WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu k a aqbalay Istiqlaaladii uu u soo gudbiyey
Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee
uu Madaxweynuhu dhawaan xilkaa u magacaabay. Madaxweynuhu waxa uu (Insha
Allah) dib ka soo magacaabi doonaa masuul ku haboon isla markaana
hanan kara xilkaa Qaran.
Madaxweynuhu wuxuu Istiqlaalada masuulkaa kaga jawaabay sidan soo
socota:-
Ku: Mudane, Cabdi-qaadir Sheekh Maxamuud Warsame
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Og: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Ujeeddo: Aqbalaad Istiqlaalad Xilka Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda
Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Mudane,
tahoma, geneva, sans-serif;">In muwaadinka loo magaacaabo xil qaran
si uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeego waa sharaf iyo maamuus.
Haddaba, aniga oo ka duulaya habsami u socodka hawlaha baaxadda leh
ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda waxa soo dhaweynayaa
cudurdaarka iyo go’aankaaga ah inaanad qaban karin xilkaa kor ku
xusan. Sidaa darteed, mudane waan kaa aqbalay istiqlaaladda aad ii
soo gudbisay waxaanan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
|