TACSI MADAXWEYNE

 


 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa wax garadka, waayeelka, aqoonyahan, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga So maliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Ibraahim Waab eri (Cileeye) oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu ahayd 12 June 2017, Magaalo Madaxda gobolka Awlda ee Boorama.


Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed ka baxay guud ahaan shacbiga Somaliland gaar ahaana gobolka Awdal, waxaanu ka mid ahaa dadka waayeelka ah ee ku suntan dib u dhiska dalka iyo nabad kuwada noolaanshaha shacabka reer Somal iland, taariikhda dalkuna ay xusi-doonto.


Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraa biyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahan, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo gu ud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 



Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL