ARDAYDA GABILEY IYO ARIN XUMADA SIILAANYO

 



Taariikhdu waa diiwaan doraad iyo shalay wixii ku dhaafay ayaa laga daalacdaa aadimigaa u sharaf badan allah wuxuu sameeyay ardayduna waa astaanta horumarka bulshada waa ilayaska qaranka iyo qoomiyada
.
xakuumada madaxweyne siilaanyo waxay cagta saartay dhabadii lagu halaagaynidaamkii daaquudka ahaayee ee AFWEYNE taasi oo adeegsan jiray calaamadaha hada ka muuqday xukunka sii dhacaya ee maxadweyne siilaanyo waxaa soo ifbaxaya gabagabada nidaanka siilaanyo ee faashilka ah

Ardayda reer gabiley waxay muujiyeen geesinimadii lagu yaqaanay waxay  abaabuleen mu daharaad silmiya mudaharaadkaasi oo ay xaqoodii iyo xuquuqdoodii ku doonayeen cabasho fara badan ayay u gudbiyeen komishanka doorashooyinka qaran jawaabtii waxay noqotay in ciidamadu ugu jawaabaan rasaas maaha markii u horaysay ee rasaas lagu rido reer gab iley nidaankii afweyne ayaa adeegsanjiray rasaasta iyo  xadhig siilaanyona wuxuu cagta saaray dariiqii afweyne.

Ardaydu kuma joogsanayaan rasaase waxay ku joogsanayaan cadaalad iyo sinaan silaan yo muxuu dhaamaa daaquudkii afweyne mar hadii uu shicibkiii doortay rasaas  u quudhay dalku wuxuu marayaa meel xun waayo rasaastu waa asataanka xukuumada fishilanta waa aqoon darada xukunka liita ee qabyaalada iyo qudhanka huursan  mudaharaadka waa in la wadaa ilaa inta la joojinayo xoolaha umada ee la cunayo jaamacada tima cade waxay la mid tahay jaamacada dalka maxaa loo takoorayaaa ?

ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee abwaan maxamed xaashi dhamac gaariye muxuu ka yidhi arimaha hada taagan ..deeley

Qabiilkii Dorraad yiil
Isticmaarki baa dumay
Shalay daba-ka-naax iyo
Dibitaati baa waday
maantana dillaal iyo
Dibir baa ku xoogsada
Waa dabin qarsoodiya
ummadday ku dagayaan
Boobkay ku dedayaan
Qolo-qoladan loo degey
kama dhalan dadweynaha
Ragga dacarta huriyaa
Waa kooxo duuma ah
Daadihiyayaashiyo
maamulkay ku dumanyiin
qaarbaa diktoorra ah
Degreegoodu madhan yahay
Qaarbaa Durbaanna leh
oo daacaddii jaray
Darna waa hagoogtaan
Waa deniyo waaweyn
isku soo dabbaaloo
waa Dabaqad maal jecel
Waxa loo dig lee yahay
Dhididkaygan dahabka ah
Sidii loo duddubin laa

guul iyo gobanimo waa madaharaad salmiya ardaydu waa astaanta horumarka rasaatu waa astaanta nidaamka sii dhacaya
 

 

 

omar aw cabdi maxmed
omar dooli
Bristol uk