Prof. Axmed Ismaciil Samatar Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay
Lana Weydiiyay Wixii Uu Somaliland Usoo Kordhiyay Mudadii Shanta
Bilood Ee Uu Dalka Ka Maqnaa
Hunguriga ugu weyn ee I hayaa waan inaan ummadeydii iyo dadkaygii
sii badsado (Barashooda)
Hargaysa(TNN):-Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo muddo shan bilood ah
dalka ka maqnaa ka dib markii uu hore Somaliland u yimid bishii July
ee sanadkan sii galbanaya, ayaa maanta lagu soo dha weeyay Magaalada
Hargeysa oo uu dib ugu soo laabtay.
Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo lix bilood ka hor ka noqday
Mabda’ii Soomaali-weyn ee uu hore u aaminsanaa, ayaa qolka Nashada
ee Madaarka Hargeysa ayaa saxaafadda uga waramay waxya abaha uu
Somaliland u soo faa’ideeyay mudadii koobnayd ee uu maqnaa, maadaama
oo uu hadda yahay muwaadin aaminsan gooni isu-taaga iyo
Madax-banaanida Somaliland, waxaanu sheegay in mudadii shanka bilood
ahayd ee uu maqnaa uu ku dedaalay inuu beesha caalamka gaadhsiiyo
xaqii qada Somaliland iyo waxa ay kaga duwan tahay Soomaaliya.
Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo ugu horeyn u mahad-celinaya
masuuliyiintii soo dhaweeyay oo uu ka mid ahaa Wasiirka xidhiidhka
golayaasha Somaliland, ayaa yidhi “Waxaan u Mahadnaqayaa Madaxda
Xafiiska Madaxtooyada Somaliland ee na soo dhaweeyay, waxaanan
salaamayaa dadka reer Somaliland, waxaanan leeyahay waynu is arki
doonaa oo waynu is wareysan doonaa, Madaxd a dalkana inaanu is
wareysano oo isfahamkeenu sii gun-dheeraado ayaan rejaynayaa”
Prof. Samater, oo la waydiiyay waxa uu Somaliland u soo faa’ideeyay
mudadii koobnayd ee uu ku maqnaa dalka Maraykanka oo uu deggan yahay,
ayaa ku jawaabay “Waddan dhan horusocodkiisu waa dadka oo dhan, qof
ama laba wax ay tari karaan way iska yar tahay, laakiin shantii
bilood ee aan idinka maqnaa annigu waan dedaalay oo dhul badan ayaa
ka hadlay, Telefiishanada Maraykan ka waan ka hadlay, Madaxda
Maraykanka qaarkood waan la hadlay oo arrinta Somaliland-baan ka
hadlay, siday uga duwan tahay waddanka intiisa kale ayaan ka hadlay,
waxay qabsadeen dadka Jamhuuriyaddan ku nooli, oo ay ugu yar tahay
dadkii qoxootiga u baxay markii Hargeysa iyo Burco ay garaacayeen
ciidamadii dawladdii (Siyaad Barre) ee ka baxsaday cadaawaddii
halkan ka taagn ayd ay dib ugu soo noqdeen dalkoodii oo dib u dejin
dalkoodii loogu sameeyay, taasi weli kamay dhicin Koonfurta
Soomaaliya, markaa waxyaabo badan oo u gooni ah dadka reer
Somaliland, ama taariikhiyan ha noqoto ama siday maanta yihiin ayaan
isku dayey inaan adduunyada gaadhsiiyo, wax badana aan ka qoro, in
badana waad dhageysateen ayaan filayaa doodo badan, markaa is
xil-qaanka aan is xilqaamay wuxuu noqday inaad safiir bilaash u
noqdo Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray
isaga oo ka jawaabaya su’aal uu Waydiiyey Wariye ka tirsan Bahda
Somalilandtoday.com, oo ahayd inuu diyaar u yahay inuu qabto haddii
Madaxwaynuhu xil u Magacaabo “Su’aashaa Madaxwaynaha ayaad
weydiinaysaa.”
Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo sidoo kale, la waydiiyay inuu
hunguri kaga jiro inuu galo siyaas adda Somaliland, ayaa ku jawaabay
sidan “Hunguriga ugu weyn ee I hayaa waan inaan ummadey dii iyo
dadkaygii sii badsado (Barashooda)”ayuu yidhi.
Timacade News Desl
Hargaysa,Somaliland
|