Arintaan la Ruugin waa lagu Rafaadaa!Somali land oo ka eexatay Gabiley, iyo badh eedhka Dila waa gardaro garab og
 

ASCW

Arintaan la Ruugin waa lagu Rafaadaa!Somaliland oo ka eexatay Gabiley, iyo badh
eedhka Dila waa gardaro garab og


Marka waxan halkan Tacsi uga diraynaa dhamaan dadkii ku geeriyooday Ceerbedaale .waxaan kale oo iyagana anagoo ka xun aan tacsi u diraynaa dadkii rakaabka ahaa ee lagu laayey jidka u dhexeeya kalabaydh iyo Dila.

Hadaba haddii aan wax ka idhaahdo dagaalkan soo noqnoqday ee markii danbana keenay dil aan la filayn . waxa iswaydiintu tahay maxaa dhibkan dhacay bilawgiisii wax looga qaban waayey? ilayn waa ta la yidhi balaayo madax la qabto ayey leedahay ee mijo la qabto malahee. Yaa ka masuula waxqabadkeeda. iyadoo la ogsoonyahay in dawlada Somaliland masuulka ka tahay nabadgelyada wadanka iyo ta muwaadinkaba. waxa wax lala yaaba sida dawladu u dhayalsatay arinkan bilowgiisii. waxaa aan la ilaabi karin gurmadkii degdegaa ahaa ee guurtidu u gashay arinkan ee ay u fadhiyeen 100 habeen iyo in ay aakhirkii soo saareen goaamo dhaxal gal ah oo ay ku xalinayaan dhibkii meesha yaalay. ka dibna ay dawlada ku booriyeen in ay ku dhaqan geliso ama ku amreen in muddo bil ah lagu fuliyo Qodobadaa Guurtidu soo saartay. laakiin waxaa la wada ogsoon yahay in xukuumada riyaale ka dhego adaygtay in ay fuliso qodobadii
Guurtidu u fadhiyeen boqolka habeen . Isla markaana ay beelihii  shaqaa qadu ka dhexdhacday ay midkood oo uu ka soo jeedo madaxweynuhu daadafaysay goaankii guurtida. Waxa kale oo taa ka sii darnaa in beesha madaxweynaha suldaankoodii guud uu jaraaidada iyo idaacadaha ku faafiyey hadalo Xajiin leh oo weliba uu calaamad suaal saarayo jiritaanka Qaranimada Soomaaliland , iyadoo la odhan karo goaanka guurtida ee aydiideen iyo waliba aflagaadadii kasoo baxday suldaanka reer boorama ee joogtada ahayd iyo Aamusnaanta riyaale baa u subaba ah oo keentay dhacdadan foosha xun ee ka dhacday dariiqa Dila iyo kalabaydh u
dhexeeya. Runtiina go,aanka guurtidu cidna ku lidi ma ahayn ee nuxurkiisu waxa uu ahaa keliya nin waliba beertiisii iyo dambaskiisii ha ku noqdo.


Hadaba Salaadiintiinan , Waxgaradkiinaan Aqoon yahankiinan iyo Siyaasigiinan maanta culayska saaray oday dhaqmeedyada iyo beesha dhan ee reer Gabiley ee weliba murigada iyo tiiraanyada ka muujiyey falkii Dariiqa ka dhacay ma is weydiiseen , in la wada raadiyo xalka ugu fiican ee lagu dhamayn karo dhibaatada meesha taala iyadaoo la
kala horeysiinayo sida ay u kala culus yihiin iyadoo aan si gaara cadaadis loo saarin reer Gabiley. Suaasha kale meesha taalaa waxa weeye dilku waa isku mid xaga shareecada islaamka oo nin ka daadiya qof islaama dhiigiisa in uu yahay mid xaga Eebe ka mutaystay cadaab. markaa miyaanay fiicnayn dilka inaan lakala fadilin maadaama xaga eebe ka siman yihiin , sida falku u dhacay ha kala fool xumaadeene.

waxaa meesha lama huraana iyana in carabka lagu dhufto odayaasha reer boorama iyo xukuumada madaxweyneh riyaalaba in sabateeda leeyihiin ,maadaama Suldaankii guud uu diiday goaankii nabada ee guurtida hadalo uu ku hadlo nin masuuli ahina aanu ku hadlin , madaxw eynuhuna aanu fulin goaankii guurtida, sida caadadu tahay waxaa la wadaa ogsoon yahay in marka guurtidu ay korodhsiimo u samayso
Riyaaale in markaaba fuliye goaanka guurtida. Markaa waxa halkaa ka cad in madaxcweynuhu Dastuurka dalka ka dhigtay la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan.

Waxaa iyana xusid mudan intiinan mudane ee madax dhaqmeed leh , Siyaasi leh ,Waxgarad leh ,ee sheikh iyo waranleba leh , ee hada baaqyada soo saaraya,waa la wada tegay ceelbardaaleh xaqiiqdana waad ogaydeena maxaad uga hadli ama u soo gurman weydeen intaan xeedho iyo fandhaal kala dhicin ama u taageeri waydeen go.aanka cadaalada ahaa ee guurtidu soo saartay?



Arinkiinu ma u eegaanayaa

Baadida Ninbaa kula dedeyi
Daala Kaabadane
Aan doonahayn In aad hesho
Daayin abidkaaye
Dadkuna Moodi Duul wada dhashay
Oon wax u dahsoonayn
Delo malaha Aakhiro hadii Loo
Kitaab dayo.



Raga uu ugu horeeyo Buurmadow waxa leeyahay sidaad ugu hawl  gasha y cadde muuse iyo Cabdilaahi Yuusuf si ka fiican ugu hawl gal arinkan ceerberdaale waana laga fiican yahay in adigoo boqor ah oo dad ku boqreen laguuna boqray inaad noqota ka taliyo samatalis inaad u xuub siibato inaad kaba qaad u noqoto madaxweyneh riyaale isla markaana aad xiniinyaha maroojiso madaxda kalee wadanka ee Gudddoomiye Guurti leh  ee Madax Xisbi leh. Weligii Riyaale iyo ina dhoole yare joogi maayeen oo askar lagugu ilaalin maayo beriba way tageyeen markaa waxan ku odhan lahaa wax isula hadh intay goorigoor tahay haddii kale boqornim adana waanu kaala noqon Geed qudhaanjo lehna waanu kugu xidhixidhi.

Waxaa iyana Xusid mudan waxa is dilay laba jilib oo yaryar oo hoose oo cid welba iska xiga iskuna ah Abti Habarwadaag Ilmaabti iwm ee waxan Garan waayey waxa samaroon oo dhami ay boorame uga   mudahara adeeen ee Calankii Towxiidku ku Qornaa loo  Jeexjeexay  oo calnkii  Soom aaliya loola soo baxay , Miyaanay baroortu orgiga ka weynayn?  Iyana waxaa Xusid mudan syaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo imika afka ka
sheegta Soomaaliland in markii uu Boorama joogay uu taraaray isagoo kala garan waayey Soomaaliya iyo Soomaaliland waxana ereyadiisii ka mida ahaa

1- Ummada Soomaliyeed waan u tacsiyadaynayaa meel kasta oo ay joogaan falkii arxandarad ahaa ee halkaa ka dhacay.


2- waa arin ku cusub umada Soomaliyeed in wadada laysu gallo oo la yidhaaho wixii qoladaas ah ee halkaa soo maraba waanu dilay weliba la jar jaro.!

3- Hadii Dowlada Soomaliyeed Arintaa wax ka qaban waydo masii jiri doonto Soomaliya!


Sedexdaa Kelmadood markii uu ka dhawaajiyay ayaa dad hoos fadhiyay waxay yidhaaheen
Somaliland Somaliland dheh.

Hadaba waxaa is waydiin mudan Xaabsade kama hadal calankii Somaliland ee la gubay sidoo kalena ma soo hadal qaadin Calankii Soomaliya ee Reer Boorame la soo baxeen, sidoo kale ma soo Qaadin dadkii hore ee la dilay ! markaa Halkaa waxaa kaaga cadaanysa In reer Boorame iyo Xaabsade iyo Riyaale wax gaara isku og yihiin ama ay jirto Sir qarsoon oo Shacabka Somaliland lagu minjo xaabinayo,Haseyeeshee ay marba ka qarxayso ama wixii uurkooda ku jiray afku ka xadayo.


Qoraalkan oo ka kooban dhowr qodob oo rugun u ah jiritaanka qofka, qoyska, iyo Dalka, waxaan ugu horey soo qaadanaynaa.


Cadaalada iyo Nabada xidhiidhka ka dhaxeeya.


Ummad meel ku wada nool waxa kala haga waa sharci iyo cadaalad, dadka a wada nool haddii mid ka mid ahi qaldamo, waxaa qabanaya sharciga iyo xeerka u yaala danbigaa uu galay, Haddii aanu jirin xeer, sharci, iyo xaakin kala xukumaa, waxaa qofkasta u cad in aanay cadaaladi jirin, noloshii halkaa ka jirtayna aanay jirayn oo lagu kala tagayo, “ Ragg Cadaalad waayey, sidii Cawsha kala yaacye”.

Kala tagga waxaa keenay dhac, dil, kufsi, khayaamo, iyo waxii xumaa oo dhan ayaa yaala mar haddii aanay cadaaladi jirin, halkaa waxaa qof kasta ugu cad marka la waayo cadaalad in aanay jiray Nabad.

Haddaba hadaan faalo gaaban ka bixiyo Arimaha Ceel-bardaale, ka hor faalada waxaan dadweynaha ka cod sanayaa in uu qofku (akhriste) laf-ahaantiisu is weydiiyo su’aashan.

Maxaad yeeli lahayd Gurigaaga, Beertaada oo beeran inta uu qof kale deggo, ku yidhaa kaalay iga qaad?

Waxaan dadweynaha u sharaxayaa arinta ceel-bardaale inta aan ogeyn:


Dad inaga mid ah ayaa Guryahoodii, Beertoodii la haystaa. Maaha arintu dhul daaqsimeed ama madahaygii ayaa igu soo durugtay.

Dadkaasi markay dooneen guryahoodii waxaa loogu jawaabay xabad, oo dil fool xun ayaa ka dhacayey intii Somaliland jirtayba.

Falalka ka dhacay hadaan qaar ka soo qaato, Qoys-yo degen, oo nabad ku soo hoostay ayaa habeen madow lagu gubay guryahoodii, gurigaas oo ay ku jireen Caruur, Hooyo, iyo Aababa, Ragg ayaa gudin lagu dilay isagoo ku sugan gurigiisa dhexdiisa, Ragg ayaa loo joogsaday wadada u dhaxaysa Gabiley iyo Ceel-bardaale oo gaadhigii inta lagala degay kadib la dilay, waxaa iyo wax ka daran ayaa jiidaa ka dhacay marka aanan ku darin tii 80s iyo waxii ka horeeyey.



Waxay Somaliland oo dhan ogtahay:

In wakhtigii Diwaan galintu bilaabantay, weerar lagu soo qaaday dhulkaas.

In dhimasho iyo dhaawacba ka dhaceen.

In xukuumadu bixisay amar lagu soo qabanayo sh. Maxamuud oo aan danbi galin.

In 4 Nin lagu dilay beerahooda, 7 nin la dhaawacay.

In aan la soo qaban gacan ku dhiigleyaasha gaystay dilkaa.

In Gabiley dulqaadatay oo ay ka dhur sugtay, Ergada golaha guurtiga.

In labada beelood (Gabiley, Dila) saxeexeen galsooni ku qabka gudiga guurtiga.

In 4 bilood loo fadhiyey ka garniqida xaalada dhulkaas iyo dhagartaa ka dhacday.

In beesha Dila ka kacday markii go’aanku soo baxayey.

In ay xukunkii rideen gudiga golaha guurtigu.

In beesha Dila aanay bixin magtii dhagartii dhacday.

In beesha Dila wali haysato hantidii dadka kale.

In aan la fulin go’aamadii ka soo baxay xeerbeegtida.

In cida fulin wayday go’aamadu tahay Madaxweynaha.

In beesha Dila tahay gardiid, garab ka haysata Madaxweynaha.



Maxaa dhacay markii ay dhaceen dilalkii hore ee dabayaaqadii 2008 iyo horaantii 2009.



Bulshada Somaliland qaar ka mid ahi waxay soo direen baaq Nabadeed oo aan codkoodu aad u dheereyn, xukuumada Somaliland waxay bixisay amar lagu soo xidhayo dadkii wax ka maqnaayeen, halkii laga filayey in ay Soo qabato dambiilayaashii dhagarta geystay.


Dadkii figtamka ahaa ee ay wax ka maqnaayeen waxaa loogu daray af-lagaadooyin, waxaa ka mid ahaa.


Odayga golaha guurtiga ugu da’da weyn Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu yidhi.

Gabiley wax yar oo fudud inay ku ficiltanto waan ka wacdiyayaa


Xukuumadda ninkaan raacin baa xun..Sanduuqana meeshii la dhigaaba waa Somaliland

Dhalinyarada la dirayo iyo Odayaasha dirayaba waxaan u soo jeedinayaa S/land-eey mid noqda

Gabadhii ninkeedu jeclaa ee aan Ubadka ka helin waxay tidhi, Ilaahay ma li’i,waadse iga eed la’dahay…imika



Maxaa dhacay markii ay dhaceen dilalkii danbe ee July 2009.


Dhawaaqa ka soo baxaya Somaliland gudo iyo dibadba ayaa dhacdadii u danbaysay ay gilgishay Somaliland, haddii aad dhageysato (Radio-yada sida BBC iyo VOA, TV-yada, Odey dhaqmeedyada, xukuumada Somaliland, ururada bulshada) dhamaantood waxay cod aad u dheer ku baaqayeen, in ay colaada joojiyaan beelaha walalaaha ah ee ku diriraya deegaanka Ceel-Bardaale.



Xukuumada Somaliland waxay soo saartay qoraal, ay ku dalbanayso dabiilayaashii, Hantidii dadka laga haystayna waxay tidhi waa dhul ciidan.


Ergooyinka Soo gaadhaya Gabiley ayaa ku baaqaya in danbiilayaashii la keeno, oo ay ka masuul yihiin Odayaasha Gabiley.


Ergooyinka soo gaadhaya Gabiley waxa leexinayaan arintii la isku hayey oo waxay yihiin gurmad baadidoon ah si loo soo qabto dadkii Raggii Qaaliga ahaa ee Riyaale is xigeen dilay



Xukuumada Somaliland waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay siday dadweynaha Gabiley dhexdooda iskaga hor keeni lahayd.



Waxay dadweynaha Gabiley is waydiinayaan.



1. Dhagartii hore ee dhacday qayladan dheer ee gilgishay dadka may laha yne, Maxaa dhimashada kala duway?

2. Ma raggan danbe ayaa ka qaalisanaa kuwii hore loo dilay?

3. Dambiilayaashii horeba lama doondoonayee, kuwan danbe miyey u jilicsanaadeen?

4. Somaliland ma waxay garan laadahay danbiilihii dilalka geystay? Sowka ah Riyaale
ee ay garanayaan halka uu ku nool yahay, maxay noo wareerinayaan.

5. Waar malaha inagaa(Gabiley) waalan!!! Ee Muqdishaa laga heesayaa, oo Somaliland aan dalka u haysanaanba ma jirto?

6. Sowtii aan moodayey in aan iska xoreynay Cadaalad xumadii Afweyne lahaa.

7. Waar barigii hore miyaanay dhammaan Odayaashii Nac-Naca la siin jiray, ee lagu odhan jiray wiilkaaga beerkiisa keen, qaarbaan arkay maanta sidii kuwii u socda.

8. Jid gooyada la sheegayo ma haday dhacday, sowtii ragga lagu dilay bishii labaad ee sanadkan, Guri-gooyada, Beer-gooyada, sharci-gooyada, Dad-gooyada dalka ka dhacaysa Somaliland miyaanay arkeyn? mise Xukuumadan bilaa sharciga ah ayey iska dhisayaan.



Gabiley waxay Somaliland faraysaa:



1. Danbiile ninkii doondoonayow waa Riyaale, ee ha la soo qabto.



2. Haddii Cadaalad la waayo, Nabadna jiri mayso, oo Gaadhi iyo Diyaaradba waa la iskala dagi.


3. Ninka Fidmada wada ee colaada abuuraya waa suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil iyo Riyaale ee ha la soo qabto .


4. Gabiley waxay tirsanaysaa in Somaliland uga eexatay, gardiidka Dila iyo
Danbiilaha Riyaale.


5. Gabiley xaqqa ay leedahay qofna kama sugeyso, wax aanay lahayna qaadan mayso Gabiley.


6. Gabiley way ka weyntahay wax kaanbayn lagu galo.


7. Gabiley waxay u mahad naqaysaa cid kastoo cadaalada jecel, kuna socota dariiqa saxda ah.


8. Gabiley waxay ogtahay kuwa biidhi qaataha ah ee madaxa duuban.


9. Ergooyinka kala duwanow waxaan leenahay ha leexinina garta, ee haddaad daacad ka tihiin, baaqyada iyo gurmadka nagu wajahan anaga (Gabiley) u dira Riyaale iyo Dila iyagaa nabada diidaye.



walaalayaal waxan ku soo gabagabaynayaa in waxgaradka aqoonyahanka iyo oday dhaqmeedkaa isugu yimi Gabilyoo inaad daacad noqotaan oo  dad kaa walaalaha ah ee mashaqadu ku kala dhexdhacday aad ku kala dhex gasheen sida ugu fiican ee Eebana raali ka yahay idinkoo ka fogaanayo nin jeclaysiga iyo eexda. Arinkana waa in lagu kala kacin horeyso iyo  dambey see dilkii iyo sababihii keenay ilaa inta laga xalinayo. waxanan idiinka  diga yaa in arinka ku soo ururisaan dilkii foosha xumaa ee dariiqa iyo maalkii la dhacay. arinku intaa wuu ka wayn yahay haddii aydaan si fiican u gudo gelina beri bay soo noqon fartaanad dhexda ka qaniini doontaan.
 

 


waxan ilaahay idiin ka rajaynayaa in talada wanaagsan idin waafajiyiyo.


wa bilaahi towfiiq.

 

By: Jaaliyada Ka soo jeedda Gabiley ee deggan Sweden