Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay Sul. Maxamed iyo

Xaaji Cabdi-Waraabe
 


"Haddii aanu nahay Beesha Ciidagale cid aanu ciil u qabno oo aanu ka aargoosanaynaa ma jirto"

Cabdillaahi Bidhaan

Aqoonyahano iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, kana soo jeeda beesha deegaanka Koonfurta Hargeysa, ayaa si adag u naqdiyay, isla markaana umadda reer Somaliland ka raaligeliyay hadalo dhowaan ka soo yeedhay Suldaanka Guud ee Somaliland iyo Xaaji Cabdi Xusseen (Cabdi-Waraabe).

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo todobaad ka hor ka hadlay Telefishanka Qaranka, waxa uu sheegay in beelaha kale ee Somaliland horaantii sagaashamaadkii dagaal midaysan la galeen beeshiisa, isla markaana beel ahaan aanay taas ilaabin, beeshii isku dayda inay baxdo si ay dagaal dalka uga hurisana ay ka aargoosanayaan. Isla markaana waxa hadalkaa mid munaasib ah ku tilmaamay Xaaji Cabdikariim Xusseen (Cabdi-Waraabe) oo ka tirsan Golaha Guurtida.

Hase yeeshee, xubnaha arrintaa jawaabta ka bixiyay oo kala ah; Maxamed Muuse Abees, Dr. Xusseen Muxumed Maxamed (Xusseen-Xoog), Dr. Ismaaciil Cali Jaamac, Dr. Axmed Maxamuud Cago-weyne, Cabdillaahi Ismaaciil Bidhaan iyo xubno kale oo beeshaa ka soo jeeda oo shalay Shir Saxaafaddeed ku qabtay magaalada Hargeysa, waxay dhawaaqaas ku tilmaameen mid daciif ah, kaasoo ay sheegeen in aanay Suldaanka iyo Xaajigu cidna ku metelin. "Shirkan jaraa'id waxaanu u qabanay in aanu kaga hadalo walaahowgan iyo jaah-wareerka umadda lagu wado, gaar ahaan bulshada ku dhaqan caasimada Hargeysa, jaah-wareerkaas oo ah wixii duriya iyo waqti aynu soo dhaafnay dalka ka dhacay, taasna nasiib-darro ayaanu u aragnaa. Waayo; dunida oo dhan dhibaatooyin way ka dhacaan, waana laga heshiiyaa. Laakiin, maalin walba inta kor loo yeedho la yidhaahdo; shalay waxbaa dhacay, maantana waxbaa dhacaya, waxaanu ka yeelaynaa sidaa iyo sidaa iyo wax aanaan soo hadal qaadi karayn, waxaanu u aragnaa ayaan-daro weyn. Waxaanu umadda reer Somaliland u sheegaynaa in kuwa waxaas yidhi aanay waxaasi ahayn wax ay dadka kaga masuul yihiin iyo wax ay ku metelaan midna.

Waxaanu u sheegaynaa in umaddu walaalnimo iyo Nabadgelyo ku wada joogto, kuna wada joogi doonto. Waxaanu leenahay dadka waxaa ku hadlay waa ashkhaas gaar ah, iyaga ayuuna hadalkaasi ku kooban yahay." Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee xisbiga KULMIYE Maxamed Muuse Abees oo ugu horayn halkaa ka hadlay, wuxuuna intaa ku daray, "Waxa nasiib-daro ah in TV-gii Qaranka ee hantidii umadda ka dhexaysay lagu soo iibiyay uu habeen walba albaabada u balaqo nin leh 'dagaal baa dhacaya, waa lays dilayaa iyo waa la dagaalami doonaa'. Marka Telefishanka Qaranku sidaa u hadlayo, dadyahow idinkaanu idin waydiinaye cida Nabadgelyada duminaysaa waa'ayo? Meeshii aanu codkayaga ka dhiiban lahayn kana hadli lahayn ee umaddu wada lahayd waa TV-gaa dhegayso ama ha dhegaysanta ee habeen walba waxaas lagaga hadlayo ee qofkii daawadaba naxdinta gelinaysa." Maxamed Muuse Abees waxa uu sheegay in hadalada noocaas ah ee Telefishanka Qaranku baahiyo, cida ku raaxaysanaysaa ay yihiin Madaxa Xukuumadda.

 "Walaahowga iyo jaah-wareerka la geliyay umadda ee lagu soo noolaynayo Boogihii hore ee ay qolaftu fuushay xilliyo hore, waxaanu umadda u sheeganyaa in aanay waxaasi maanta munaasib ku ahayn dadkii waxgaradka la moodayay ee ka shaqayn lahaa Nabadda iyo xasiloonida umadda….Waxaanu ummadda u sheegaynaa nimanka waxaa laga yaqyaqsoodo ku hadlaya ee colaada hurinaya, waanu uga digaynaa shacbiga, waxaananu leenahay iyaga ayay ku kooban tahay ee cid la wadaagtaa ma jirto. Waa ayaan-darro in dadku ay kala garan waayaan cida doonaysa inay meel biyo leh furto iyo cida doonaysa in ummada dib loogu celiyo waxa habeen walba ka baxaya TV-ga Qaranka," ayuu yidhi Maxamed Muuse Abees. Wuxuuna intaa ku daray, in aanay jirin cid gaar u sheegan karta magaalada Hargeysa, taasoo uu xusay inay tahay caasimad loo simanyahay oo aan cidna laga sheegan karin. "Hargeysa; Hindiga iyo Carabka ayaa leh, mana ah meel cid gaar ahi leedahay. Waxaan ka yaabay in magaaladan maalin walba cid laga sheeganayo," ayuu raaciyay. Dr. Ismaaciil Cali Jaamac oo isna halkaa ka hadlay, waxa uu hadalo daciif ah ku tilmaamay dhawaaqyadaa hore ee Suldaanka iyo Xaaji Cabdi Waraabe.

 "Horta, yaa wax samaynaya? Ninka leh waa nala dilay waa mid daciif ah oo fule ah. Cid la dilay ma jirto, haddii dagaal dhacayna waa laga heshiiyay," ayuu yidhi Dr Ismaaciil Cali oo ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE. Sidoo kale, Dr. Xusseen Muxumed Maxamed (Xusseen-Xoog) oo xubin ka ah Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo isna shirkaa jaraa'id hadal kooban ka jeediyay, waxa uu sheegay inay xaal ka bixinayaan, isla markaana umadda reer Somaliland ka raaligelinayaan hadaladii Suldaan Maxamed iyo Xaaji Cabdi Xusseen (Cabdi-Waraabe), wuxuuna sheegay in go'aankooda xaal-bixinta ay ku metelaan inta Nabadgelyada, wadajirka iyo samaxa jecel ee beeshooda. "Umadda reer Somaliland xaal baanu ka siinay hadalkaas," ayuu yidhi Dr. Xusseen-Xoog. Wuxuuna mid aan haboonayn ku tilmaamay in magaalada Hargeysa cid gaar ahi sheegato.

"Waxaanu ka hadlaynaa hadalo badan oo rag beeshayada ka mid ah oo dadka ka soo gaadhay oo aanu qaadan weynay, muddo badan ayaa Sulaadiintayada iyo odayaasha beeshayada ee Ciidagale wanaagsanaan jireen oo Salaadiintayada Somaliland iyo dadkuba ay u tagi jireen. Illaahay noogu wadi maayo oo dadkayaga kale ayuu noo geline, Salaadiintayada iyo odayaashayadu doorkan way silan yihiin oo meel aan marinkooda ahayn ayay mareen, wax aan marinkooda ahayna way ku hadleen dhawr nin oo Suldaano sheeganaya iyo Xaaji Cabdi Waraabe oo noogu weynaa wax aan daw ahayn ayayna yidhaahdeen. Xaaji Cabdi Waraabe Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayuu ku yidhi may ahayn inaad sidaas u hadasho, haddana hadalkiisii wuxuu noqday uun maad iiga joogtid aan idhaahdo dadka waanu dilaynaa oo waanu ka aargoosanaynaa." Sidaana waxa yidhi Wasiiru-dawlihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Cabdillaahi Ismaaciil Bidhaan. "Anagu haddii aanu Beesha Ciidagale nahay cid aanu ciil u qabno oo aanu ka aargoosanaynaa ma jirto, waa la is dilay dagaalkii sokeeye, waxaanan is leeyahay tolow idinka daalac ma la idiin raaci. Waxaan sidaas u leeyahay Anagu dhimashadana waanu naqaanaa heshiiskana waanu naqaanaa," ayuu raaciyay Mr Bidhaan. Wuxuuna Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay inuu doonayo sidii uu dalka xukun degdeg ah ugu soo rogi lahaa. "Ninkaas odayga ahi (Madaxweyne Rayaale) malaa xukun deg-deg ah ayuu doonayaa inuu dalka ku soo rogo oo marna askartiisa ayuu baastoolad u soo dhiibaa oo uu yidhaahdaa dadka ku soo laaya. Aniga waxa ii muuqata iyadoo Baarlamaanka iyo Guurtidaba la kala diray oo xukun deg deg ah la soo rogay," ayuu yidhi.

Xubnihii ka hadlay shirkaa jaraa'id, waxay sheegeen in aan loo baahnayn in la qod-qodo dagaaladii sokeeye, taas bedelkeedana waxay guud ahaan bulshada Somaliland ugu baaqeen inay ilaashadaan wadajirkooda. Dhinaca kale, waxay sheegeen in xisbigooda KULMIYE yahay mid doonaya inuu hanaan Nabadgelyo iyo Dimoqraadi ah talada kagala wareego Xukuumadda haatan ee Madaxweyne Rayaale, taasoo ay ku eedeeyeen inay masuul ka tahay dhaqdhaqaaqinta odayaal muddooyinkii u dambeeyay Telefishanka Madaxtooyadu maamusho laga baahiyo oo naqdiya xisbiyada Mucaaradka, kuwaasoo ay sheegeen in ujeedada laga leeyahay tahay xaalad-abuur Xukuumaddu maleegayso. 
 

 



Wargeyska Ogaal