Axmed Keysoow Nina Haybta Kuma Raaci Karo
Hooyo Aan Dhalin

 


Waxa beryahan dambe warbaahinta lagu baahinayey hadalo xajiin leh isla marnaa xambaarsan curfi iyo dhaliilo qabyaaladeeda, hase yeeshee loo muujinayey in ay ka dhasheen soo dhowayntii guddoomi yaha xisbiga Udub ahna madaxweynihii hore ee

Waxa beryahan dambe warbaahinta lagu baahinayey hadalo xajiin leh isla marnaa xambaarsan curfi iyo dhaliilo qabyaaladeeda, hase yeeshee loo muujinayey in ay ka dhasheen soo dhowayntii guddoomi yaha xisbiga Udub ahna madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale kaahin, taasoo dadka loo tusayey in six un loola dhaqmay.

Hase yeeshee marka la eego raga hadaladani ka soo yeedhayeen oo dhammaantood ahaa niman isku wada beel ah iyo weliba kelmadaha ay adeegsanayeen oo salka ku hayey cuqdad, isku dir, kala foga yn iyo xaalad abuur.

Hadaba Waxa xaqiiq ah in arintani ahayn mid ka dhalatay soo dhowayntii Daahir Rayaale, balse arrin tu tahay BOROORTU ORGIGA KA WAYN, taasna waxaa u daliil ah

1- Iyada oo aaanay jirin cid ka tirsan bahweynta UDUB oo arrintan sida ay inamaadaa isku reerka ahi iga hadleen uga hadashay.

2- Moowduuca ay ka hadleen oo ahaa xaalad abuur, xabaalo soo fiqid iyo qaran dumisnimo.

Waxase is weydiin leh waa ayo cidda loo hiilinayaa, cidda laga hiilanayaa, maxaase keenay soo dhow ayntii Daahir Rayaale in lagaga waramo wixii ummadda ka heshiisey, waa maxay danta ku jirtaa, max aase maanta keenay in la soo qodo wixii ummaddu ka heshiisey? Ku darso oo raga weliba arriman ku hadaaqayey waxaynu ka xusi karnaa c/raxmaan xoog oo ahaa ninkii xabadda la dhexgalay golaha wa kiilada sababayna xiisaddii dhiigu ku daatay iyo Axmed Keyse oo aynu xasuusannahay in uu ahaa nink ii yidhi Siillaanyo dalka ma iman karo isaga oo masuul ummadeed ahaa.

Inkastoo oo aan jeclayn in aan ku fogaado inaabtigay keyse, waxaanse odhan lahaa inaabti wax isku la hadh, aniga oo aan jeclayn in aan ku tiigaaro inaabtigay taariikhdiisa iyo shaqsiyaddiisaba waxaan odhan lahaa NINA HAYBTA KUMA RAACI KARO HOOYO AAN DHALIN.

Maxaa loo waayey cid kale oo arrintan ka hadasha, meeday bah wayntii Udub, maxaa arrintan ka dhi gay koox isku reer ah, ayaa loo hiilinayaa,yaase laga hiilinayaa, waxaa maxayse xilka qaar ah ee iya ga Daahir Rayaale ka saran ee aan ummadda kale aan ka saarnayn, maxaase keenay in ay maanta yidhaahdaan waxa lagu noqonayaa 1994-kii?


 

 



Guddoomiyaha Ku-xigeenka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye

Maxamuud Jaamac Warfaa
Email: maxamuud13@live.com