WAR-SAXAAFADEED

 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, is agoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraaba dii, a sxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka maxay Alle ha u naxar iist ee Marxuun Maxamuud Caydiid Laf-cambe oo ku geeriyooday dalka Canada maan ta oo taariikhdu tahay 23/03/2016, kadib xannuun uu in dhawaydba u jiifay.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan ka baxay dalka iyo dadkaba kana mid ahaa dadka muxtarimka ah ee caanka ka ah guud ahaan Soma liland, qayb weyna ku lahaa halgankii iyo nabadayntii beelaha wada dega Somali land, waxanu marxuumku wakhtigan xubin ka ahaa xildhibaannada Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, isoo ahaa xubnaha ugu firf ircoon ee taban-tabada iyo taabo gelinta, fadhigooduna ahaa waqooyiga amareer ika ee xisbiga Kulmiye.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ge eyo, aqoonyahanka, waayeelka, waxgaradka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, as xaa btii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.