Maansadan gaaban waxa ala yidhaa ," Arliga la gad ayaa haddi iib san loo helo,"waxa tiryiyay  (Qolqol)

 



Waan idin salaamaya Bah waynta Timacade News meel aad joogtaanba .Maansadan waxay ka hadlaysa arxan lida loo iibinyo hantididdi dad waynaha ,ee uu ugu danbee yo Air Portka Berbaera ee la kiraynayo mudada dhan 25 sanno,een kuwa kiraynaya u lahayn aqoon ay ku faah faahiyaan iyo dhibta ka iman karta toona sida Wasiirkas Madaxtooyada oo ah shakhsi aqoon aan u lahayn xilka uu umada u hayo  haba yaraa tee.

Haddi taa la ansaixiyaay waa arki doontaan iyada oo Askarta reer somaliland ee Ciidanka ahna la kireeyo ha foagaysanina waa bari iyo wixii nool.Wuxu yidhui

 



Aqoontii la tabi waa
laga durug indheer garad
garta kuwa asiibiyo
odayaashi laga baydh

*****

alla aamin kici waa
daalin baa awood badan
nin ilaah ka baqaya
aqal kuu dhex joogaa

*****

kuwa uubta qodi kara
agab bay u dhiibtaan
nin awood ku faannaa
aar goosi ula baydh

*****

kaan adhiga celin karin
yay awr u dirata
raganimo qof iibsaday
intifaac ku naaloo

*****

nin agoonta qadiya
usha loogu dhiiba
cadligii indhaha beel
abris baa ku xoogsada

*****

nin aduunka soo gubay
yay amal ka sugayaan
beenaha abaa bulan
inamay u haystaan

*****

sida adhi jirteenii
iinaha la sheeg sheeg
afarta u ila xaadh
ardaayada u kala sheeg

*****

dimuqraadi ullashada
afkanay ka sheegtaan
digtaatoor astaantii
imikaad ku aragta

*****

cashuuraha la urursado
waa lagu uleeyaa
i
slaambay ku faanaan
diintuna awood male

*****

sunihii indha beel
ardaayada ma dhaafsana
nin aqoon ku hiilaa
ma irkado hankiisii

*****

arligaa la gadaya
hadii iibsan loo helo
hawadii dalkeenana
ina xaashi waydii

*****

bal halkuu aroorsiga
arinteeda soo furay
albaabkii xidhnaan jiray
shilin baa ku awdalan

*****

anba qaadka lagu wado
Barbaraad ka aragtaa
Airboodhki waa kaa
imaaraad loo xidhay

*****

kaluunkiyo ugaxiis
Egypt bay ka iibsheen
ictiraafka lagu rabo
jig jigay u aadaan

*****

nin u jeedo tabaya
uurku ku haystaa
afka kii yadheena
utun bay u qaadaan

*****

afarta u ila xaadh
ardaayada u kala sheeg
ma unkaan ma awdaan
albaab meel ma saaraan

*****

Dakadii aboor iyo
ayax bay ku beereen
lala orod bagaashkii
ilo dheera la qabay

*****

ibo galiye naaskii
bari noo irmaanaa
markaad eegto muuqaal
Barbaraad ka oydaa

*****

dhakhtaradu ilays male
quuflay abaadeen
umushiiyo dhaawaca
irbad looma heli karo

*****

jidadkii abaar iyo
arad bay u liitaan
awaaraha ka kacaya
idhuhuu ku tiraya

*****

lama uririyo dhagaxana
adinkay ku jiidaan
xashiishka la uudaa
bacuhuna itaalkood

*****

geedihii la aafee
irsiq bay ka raadsheen
wariyuhu awood male
waa loo abtiriya

*****

isha laysu dabaya
afka laysu buuraa
ragii oogta soo shiday
waa laga ag guuraa

*****
ubadkii badaha jiidh
ku idlaade doonyaha
maydkii la aasay
oogada ku haystaan

*****
ururaa la sheega
midba iin u leeyahay
dad is eeganayaa
wallee ood ma soo jaro

*****
intay raad iblays iyo
shaydaan agjoogaan
aduunyada tartamaysiyo
asaagood ma gaadhaan

*****
ummad yahay baraaruga
arligiina daawada
kuwaa aaminteen iyo
arintiina meel dhiga

*****


 

Abwaan Mawliid Adan (Qolqol)