TACSI MADAXWEYNE

 


 

 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isa goo ku hadlaaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, As xaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Siyaasi Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse) oo ku geeriyooday Hargeysa maanta 18.06.2016.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah, aqoonyah an ahaa oo muruqiisa iyo maalkiisaba kagaga soo qaybqaatay dib u xorayntii dalka, sidoo kalena qayb weyn ku lahaa aas-aaskii iyo hirgelintii xisbi weynaha kulmiye, wax a kale oo lagu xasuusan doonaa inuu aha nin ku suntan taariikhda Somaliland guud ahaan iyo nabadayntii, iyo dib u dhiska dalka. Marxuumku waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiy o.



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.