Arday Ka Qalin Jabisay Jaamacada Burco oo Shahaadooyin La siiyey

 

Munaasibad balaadhan oo loogu talo galay in lago soo afjaro waxbarasho socotay muddo hal sano ah, oo shahaadooyin lagu siinayey 60 Arday oo qalin jabisay Jaamacada Burco ayaa habeenkii xalay lagu qabtay xarun ay leedahay Jaamacadano oo ku taala badhtamaha Magaalada Burco.

Munaasibadan oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Jaamacada waxaa loogu talo galay in ilaa 60 Arday oo afartan ka midi ay baranayeen Aqoontoa IT (Information Technology) labaatan kalena loo tababaray luqada loo sameeyo dhamaystirkii wadada waxbarashada.

Gudoomiyaha Jaamacada Burco Prof C/salaam Yaasiin oo munaasibadan qalin jabinta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ujeedada loogu talo galay fursadan gaabgaaban ee ay bixinayso jaamacada ay ugu muhiimsan tahay inay dhisaan dadka ay ku kala go’oday waxbarashada iyo weliba inay soo saaraan dad leh xirfado cusub.

Gudoomiyaha waxaa uu cadeeyey inay aqoontu tahay mida hagaysa qofka ayna ku xidhan tahay heerka nololeed ee qofku, taasi oo uu xusay inay dhalinyarada dhisaan mustaqbalkooda.

“ Hantida waa loo waayaa, laakiin cilmiga lama waayo ee qalbigaaga iyo caqligaaga ayuu la socdaa” ayuu yidhi.

Gudoomiyaha waxaa kale oo uu ugu baaqay Ganacsatada Somaliland inay dhiirigeliyaan oo ay kaga shaqaysiiyaan aqoonta kana faa’iidaystaan aqoonta dadka wax ka bartay Jaamacada.

Sidoo kalena Xasan Maxamed Dalmar oo ka mida Maamulka Jaamacada ayaa soo dhoweeyey dedaalka ardayda kuna tilmaamay kuwo u baahan in la taageero, waxaanu ardaydaasi gebagebadii la siiyey shahaadooyinkii ay mutaysteen.

Dufcada ardayda Jaamacada oo noqon doonta dufcadii 4aad, ee ka soo baxda Jaamacada ayaa waxay ka qalin jabisay xarun loogu magac daray Adeega Bulshada, oo ay Jaamacada Burco ku leedahay badhtamaha Magaalada.
 

 



Siciid Axmed Raage

Burco, Somaliland