Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Geedigiisii Siyaasadeed Ku Furay Xisbiga UDUB Oo Uu Ku Biirayo

 


Hargeysa (TNN)- Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, oo ah Guddoomiyaha Baanka Caalamiga ah ee CitiBank ee xafiiska Dalka Tanzania , ayaa si rasmi ah u goaansaday inuu ku biiro xisbiga mucaara dka ah ee UDUB oo ka mid ah axsaabta Qaranka Somaliland.



Dr. Jamaal, oo ah aqoonyahan, qoraa iyo weliba abwaan, inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo uu arrintan ka soo saaray, haddana ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrikau xaqiijiyay inuu go aankan qaatay ka dib markii uu la tashiyo badan oo bulshada dhexdeeda ah sameeyay islamarka ana ay xidhiidho iyo kulamo yeesheen Madaxweynihii hore oo ah guddoomiyaha UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin. Waxaana la filayaa inuu Jamaal dhawaan daboolka ka qaado ku biiritaankiisa xis biga UDUB.

Jamaal Cali Xuseen, ayay dad badani aaminsanyihiin inuu cudud ku soo kordhin doono xisbiga UD UB, waana nin dhallinyaro ah oo magac ku leh bulshada dhexdeeda, isagoo si gaar ah ugu xidhan dhallinyarada oo ah awooda ugu balaadhan ee dalka. Ka sokow xidhiidhidiisa dalka, waxa uu xidh iidh la leeyahay bulshada caalamka. Waxaanu warku intaas ku darayaa in damaca Jamaal Cali Xu seen ku xidhiidhisanyahay inuu ka mid noqdo murashixiinta xisbiga UDUB ka dhex baratami doonta si uu xisbigu ugu xusho murashaxa Madaxweyne ee doorashada dambe ee madaxtooyada.

Jamaal Cali Xuseen, waxa uu ka qalin jebiyay dhawr jaamacadood oo ay ka mid tahay jaamacad da Harvard University ee dalka Maraykanka oo ah jaamacada ay wax ku bartaan inta badan hog gaamiyayaasha dunidu.

Baanka CitiBank, wuxuu uga soo shaqeeyay 12 wadan oo Dunida ah, waxaanu Guddomiye uga no qday afar dal oo uu xafiisyo ku leeyahay, waana masuulka keliya ee darajadaas ka gaadhay CitiB ank ee u dhashay guud ahaan Gobalka Geeska Afrika.

 

Wargeyska Geeska Afrika