wuxuu salka ku hayaa xidhiidhka xisbiga KULMIYE la
leeyahay bulshada caalamka oo aad u kordhay iyo mas’uuliyiinta
xisbiga KULMIYE oo si joogta ah uga muuqda fagaarayaasha caalamka ee
lagu falanqaynayaa arrimaha gobolka, gaadhsiiyana aragtida shacabka
Somaliland hoggaamiyaasha caalamka.
Kulankan oo xubnaha Aqalka Odayaasha ee Ingiriiska ay codsadeen waxa
loogu talogalay inuu gogol-xaadh u noqdo dood ku saabsan siyaasadda
arrimaha dibadda ee Ingiriiska oo todobaadkan ka dhacaysa
barlaamanka, halkaas oo ay Boqoradda Ingiriskua hadal ka jeedin
doonto, lana filayo in qaddiyadda Geeska Afrika lagu soo qaado.
Arrimaha xoghayuhu ka hadlay waxa ka mid ahaa khatarta argagixisadu
ka hayso Somaliland, hawalaha diyaargarowga doorashooyinka,
dhibaatada budhcad-badeedda, wadahadalada nabad-raadinta ah ee u
socda kooxaha isku haya siyaasada Somaliya, gargaarka ay u baahan
tahay Somaliland si ay uga gaashaamato weerarka ay argagixisadu ku
hayso dalkeeda, isbedelada ka dhaci kara Somaliya marka ciidammada
Ethiopia ka baxaan Somalia iyo arrimo kale.
Dr. Maxamed Cabdilahi Cumar si gaar ah uga hadlayey weerarkii
dhawaan argagixisadu ku qaaday Somaliland, ayaa sheegay in waxa
weerarka lagu yahay ay tahay mabaadi’da siyaasadeed iyo bulsho ee ka
hirgalay Jamhuriyadda Somaliland sida dimoqraadiyadda, xorriyadda
dadka iyo aaaya ka talinta, oo qaar ka mid ah kooxaha xagjirka ah u
arkaan in ay dib-u-dhac ku keenayso ujeeddooyinkooda siyaasiga ah.
Waxa kaloo sheegay in mabadidan oo adduunwaynaha u leh ahmiyad
horumarineed oo guud loo baahan yahay in ilaalintooda adduunka iska
kaashado. Waxaanu ugu yeedhay fadhiga Golaha Baaraalanka Ingiriiska
ee toddobaadkan dhacaya inuu arrintan falanqeeyo, Somaliland
taageero si isaga difaacdo weerarka argagixisadu ka hayso. Wuxuu
kaloo caddeeyay in kobcinta dawladnimada iyo dimuqraadiyadda
Somaliland ay tahay arrin maslaxad u ah wadamada gobolka iyo
adduunkaba.
Waxa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE ka codsaday Aqalka
Odayaasha Baarlamaanka Ingiriiisku in ugu yeedho Madaxweyanaha
Somaliland Md. Daahir Rayaale inuu si dhakhso ah u magaacaabo
guddigii dhexdhexaadka ahaa ee saddexda xisbi, Komishanka
Doorashooyinka Qaranka iyo xubnaha bulshada caalamku ku wada
heshiiyaya inay ka ilaaliyaan xukuumadda in aanay awoodda dawliga ah
iyo dhaqaalaha qaranka ay u hayso aanu ku isticmaalin ololaha
doorashooyinka Somaliland ee soo socda.
Samayta guddigan oo ah mid madaxbannaan xilkiisuna ku kooban yahayn
ilaalinta hantida qaaranka inta ka horreysa doorashada waxay aasaas
u ahayd heshiiskii sida ku ku meel gaadhka ah loogu kordhiyay
muddada xilka madaxwaynanimada.
Ugu danbayntii, waxa Dr. Maxamed Cabdillaahi ka warramay xiisadda
haatan Somaliya ka aloosan oo uu sheegay in xisbigiisu taageersan
yahay in khilaafaadka ka jira Soomaliya lagu dhammeeyo wadahadal,
lana taageero heshiiskii dhawaan lagu gaadhay dalka Jabuuti ee isku
soo dhaweenayay kooxaha isku haya Somaaliya, isagoo dawladda Jabuuti
ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto sidii loo yarayn lahaa isafgaran
waaga iyo colaadda ka jirta Somaliya, waxaannu carrabka ku dhuftay
in aqoonsiga Somaliland uu dhiirrigalin u noqon karo baadi-goobka
nabadda Somalia, ay Somaliland ay mug leh ka gali karto soo
afjaridda xiisadaha ka jira dalkaas.
|