WAR-SAXAAFADEED
JSL/M/XERM/249-4090/072016 ku magacaabay todoba Degmo oo Cusub.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqraddiisa 3aad ee
Dastuurka Jamhu uriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo
tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;
Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada,
Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in Degaanka Geba-gebo loo
magacaabo Degmo cusub;
Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;
Wuxuu go’aansaday;
In uu Balli-mataan u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta
Gobolka Maroodi-jeex.
In uu Geba-gebo u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta
Gobolka Togdheer.
In uu Faqayuub u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta
Gobolka Togdheer.
In uu Shaxda u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka
Xaysimo.
In uu Wadaamagoo u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta
Gobolka Saraar.
In uu Adhi-cadeeye u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta
Gobolka Sool.
In uu Gumburaha u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta
Gobolka Hawd.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|