WAR-SAXAAFDEED

 


 
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isa goo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa qoys kii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, golayaasha Qaranka, waxgaradka, waayeelka, m adax dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, ee uu ka ba xay Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo maanta (06/04/2016) ku geeriyooday magaalada Burco.


Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug caddaaya oo qaranka Somaliland kaga suntanaa baal dahab ah, kana soo qaybqaatay dib u dhiskii dalka iyo nabad kuwada noolaashaha beelaha Somaliland wada dega, isagoo xilal kala du wanna ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey ee dalka iyo axsaabta qaranka, kana mid ahaa dhakhatiirtii ugu horaysay ee aqoontooda dhakhtarnimo u hibeeyey, duurkana u galay sidii ay dadkooda ugu gurman lahaayeen, kana hawlgeleyey dawa ynta mujaahidiintii horseeday xoraynta dalka.


Marxuumku wuxu ka mid ahaa haldoorka dhakhatiirta dalka ee wakhtigooda iyo ma skaxdooda u hibeeyey dawaynta iyo horumarinta caafimaadka shacbigooda.


Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka w araabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, madax dhaqameedka, siyaasiyiinta, aqoon yahanka iyo guud ahaan sha cbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.