WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud
Siilaanyo ayaa maanta (25.11.2015) Qasriga Madaxtooyada kula kulmay
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Prof. Maxamed Mixile Boqore,
Agaaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha M udane Xasan Aadan Geedi iyo
Agaasimaha Guud ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Mud ane Guuleed
Saleebaan Hagoog. Madaxweynuhu wuxuu kulankaa war bixin iyo xog
warra n qoto dheer kaga dhagaystay saddexda masuul ee ugu sarreeya
Hay’adda Shaqaalaha iyo Machadka Shaqaalaha Dawladda. Saddexdan
masuul waxay si faah-faahsan uga war bixiyeen wixii u qabsoomay
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Machadka Shaqaalaha Dawladda
sannadkan 2015-ka iyo waxa u qorshaysan labadan hay’adood sannadka
soo socda ee 2016-ka.
Ugu horayn waxaa kulankaa ka war bixiyay Guddoomiyaha Hay’adda
Shaqaalaha Profess or Maxamed Mixile Boqore oo soo bandhigay qoraal
muujinaya wixii u qabsoomay Hay’ad da Shaqaalaha mudaddii uu xilka
hayey. Ugu horrayn Guddoomiyuhu wuxuu sharraxay qa abdhismeedka
Hay’adda isagoo ku dheeraaday waajibaadka shaqo ee ay u hayaan
Qaran ka. Professor Mixile wuxuu kulankaa ku caddeeyay tirade guud ee
shaqaalaha Dawladda oo dhan 15,273 (shan iyo toban kun iyo laba
boqol iyo saddex iyo todobaatan) shaqaale ah.
Sidoo kale, Guddoomiye Mixile waxa kale oo uu tibaaxay heerarka ama
darajooyinka kala duwan ee ay shaqaalaha Dawladdu ku shaqeeyaan oo
kala ah sida soo socota: 2491 qof oo ku shaqeeya darajada (A grade);
8161 qof oo ku shaqeeya darajada (B grade); 2231 qof oo ku shaqeeya
darajada (C grade) iyo 2390 qof oo ku shaqeeya darajada (D grade).
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Prof. Maxamed Mixile Boqore waxa
kale oo uu faah-faahin ka bixiyay tirade shaqaalaha ah ee u
qorshaysnayd in la shaqaaleeyo sannadkan 2015-ka oo ah 483 oo ay
weli dhimantahay in la shaqaaleeyo 148 oo qof.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay isla markaana uu hoosta ka xarriiqay, si
loo sugo tirada dhab ta ah ee shaqaalaha shaqeeya inay Hay’ad ahaan
bilaabeen kormeer ay xog ururin ku sa meeyeen dhammaan Wasaaradaha
iyo Hay’adaha Dawladda si ay u helaan xogo dheeraa d ah oo ku saabsan
macluumaadka dhabta ah ee shaqaalaha. Hay’adda Shaqaaluhu waxa kale
oo ay hawl-gal ka fulisay Xarumaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha
qaarkood si loo ca deeyo shaqaalaha dhabta ah ee shaqeeya iyo tirada
shaqaalaha qoran balse dhab ahaan aan jirin (caagleyaasha) ee ku
jira shaqaalaha Wasaaradahaa iyo Hay’adahaa iyaga ah. Guddoomiyuhu
wuxuu sheegay inay qabteen ama soo saareen tiro kooban oo shaqaale
ah oo ka tagay shaqada ama dhoofay isla markaana ay ka joojiyeen
shaqadii una gudbiye en Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka si uu arrintaa
uga hawl-galo.
Guddoomiyuhu isagoo ka duulaya aragtida ama hal-ku-dhegga ah:
“Shaqaale Tayaysan a yaa Toosiya Qaran” wuxuu tibaaxay Barnaamijka
Dib-u-habaynta Shaqada iyo Shaqaala ha Dawladda, waxana uu caddeeyay
in hawl balaadhani ay haatan ka socoto. Waxa kale oo uu caddeeyay in
Bangiga Aduunku uu ka caawinayo sidii wax looga qaban lahaa sharciga
shaqaalaha, sanduuqa hawl-gabka, derejada iyo mushaharka shaqaalaha,
dib u eegidda qaab-dhismeedka Hay’adaha Dawladda, dhisidda iyo
kobcinta waaxaha shaqaalaha iyo qorshaynta ee Wasaaradaha, iyo
tayaynta iyo tababaridda shaqaalaha Dawladda. Ugu danbayntii,
Guddoomiyuhu wuxuu ku soo gaba-gabeeyay war bixin kooban oo uu si
guud u dul-xaadiyey caqabadihii ka hor yimi muddadii uu xilka hayey.
Waxaa kale oo isna ka war bixiyay wixii u qabsoomay Machadka
Shaqaalaha Dawladda Agaasimaha Guud ee Machadka Mudane Guuleed
Saleebaan Hagoog. Agaasimuhu wuxuu awar bixin kooban ka bixiyey
taariikhda Machadka iyo sidii loo aasaasayi yo muhimadda uu u
leeyahay kor u qaadidda xirfadaha iyo aqoonta Shaqaalaha Dawladda.
Agaasimuhu wuxuu sharraxaad ka bixiyay barnaamiyada Machadku bixiyo
oo uu ku kala sheegay tababarro gaagaaban iyo tababarro heer
Jaamacadeed ah. Agaasimuhu wuxuu xusay inay Sannadkan 2015-ka
tababareen shaqaale tiradoodu dhantahay 534 oo ka faa’iidaystay
barnaamijyada uu Machadku bixiyo.
Wuxuu kale oo agaasimuhu sheegay inay barnaamijyadaasi ka
turjumayaan baahida aqo oneed ee shaqaalaha dawladda. Agaasime
Guuleed waxa kale oo uu xusay inay xidhiidh wacan oo qoto dheer la
leeyihiin Jaamacadda Shaqaalaha ee dalka Itoobiya, isaga oo cadeeyay
inay sannad walba shaqaale tiradoodu dhantahay 20 ay aqoon-korodhsi
ugu diraan Jaamacaddaa si ay uga qayb qaataan barnaamiyada
waxbarashada Jaamacdda heerka labaad (Master’s Degree). Ugu
danbayntii Agaasimuhu wuxuu ku gaba-gabeeyey muhimadda ay Qaranka u
leeday in la dar-dar galiyo barnaamijka dib-u-habaynta Shaqada iyo
Shaqaalaha Dawladda, kaasoo ka taageeri doona in machadku uu
balaadhiyo barnaamijyadiisa taasoo raad iyo saamayn toganba ku
yeelan doonta shaqada iyo shaqaalaha.
Waxa kale oo isaguna kulankaa hadal kooban ka soo jeediyey
Agaasimaha Guud ee Hay’a dda Shaqaalaha Mudane Xasan Aadan Geedi
isagoo ka codsaday Madaxweynaha Qaranka in dib loo fasaxo
shaqaalaynta, maadaama uu Madaxweynuhu arrinta shaqaalaynta bishii
afaraad ee sannadkan dikreeto ku hakiyay, si loo hubiyo tirada iyo
tayada Shaqaalaha Dawladda.
Ugu dambayntii, waxa kale oo isaguna kulankaa hadal kooban oo
miisaaman ka soo jeediy ey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane
Maxamuud Xaashi Cabdi oo masuuliyii nta Hay’adda Shaqaalaha iyo
Machadka Shaqaalaha Dawladda ku booriyey inay mudnaa nta koowaad
siiyaan hubinta iyo daba-galka tirada Shaqaalaha ah ee Dawladda
rasmi ahaan ugu shaqeeya. Wasiirka Madaxtooyadu waxa kale oo uu
tibaaxay muhimadda ay Qaranka u leedahay isku dheelli-tirka
shaqaalaha ee Gobollada dalka, waxana uu Madaxw eynaha u soo jeediyey
in la sameeyo guddi ay ka mid yihiin M/weyne/k/xigeenka Mudane
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaaradda
Madaxtooyada, Wasii rka Wasaaradda Maaliyadda Marwo SamSam Cabdi
Aadan iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaha Prof. Maxamed Mixile Boqore
si ay uga soo talo-bixiyaan arrinta shaqaalaynta tirada weli
sannadkan 2015-ka dhiman in la shaqaaleeyo oo ah 148 oo qof.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Afhayeenka Madaxmweynaha JSL
|