TACSI MADAXWEYNE

 

 


03/05/2016

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu tacsi u dirayaa Madax-dhaqameedka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee,Marxuum Xaaji Shi de Xaaji Diiriyeoo ku geeriyooday 03.05.2016, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo dalkiisa u soo qabtay ha wlo badan oo isugu jiray nabadayn, dib-u-dhis, iyo adkaynta wada jirka dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan gobolka saaxil oo uu ka mid ahaa madax-dhaqameedada iyo gana  satada gobolkaasi caanka ka ahaa. Isagoo intaa raaciyey Madaxweynuhu inuu ahaa dadk ii dedaalka badan u soo galay dib u xoraynta dalka iyo la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa waasaca ah ugu deeqo, jannooyinkiisa balaadhana dejiyo, Madax-dhaqameedka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.



 



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.