Axmed Siilaanyo Oo Meel Adag Iska Taagay Muddo
Kordhinta Cusub M/Weyne Rayaale.
"Waxaan U Arkaa Inuu Go’aankaasi
Ku Yahay Gabal Dhac Gedi Socodkii oo Waxyeelo Aan Laga Soo Waaqsan U
Geysanaya Horumarkii Iyo Dimuqraadiyadii Dalka" Axmed Siilaanyo
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka
ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa si kulul u
naqdiyay Go’aankii Golaha Guurtidu ay maanta muddo lix bilood ah u
kordhiyeen Madaxweyne Rayaale iyo Ku Xigeenkiisa, waxaanu tallaabada
golahaasi ku tilmaamay mid gabal dhac ku ah gedi socodkii hanaanka
dimuqraadiyada Somaliland.
Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu sheegay in aanay jirin asbaab nabad gelyo
darro oo dalka ka taagan oo sababta in muddada loo kordhiyo
Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ku sheegay Waraysi uu caawa siiyay laanta
Afsoomaaliga ee idaacada BBC-da, waxaanu ka hadlay aragtidiisa ku
wajahan go’aankan maanta ka soo baxay aqalka Odayaasha, waxaanu
yidhi "Waxaan u arkaa go’aankaas mid ayaan darro ah, waa go’aan
Guurti, laakiin waxaan u arkaa inuu go’aankaasi ku yahay gabal dhac
u dhacay geedi socodkii oo waxyeelo aan laga soo waaqsan u geysanaya
horumarkii iyo dimuqraadiyadii dalka, kuna bilaabay jidkii kali-talisnimada
iyo xoriyad la’aanta u horseeday ayaan u arkaa inuu yahay."
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE wuxuu sheegay in Golaha Guurtidu ay u
xilsaaran yihiin inay muddada u kordhiyaan xukuumada ama aanay u
kordhin isagoo sabab uga dhigaya haddii ay jirto nabad gelyo darro.
"Dalka Somaliland wuxuu ku faa’iiday inuu xoriyad iyo xasilooni
haysto, sababta ay qodobkaas u cuskadeen waa wax aan suurto-gelayn
oo aan sharciyada iyo dastuurka ku jirin,"ayuu yidhi Md. Axmed
Siilaanyo.
Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in Komishanka doorashooyinku ay iyagu
wakhtiga u cayimaan doorashada, balse aanay Guurtidu raacin
wakhtigii Komishanku ay shaaciyeen.
"Horta marka u horreysa Guurtidu ma aha shaqadeedana ma aha inay
wakhtiga doorashooyinka u qabato, taasi cid kale ayay xilkeeda tahay
sharciguna wuu qeexayaa, arrimahan kalena sharcigu si qudha ayuun
buu ogol yahay in loo kordhiyo waxaana weeyaan nabad gelyo darro ka
taagan maalinta doorashadu dhacayso, maanta doorasho la leeyahay
nabad gelyo darro ayaa ka jirta oo ay tilmaamayaana ma jirto, wax
tallo ah oo ay axsaabta weydiiyeena ma jiro. Waxaan aaminsan nahay
in gedi socodkii Somaliland meel weyn lagaga dhacay, inay dhaawac ku
keenayso horumarkii iyo dimuqraadiyadii dalku ku tallaabsanayay ama
ummaddeedu ay hawaysanaysay,"Ayuu yidhi.
Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd in duruufaha guurtidu
cuskadeen ay yihiin kuwo munaasib ah iyo in kale.
Md. Siilaanyo, oo la weydiiyay waxay Xisbi ahaan xal u arkaan haddii
ay diidan yihiin muddo kordhintan cusub, waxaanu yidhi "Anagu maanta
xal ka hadli mayno, jawaabtaydii u horreysay kaas weeye, xisbi
ahaana weli tallo isaga-maanu iman oo maanta uun bay ahayd, tallo
xisbi ahaan waanu isugu noqon doonaa, ummadda oo dhana way u taalaa."
Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyay in komishanka doorashooyinka ay
la shaqaynayaan iyo in kale wuxuu tilmaamay inay Komishanka mar
walba shaqo fiicani ka dhaxayso.
Md. Siilaanyo wuxuu cambaareeyay xadhiga saddex Suxufi oo ka tirsan
idaacada Radio Horyaal oo Hargeysa lagu xidhay, waxaanu tilmaamay in
wadanku qaaday wadaddii keli-talisnimada.
Ramaasnews
|