WAR-SAXAAFADEED

 

 
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynah a Qaranka, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, golaya asha qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqonyahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre oo ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa xalay oo taariik hdu ahayd 26/06/2017.


Marxuum Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre oo ka mid ahaa odayaashii ugu horree yey ee lagu aasaasay Golaha Guurtida Somaliland, waxa uu ku simaha madaxweynuh u ku sifeeyey caalim diinta Islaamka aqoon badan u lahaa, afkiisa iyo adinkiisaba laga nabadgalay oo cibaado badnaa, isla markaana kaalin wayn ku lahaa nabadayntii iyo dib-u-dhiskii qaranka Somaliland.


Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynah a Qaranka, waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabi yo golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 



Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.