Madaxweynaha Somalilnd Axmed Siilaanyo oo kulan la qaatay Wasiiradiisa ku sugnaa Imaaraadka



 


Dubai (TNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo oo ku guda jira safarkiisi nasashada ahaa ee uu ku joogay Imaaraadka Carabta ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01.07.2017 kulan muhiima la yeeshay xubno ka mida golaha wasiirada oo iyagu u joogay halkaasi hawlo shaqo oo la xidhiidha arrimihii ay Somaliland iyo imaaraadku hore uga wada shaqayn jireen iyo arrimaha dhoofka xoolaha oo uu wasiirka waaaradda xanaanada xooluhu in muddo ahba halkaasi u joogay.

Kulankaasi oo ka qabsoomay hotelka uu madaxweynuhu ka degan yahay Dubai ayaa waxa warbiximo kala duwan ka soo jeediyey wasiiro dhawra oo iyagu halkaasi u joogay dardar ge linta iyo ka midho dhalinta arrimahaasi, waxaana markii kulankaasi dhamaaday saxaafadda la hadlay wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland, Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay ujeedada kulankaas, madaxweynaha warbixin mug iyo miisaan leh ka siiyey halka ay wax u marayaan marka laga hadlayo arrimaha dhoofka xoolaha nool ee Somal iland u dhoofin jiray Sucuudiga, waxaanu yidhi “ujeedada ugu weyn ee kulankan ay wasiiradu madaxweynaha ugu yimaadeen waxa weeyi laba arrimood uun, midi waa salaan guud oo ay madaxweynaha iyo marwada koowaad ee Qaranka ugu yimaadeen xubnaha golaha wasiira da ka tirsani madaama oo uu madaxweynuhu ku jiro fasax la xidhiidha fasaxyadii madaxweyn uhu ugu bixi jiray dibeda ee uu xaqa u lahaa iyo mida kale oo ah hawlihii aynu awalba la wad nay dawladda imaaraadka carabta iyo laameheeda kale oo ahayd meesha keliya ee ilaa had da ugu wanaagsan ee inoo nuglaatay ee aynu dunidii ka galnay ee aynu xidhiidhka la yeelan ay. Labada ujeedo ee muhiimka ahaydna qoladii ka soo noqotay sucuudi Arabiya ee wasiira da ah, xubno ka yimid hargeysa oo iyaguna wasiiro ah iyo xubnaha madaxweynaha wehelina yey oo hadda halkan ku sugnaa.

Kulankani waxa uu ahaa mid is xogwaraysi ah madaxweynahana aanu warbixin ku siinay hal ka ay hawluhu noo marayeen ka wasiiro ahaan intii aanu ku gudo jirnay hawlahaasi, war bixi mahaasi oo ay madaxweynaha u jeediyeen xubnaha golaha wasiirada ee ay hoggaaminayaa n, wasiirka madaxtooyada, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka arrimaha dibeda, Dr Sacad Cali Shire, wasiirka maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, wasiirka qorshaynta iyo horuma rinta qaranka, md Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), wasiirka duulista hawada, Md Farxaan Axmed Haybe, dhamaan wasiiradaasi oo madaxweynaha ugu yimid hotelka uu degan yahay waxa aanu dhamaantayo shacbiga mar kale ugu hambalyeynaynaa ciidal fidrigii ina dhaaftay iyo shuwaalkaba ilaahayna khayrkeeda ha ina siiyo. Ummadda reer Somalilandna waxa aanu kula dardaarmaynaa in ay noqdaan kuwo samaha ku taliya carabkoodana kaga hadla waxa san, duruufta dhaqaale ee maanta dalku ku jirana waxa aynu kaga bixi karno ayey ka mid ta hay dhaqdhaqaaqyada aanu u joogno halkan, maaha iska joogis xubnaha wasiiradu ay halka n iska joogaan ee waxa aanu ka shaqaynaynaa dhamaanteen in aynu ka baxno duruufta ka dhalatay xoolihii la joojiyey ee istaagay iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga oo koobmay taasina ay keentay in shilinkii Somalilandna qiimihiisi isbedel ku yimaado, ilaahay waxa aynu ka baryeyna a inuu marxaladaa inaga saaro, waxaanan ku jaro weynahay oo aanu ka shaqaynaynaa in xooleheeni xajka loo diro warbixinta iyo waxa aanu dawladahan isnidhi safarka dhamaadkiisa ayaanu ummadda u soo bandhigaynaa”.



Ugu danbayntiina waxa uu Madaxweynaha qaranku dhankiisa uga mahadceliyay hawsha ay qaranka u hayaan iyo dedaalada ay ka sameeyeen hawlihii uu u igmaday una joogeen imaar aaadka iyo sucuudiga, waxaanu ku dhiirigaliyay xubnaha wasiirada ah inay dedaalka halkaa kasii wadaan kana midho dhaliyaan. Sidoo kale waxa kulankaasi goobjoog ka ahaa xoghayah a gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Md Cali Axmed Cali Iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Ar rimaha Saxaafadda Md Khadar Cali Gaas.



Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL