WAR-SAXAAFADEED

 



Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskisa ku qaabilay Danjire Markus Bollmohr oo ah safiir ku-xigeenka Dawladda Jarmalka u fadhiya Nairobi, dalka Kenya. Ugu horayn, Madaxweynaha Somaliland wuxu uga mahadceliyay Danji raha doorka mugga leh ee Dawladda Jarmalku ka qaadato mashaariicda ay ka taageerto S omaliland xagga waddooyinka, biyaha iyo dhinacyada kaleba, waxanu Madaxweynuhu xusa y t doorka hay’adda Jarmalka ah ee GIZ iyo qaadhaanka dawladda Jarmalku ka gay sato horumarinta waddooyinka sida wadada isku xidha Kalabaydh-Wajaale iyo dayactirka wa dada isku xidha Berbera iyo Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland wuxu uga mahadceliyay Dawladda Jarmalka kaalinta ay ka qaadato iyo sida ay mar walba isu garab taagto Somaliland gaar ahaan dhinaca doo rashooyinka iyo dimuqraadiyadda. Madaxweyne Silaanyo wuxu u sharraxay Danjire Marks go’aanka uu ka qaatay kala qaadista labada doorasho ee baarlamaanka iyo madaxtooyada Somaliland.

"Somaliland maanta waa dal muddo dheerba ku naaloonayey nabadgelyo, degenaansho iyo dimuqraadiyad taama oo ku abtirsata nidaamka soo jireenka ah ee aanu dhaqanka u leena hay kaasoo ah wada-tashi, is qancin, isu-tunaasul iyo talo-wadaag iyo in aanu annagu leen ahay go’aaminta halka ay ku jiraan danaha iyo maslaxadaha ummaddayadu, Sida ay awalb a yeeli jireen, waxannu ku rajo weynahay in bulshada caalamku ay rabitaankayaga nagu ti x-gelin doonaan”, Madaxweynaha Somaliland.

Safiir-ku-xigeenka Dawladda Jarmalka u qaabilsan Kenya, Danjire Markus ayaa dhankiisa ku amaanay Somaliland horumarka ballaadhan ee laga sameeyay xagga dhaqaalaha iyo dimuq raadiyadda, waxanu tlmaamay inay muhiimtahay in la tixgeliyo arrinta saami qaybsiga baar lamaanka ee gobollada iyo bulshada Somaliland.

Kulankaas waxa Madaxweynaha JSL ku weheliyay Wasiirka Arrimaha diebdda JSL Somalila nd Dr. Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Debadda JSL Mudane Adiqani Axmed Goolle iyo Xoghayaha 2aad ee Madaxweynaha Mudane Naasir.

 



Source: Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation of Somaliland
              Hargeisa, Republic of Somaliland