WARSAXAAADEED

 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3392/062015, ku mag acaabay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda Somaliland, isaga oo wasiir ku xigeenkii ho rena u bedelay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yad da.


Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;



Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.



Beddel (Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah)



Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Mawliid Maxamuud Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wa siir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.




ALLAA MAHAD LEH



Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.