WAR-SAXAAFADEED
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed
Siilaanyo ayaa xaf iiskiisa ku qaabilay madaxda iyo masuuliyiinta
Maxjaradda ka hawl-gala dalka.
Masuuliyiintan iyo madaxdan waxa horkacaayay wasiirka wasaaradda
xanaanada xool aha Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), isagoo
warbixin ka siiyay madaxway naha ujeedda kulanka ay masuuliyiintani
ugu yimaadeen madaxwaynaha, waxana uu sh eegay inay tahay, salaan iyo
xog kala qaadasho,madaxwaynuhuna uu u cadeeyo maw qifka xukumadda ee
maxjarada iyo wixii kale ee dardaaran ah ee u soo jeedinayo
masu uliyiinta.
Intaa ka dib,waxaa hadalka la wareegay madaxwaynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, wa xana uu si kooban u sharxay mawqifka xukumada ee
maxjarada, isagoo cadeeyay in ma xjaradu yihiin xarumo caafimaad oo
loogu talo galay in lagu daryeelo caafimaadka xool aha oo ah
lafdhabarka dhaqaalaha Dalka, isagoo carabka ku adkeeyay inaan loo
baahn ayn marnaba in isku eri iyo wax kala jiidasho ay ku dhacaan
maxjaradu, madaxwaynaha oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi "waan
idin soo dhawaynayaa, anigoo idinka mah ad naqaya kulankan salaanta
ah ee aad iigu timaadeen”.
Madaxwaynuhu waxa uu intaas uga gudbay hadal iskugu jiray xusuusin
iyo amar ku sa absan mawqifka xukumada ee maxjarada dalka waxana uu
yidhi "waxaan idin xasuusina yaa in mawqifka xukumaddu uu yahay,
marka ay joogto dhinaca maxjarada, in maxjara da lagu dhaqayo
heshiisyadii ay xukumadda la galeen, wasaaradda xanaanada xooluhu na
ay ku ilaaliso heshiiskaa, loona baahan yahay in sidoodii loogu
dhaqmo, isagoo mada xwaynuhu amraay wasaaradda xanaanada xoolaha in
heshiisyadaas sidoodii ay u dhaq an galaan, maxjaraduna ay heshiiskaa
ilaaliyaan, dawladuna ay ku ixtiraami doonto.
Dhinacooda waxaa halkaasi ka hadlay Masuuliyiinta maxjarada oo uu ka
mid ahaa Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho), Calinuur Iyo Axmed
Cali , Cabdilaahi Carab Ismaciil , Ya asiin Xaaji Cabdi Cawad (Indho
deero) kuwaasoo uga mahadnaqay Madaxweynaha qaa bilaada uu ku
qaabilay Xafiiskiisa, isla markaasna balan qaaday inay u
hogaansamayaan amarada dawlada iyo heshiisyada u dhexeeya xukumadda
iyo maxjarada.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|