AXMED ISMACIIL SAMATAR INAGAMUU GALABSAN SOO DHAW AYN TA INTAA LEEG 22SANO AYUU SOMALILAND DAGAAL AANU WAXBA REEBAN INAGULA JIREY MAANTANA LAMA HAYO MEEL UU KAGA TANAASULAY MIDNIMO SOMALI LALA GALO


 

 

Dhamaan waan idin salaamay bulshwaynta reer somaliland meel kasta oo aad daafaha dunida ka joogtaan sal aan kadib dulucda hadalkayga hadaan u gundo daadago dhawaanahan waxa wadanka ka socday qaban qaabo soo dhawayn ah oo ay Xukuumado hormuud ka ahayd laguna soo dhawaynayay ninka layidhaah Axmed Ismaciil samatar.

Hadaba waxa la yaab igu noqotey Axmed Ismaciil samatar, waa nin in badan dagaal aanu waxba reeban inala galay , waa nin Maxadyada Cilmi Baadhisata ee Dunida reer Galbeedka inaga dhigey qoraalo ku lidi ah umada re er somaliland.Waxaan xasuusta mar uu Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin ,uu safar ku tagay Dal waynaha Ingiriiska, oo dabadeed Barlamanka Ingriiska lagu martiqaaday.

Axmed isaga oo maalintaa BBC da ka hadlaya , ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa ," Walaalkey Cabdi Ismaciil S amatar baa shoolada ugu dhacay meshii uu ka hadlayay ninkaas Madaxwaynaha sheeganaya ,oo yidhi waxba kama jiraan ninkaasu waxa uu sheegayo,isaga oo uula jeeda Madaxwaynihii Wadanka.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi "Meel baanu ka wada nimid,waxba kama jiraan waxaa uu sheegay aa." Maantana Axmed waxa uu leeyahay hadalkaygu waa duuban yahay ,waana qoran yahay, oo meel aan Som aliland kaga hor imid ma jirto.

Waxa la yaab igu noqotey oo kale, Axmed markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, waxa la waydiiyay maxaad isaga casishey xubin nimadii Barlamanka Somaliya, waxa uu ku jawaabay ,markaan arkey sida ay wax u wadaan ,ee ah inaan umada dhibaateysan waxba loo qabanayn ee Soomaliya ayaan iska casiley Gudo onka Barlamakuna. Waa ogyahay Axmed ,isaga oo maanta Hargeysa jooga ayaan lahayn meel uu midnimo Som ali lalagalo kaga tanaasuley, oo waxa laga hayaa bal horta dadka aan dhagaysto oo aan wadanka indha indhee yo

Hadaba Xukuumadan u saartey Gudida soo dhawaynta ee ilaa heer Wasiir, waa wax lala yaabo, miyaan la odhan karin jibadeenii yarayd ee laynagu sheegi jirey ,ayaaba wax ka jiraan



Gunaanad


Axmed
muu teelo dhigan Somaliweyn , meel kuuma hayno ayay tidhi , markaa waxaan Xukuumada odhan lahaa, waar umadda Karaamada ha ka qaadina, oo kolba nin geed uu qabsado waayay bustaha ha dul dhiganina
 

 

 

Cabdifataax Jaamac Axmed
fataax83@hotmail.com