WAR-SAXAAFADEED

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa caawa xafiiskiisa kula kulmay, safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Ms. Harriet Mathews, oo ay weheliso Ms. Cat Evans oo ah ku xigeenka Safiirka dawladda Ing iriiska ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha oo ay kulanka ku weheliyeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), Wasi irka Arrimaha Gudaha, Mudane, Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.

Ugu horayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa warbixin siiyeysafiirada ingiriis ka ee Somaliland iyo Soomaaliya & Safiir ku xigeenka ingiriiska ee Itoobiya, waxaanu madaxw eynuhu ku dheeraaday xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska, kaas oo uu ku sheegay inuu ku dhisan yahay isqadarin iyo wada shaqayn, isagoo si gaara uga mahadnaqay caawimooyinka tirada badan ee dawladda Ingiriisku ka geysato Somaliland, siiba dib-u-dhiska dalka, kobcinta dimuqraadiyada iyo adkaynta amniga, iyadoo dawladda ingiriisku ka qayb qaadato sanduuqa horumarinta Somaliland ee loo yaqaan (SDF).

Madaxweynuhu waxa kale oo uu in badan ka hadlay xaalada abaarta ee dalka ka jirta, taas oo uu ku sifeeyey abaar dheeraatay oo caam yeeshay guud ahaan dalka, xoolihii ay dadku ku tiirsanaayeena ay badankoodii le’deen, dhawr kii qof ee ugu horeeyey oo ah caruur iyo waayeelna ay ku dhinteen gobolada galbeedka.

Madaxweynuhu wuxuu u sheegay weftiga in ay kala-badh ummadda Somaliland saamaysay abaartu, baahi darani ay hayso, xoolihiina ay ka baxeen, una baahan yihiin cunto, hoy iyo kaalmo binu-aadanimo oo ay ka mid tahay sidii deg-deg loogu gurman lahaa dadkaas, madax weynuhu waxa uu xusay haddaan dhakhso loogu gurman oo beesha caalamku ka gaabiso wax la qabashada Somaliland ee dhinaca abaaraha, inay masiibo binu-aadami dhici karto, wiiqina doonto abaartaasi, Amniga, iyo dib u dhiska dalka.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay barmaamijka qaran ee isdiwaangelinta cod bixiye yaasha, oo uu sheegay in ay hada gobolada qaar ka soo dhamaatay, qaarna ay imika ka socoto, kuwa hadhayna dhawaan loo gudbi doono.

Madaxweynuhu waxa uu isdultaagay, xog warrana ka bixiyey amniga dalka iyo mandaqada ay Somaliland ku taallo.

Dhinaca weftiga waxa halkaas ka hadashay Safiirka Somaliland iyo Soomaaliya, waxay sheeg tay inay aad ugu faraxsan tahay sida loogu soo dhaweeyey dalka, iyo kulanka ay madaxwey naha la yeesheenba.

Waxa kale oo ay sheegtay in markasta oo ay timaado dalka ay ku aragto isbedel iyo horumar ka hirgalay dalka, taasina ay ka turjumayso hogaaminta wanaagsan ee dalka ka jirta.

si gaara waxay uga hadashay safiiradu in xubno ka mida weftigeedu ay booqdeen dad u taagan safafka isdiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ay haween badani ku jireen, kuwaas oo u taagnaa inay isu-diiwaangeliyaan, siday uga qaybgeli lahaayeen doorashada dhici doonta horraanta 2017-ka, taas oo ay ku sifaysay in haddii ay isdiwaangelin fiicani dhacdo, sida ay u socoto hadda, ay suurto gelindoonto inay qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi, waxay intaa ku dartay inay ku qanacday qalabka lagaga shaqaynaayo isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha, kuna tilmaantay mid casri ah oo tayo leh, laguna gaadhayo inay dhacdo doorasho caddaalad ku qotontaa.

Dhinaca Abaaraha mar ay ka hadlaysay waxay sheegtay inay dalkeeda gaadhsiin-doonto sidii ingiriisku uga qaybqaadan lahaa gurmad dhakhso ah oo la gaadhsiiyo dadka tabaalaysan ee Somaliland, sida ugu horraysana looga soo jawaabi doono, gacansiinta dhinaca abaaraha.

Sidoo kale waxay ka hadashay arrimaha amniga ee mandaqadda. waxa iyana hadalka raacisay safiir ku xigeenka dalka itoobiya oo iyana sheegtay inay ku faraxsan tahay horrumarka ay Somaliland ku talaabsatay, dawladda ingiriiskuna balaadhin doonto dhinacyo badan oo ay hadda iskaashi ka wada leeyihiin Somaliland iyo Ingiriisku.

Masuuliyiintii ku wehelisay kulanka madaxweynaha, ayaa iyaguna ku darsanayey hadal la xidhiidha ujeedooyinkii lagaga wada hadlayey fadhiga.

Markii uu soo dhamaaday fadhigu, waxa hadal kooban oo ku saabsan kulanka saxaafadda siiyey wasiirka arrimaha dibeda Somaliland iyo safiirka Somaliland iyo soomaaliya ee Ingiriiska.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.